Xaflada karaamaynta cilmiga&culimada
13/9/2007
Xaflad siwayn loosoo agaasimay oo lagu karaamaynayo cilmiga iyo culimada ayaa lagu qabtay masaajidka altaqwaa ee xaafada Buulaxuubay eemagaalada muqdisha .
Xafladan ayaa waxaa soo agaasimay gudiga massaajidka iyo Ardayda waxka barata xalaqadaha cilmiga ee masaajidka iyo odayaal iyo waxgaradka xaafadda buula xuubay xafladan ayaa lagu beegay munaasabada lagu khatimayay dhamaadka kitaabka saxiix al bukhaari ee axaadiista Nabi Mohamed N.N.K.H .
Kitaabkaa oo uu aqrinjiray fadiilatu sh.Mohamed Sheekh Axmed (kashka) oo socday mudo halsano ah ayaa waxaa siwayn uga faaiidaystay arday aad u tirabadan sida uu sheegay cismaan Ahmed madaxa gudiga masaajidka.
xafladaan oo ay ka soo qaybgaleen dad aad ubadan ayaa lagu casuumay culumadda waawayn ee caanka ka ah dalka waxna ka aqriya masaajiddada waaywn ee muqdisho.
Culumadaas waxaa ka mid ahaa Sh.Maxamed guud Sh.Cabdule minhaj Sh.Maxamuud Cabdulle Carif Sh.Abukar xasan maalin Sh.Axmed Rashiid Sh.Xanafi Sh.Maxamed nuur, Sh.Xasan Sh. Axmed siyaar, Sh.Sharif ibrahim Cabdulahi Cali.
Hadalo kookooban oo ay culumadani xaflada ka jeediyeen ayay ku adkeeyeen kaalinta way n ee culumada soomaaliyeed ay kaga jiraan fidinta diinta iyo waxbaridda dadka iyo dowr ka masaajidku ka qaato nolosha dadka iyaga oo ardayda ku booriyay in ay sii laba laabaan dadaalkooda umada Soomaaliyeedna waxay ugu baaqeen in la taageero ardayda waxka barata masaajidada iyo dugsiyada lana garab istaago macalinka iyo ardaygaba .
Sh.Maxamed kashka oo gabagabadii xafladda ka hadlay ayaa sheegay sida ay lagama maarmaan ugu tahay in ardayga masaajidada wax kabarata ay bartaan luuqadaha carabiga iyo inglishka iyo computarka iyo xisaabta wuxuuna intaa ku daray in ay isdhamays tiraan tacliinta qaybaheeda kala duwan kuwa masjidka dugsiyada iyo jaamacadaha iyo in loo baahanayahay in la isku xiro culumada kitaabada ka aqrida masaajida silooxoojiyo dadaalka way nee ay wadaan culimadu.