عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Xal yaa umada uhaya?

  16/12/2008

Somaalidu waxay tiraahdaa nin aan kula furi doonin yuusan kuu rarin.

Xaalada Soomaaliya markaad aad ugu fiirsato waxaa kuu soo baxaya in umada Soomaaliyeed amalkeeda ku xirtay kuwa aan danaynayn kursi mooyee wax kale iyo shisheeye aan marna raali ka ahayn maslaxada umada Soomaliyeed, labada qayboodna waxay ka midaysanyihiin hal sifo iyagoo ku kala gedisan sheegashada Soomali nimada.

Sifada ay ka midaysanyihiin shisheeyaha aan maslaxadooda mooyee mi Soomaliyeed aan doonayn, iyo kuwa Soomalidu amalka hogaamined ku xireen ee sheegta Soomali nimada waxaa ay tahay waxa la yirahdo al maslaxa.

Hadaba maslaxadaa iyada ah laf teedu waykala duwan tahay maxaa yeelay midina waa maslaxa shakhsi ah (gaar ah) midina waa maslaxa guud, laakiin nasiib daro maslaxadaasi guud maaha maslaxad Soomaliyeed ee waxay noqotay maslaxad shisheeye shi sheeyahaas oo aan marna raali ka ahayn maslaxad Soomaaliyeed.

Wax maslaxad guud layiraahdana Soomaaliya lagamaba yaqaan waayoo waxa Soomalidu nidaam iyo kala dambayn u weyday mudada ku dhaw 20ka sano waa in aan lagu guulaysan in la helo hogaan ufakara maslaxada guud.

Hadaba waan malayn karnaa in shisheeye aanu maslaxad Soomaliyeed dan kalahayn lakiin maxaa loo waayay tiro u fakarta danta umada oo ka gudubta damac gaar ah ama qoys ah?

laga soo bilaabo xuriyadii markii aanu qaadanay1960 waxaa sii yaraanayay ka fakarka danaha guud, waxaana siikordhayay ku fakarka dana qoys ama shakhsi, malinba meel ayayna soomaraysay ilaa laga soogaaro burburkii qaranimadii Sooomaalida1991, taas oo dhalisay in cid waliba xor u noqoto waxay doonaysay, maxaa yeelay waxaa meesha ka baxay quyuudii, sharcigii iyi kala dambayntiiye.

Waxay bilawday qolo walbaa in ay maslaxad qoys xaqiijiso kahor maslaxada guud isla markaana shakhsi ku awr kacsanaya qoyskasta uu horkacay, waxaana ay nagaarsiisay taasi meel aan dhaqsi laga soo kaban Karin, oo waxaan caalamka dib uga dhacnay 20sano, marki ay ahayd in horuukac iyo dal dhisid laga shaqeeyo iyadoo wili aan loo soo jeedsan.

Hadaba xal yaa umada u haya ?

Ma ragga maslaxadoodu ku kobantahay in uu gaaro kursi mise cid is xilsaarta isuna xilsaarta bad baadinta dadka iyo dalka Soomaliyeed, oo noqday meel ay isku balansadeen cidwalba ee dan guracan leh aduunka meeshay doonaanba haka joogeene, mid sun kushuba baddaha Soomaliyeed,iyo mid xaalufiyaba, iyo mid isbaara u dhigta maraakiibta oo indhaha caalmaka nagu soo jeediya.

Intaa waxaa sii dheer cidii ay ahayd in ay umada Soomaaliyeedna ku hogaamiyaan cadaalad iyo sinaan iyo ka sarida umada soomaliyeed kala shakigii iyo kal fogaan shihii, dibna ugu soo celiya isku kalsooni iyo is aamin, si loo gaaro ka wada shaqaynta maslaxada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Hadaba aan is weydiina`e dad ufakara maslaxada guud kana gudba maslaxad gaara iyo mid qoys, iyo wiliba shi sheeye adeegsi ama udanayn shisheeye iyo fawdo ka faaiidaysi.

Soomalidu ha is weydiisu, wili miyaysan dhalan, ilaa goorteese la sugaa in la helo heerkaas dad ka fakaraya.

Soomaliya Allaw maqan.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010