Dacwada Islaamka iyo xaruumaha laga fidinjiray ee Soomaaliya ama geeska afrika.
Hordhac
22/10/2007
Somaaliya waxay ahayd meeshii ugu horeysay ee laga qaabilo dacwada Islaamka afrika iyo aasiyaba marki lagareebo magaalada maka oo ahayd xaruuntii uu kusoo degayay waxyigu.
Waxaa culimada taariikhdu iskuraaceen intooda badan in Soomaaliya Islaamku soogaaray intii uu noolaa nabigu N.N.K.H waxayna sabab uga dhigaan in uu islaamku Soomaaliya soogaaro xiligaa lba sababood oo kala ah:
xiriirkii carabtu ay Soomaliya lalahayd islaamka kahor
jaaliyaad carab ah oo Soomaaliya soogaaray kadib Markey kasoo qaxeen dhibaatooyin kajiray deegaanadooda ha ahaadeen dhibaatooyinkaasi kuwa xagga mad habta ah, ama kuwa xagga dhaqaalaha ah.
Waxaana ay sheegayaan culimada taariikhdu lagasoobilaabo markuu dumay darbigii weynaa ee ladhihijiray (sadu ma`rab) sanadku markuu ahaa 120 ee taariikhda miilaadiga ayey bilaabeen in ay carabuhu usooqaxaan xagga Soomaaliya.
waxaana loobadinayaa in dacwada Islaamku soogaartay Soomaaliya markii jacfar bin abii daalib u soohijrooday dhulkii loo aqoonjiray ardulxabasha iyagoo diintooda la soocararay fidinayeena diinta islaamka, isaga iyo asxaabtii la soohijrootay.
Iyagoo waddadii hijrada sii haya ayay ka aas aasayeen xaruumo laga fidiyo diinta islaamka dhulalkii ay siimarayeen waxayna xaruumahaas ka sameeyeen Ereteriya & Soomaaliya, waxaana arinkaa kusaaciday jacfar iyo asxaabtii kale ee lasocotay jaaliyaadkii carabta ahaa ee sii joogay dhulkaas, arinkaasina waxaa uu dhacay ka hor 8sano intuusan Nabigu N.N.K.H u hijroon magaalada madiina.
Sidaasi darteed Soomaaliya waxaa ay noqoneysaa in ay uga horeysay gaaritaanka Islaamka xitaa Madiina al munawarah waxaana Soomaalida lagusheegaa dadka ugu xamaasadda badan fidinta diinta Islaamka sidaasbeyna kunoqotay Allaah fadligiisa wadan bulshadiisu dhamaanteed Islaam tahay.
Hadaba marki Islaamku sare u kacay diin ahaan iyo siyaasad ahaan noqdayna dowlad yeeshayna nidaam waxaa kor u kacay dhaq dhaqaaqii xagga badaha waxaana soogaaray xeebaha Soomaaliya rag ducaad ah oofaafinaay diinta Islaamka kana kala yimaadeen xagga Carabaha iyo Furus iyo kuwa kaleba si ay uga sameeyaan Soomaaliya xaruumo cusub oo laga faafiyo diinta islaamka iyo tacaaliimteeda, halkaas ayaana waxaa ka bilowday in xaruumaha dacwadu kufaafaan Soomaaliya oodhan.
xaruumahaas oo noqday ilaha aykacabaan Soomaalidu culuumta Islaamka waxaana ay soo saarijireen xaruumahaasi culima iyo ducaad u istaagaan faafinta diinta Islaamka, sida la ogyahayna Soomaaliya waxaa ay ahayd laga soobilaabo taariikhdaa fog ee Islaamku soogaaray iridka dacwada Islaamku kagalaysay afrika dhankeeda bari oodhan.
Xaruumaha dacwada Islaamka laga fidin jiray aadbey ugu badanyihiin Soomaaliya waxaana ka hadli doonaa tiro kamid ah xarumahaas haduu Eeba idmo anagoo u soo qaadan doona mid mid in sha`Allaah.
F.G
Hadii aad doonayso in aad akhrido qoraalkan oo carabi ah booqo webka qeybtiisa carabiga ah
Raad raaca qoraalkan waxaa saldhig u ah buugaagta kal ah:
Xamdi sayid saalim/ soomaal qadiiman waxadiisan j2ad
Xasan maxamed joohar/ al soomaal
Khaalid riyaad/ al soomaal al wacyulgaaib
Axmed barkhad maax/ wathaaiq cani soomaal wal xabasha wa erteeriya