Heyada zamzam oo kaalmo gaarsiisay indhoolayaal& cuuryaamiin.
30/7/2007
Hay`adda Zamzam waxay ka mid tahay hay`adaha ama mu`asasaatka wadaniga ah ee ka qaybqaata wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed lagasoo bilaabo dhicitaankii dowladdii dhexe ee wadanka Soomaaliya 1991, markaas oo ay istaageen intii damiir wadaniya lahayd si ay u badbaadiyaan umadooda ay soo wajeheen dhibaatooyinka ay ugu horeyso dowlad la`aanta iyo dagaalada sokeeye.
Hay`adda Zamzam maamulkeedu waxaa uu kamid ahaa dadkaa damiirkoodu adeejiyay ee u istaagay wax uqabashada bulshada Soomaaliyeed. 
Hay`adu mudda dheer ayey ka soo shaqaynaysay arimahaa gargaarka iyo wax uqabashada dadka dhibaateysan ee Soomaaliyeed, hadaba hay`addu iyadoo howsheedaa gudanaysa waxaa ay kaalmo lacageed gaarsiisay dadka lagu tiriyo in ay ugu dhibaato badanyihiin Soomaalida dhibaataysan waa indhoolayaasha iyo cuuryaamiinta.
Deeqdan ayaa waxaa ugu deeqay dadkaasi dhibaataysan shacabka reer Jabuuti una soo marsiiyay hay`adda Zamzam iyagoo ugu tala galay shacabka Soomaaliyeed ee dhibaateysan kuwooda ugu daran gaar ahaan indhoolayaasha iyo cuuryaamiinta, hay`adda zamzamna ay ugaarsiisay sidii loogu tala galay.
Mid kamid ah dadkii deeqdan ka faa`iidaystay oo ahayd haweeney dhashay lix caruur ah oo shan kamid ah ay yihiin indhoolayaal midna uu yahay cuuryaan ayaa iyadoo ku faraxsan deeqdan tiri “waan ku faraxsanahay deeqdan qiimaha leh ee lay gudoonsiiyay” waxayna si qaas ah ugu mahadcelisay shacabka reer Jabuuti iyo hay`adda Zamzam sida wanaagsan ee ay u soo gaarsiiyeen, waxayna ilaahey ugu bariday inuu wax ka sii wanaagsan ugu badelo.
Ugu danbeyntii waxaa isna halkaasi ka hadlay agaasimaha hay`adda Zamzam shuceyb C/ladiif Sh. Bashiir oo ka mahad celiyay deeqdan ay soo direen shacabka reer jabuuti ee aan walaalaha nahay, wuxuuna tilmaamay inay tahay deeqdaani mid ay uga qayb qaadanayaan shacbiga reer jabuuti badbaadinta umadda wallaalohooda ah ee Soomaaliyeed ee dhibaatoonyinka dabiiciga ah iyo kuwa aan dabiiciga ahaynba halakeeyeen, waxaa sidoo kale uu tilmaamay Shucayb C/ladiif inay hay`adda Zamzam gacan wayn ka gaysatay yaraynta dhibaatooyinkii shacabka Soomaaliyeed soomaray mudooyinkii la soo dhaafay, waxaana ugu danbeeyey biyo baad ay gaarsiiyeen inta u dhaxaysa Afgooye iyo Muqdisha dadkii Soomaaliyeed ee ka barakacay magaaladda Muqdisho dagaaladii ka jiray awgood. Wuxuuna carrabka ku adkeeyay in hay`adda Zamzam ay aad ugu heelantahay marwalba inay shacbiga soomaaliyeed wax uqabato.
Waxayna qaybintii deeqdu kusoo gaba gaboowday si wanaagsan dadkii deeqda loo qaybiyayna ay aad ula dhaceen kaalmada loo fidiyay.
Hay`adda zamzam waa hay`ad wadani ah kana shaqaysa dhinacyada waxbarashada, caafimaadka daryeelka agoonta iyo mashaariic kale oo farabadan waxayna kahowlgashaa goboladda dalka oo dhan.