Qeybta 1aad
Xadeynta soonka (tacriifkkiisa)
15/9/2007
Ugu horeyn waxaan kahadleynaa Soonka xadeyntiis iyo mashruuciyadiisa(jidayntiisa).
xadeyntiisa xaga luqada carabiga waa af heysasho iyo kareebtoonaasho.
xaga sharciga waa in laga af heysto waxyaabaha wax afuriya laga bilaabo fajarka dhalashadiisa ilaa qoraxdu dhacdo.
Soonku waa rukni ka mid ah arkaanta Islamka waxa loo jideeyayna waa in aan Alla ku caabudno si aan ugaarno qiimaha xikmadda ku dhisan ee Nabigu ku sheegay N.N.K.H oo ah in soonku gaashaan yahay.
الصوم جنة من النار كجنة أحدكم من القتال. رواه أحمد والبخاري في صحيح الجامع
Soonku waxaa uu gaashaan kaaga noqonayaa naarta sida gaashaanka qofa markuu daagaalamayo.
Xaga mashruuciyada Soonka
Soonku kama maqneyn sharci Alla soo dejiyay oo dhan sida ku cad aayada tilamaameysa mashruu ciyada Soonka oo uu Allaah ku sheegayo waa jibnimada Soonka ee ah.
ياءيها الذين آمنوا كتب عليكم الصيام كما كتب على الذين من قبلكم لعلكم تتقون آية 183 من سورة البقرة
Sida ku cad aayadaa Soonka ayaa Allaah nagu waajibiyay sidii loogu waajibiyay umadi hii naga horeeyay.
Mashruuciyada Soonkana ahdaafbaa laga lahaa ladoonayo in lagu gaaro soonka waxaana ugu horeeyay ahdaaftaa sida ku cad aayadaa aan soo qaadanay al taqwaa sida uu Allaah leeyahay waala idinku waajibiyay idinka ahlul iimaana iyo kuwii idinka horeeyayba si aad Allaah uga cabsataan.
Sidookale waxaa kamid ah ah daafta soonka in lagu gaaro abaal marinta Allaah, waayoo waxaa uu noo sheegay Nabi muxamed N.N.K.H in uu Allaah yiri Soonka anaa leh abaalkiisana bixinaya.
الصوم لي وأنا اجزي به
Si doo kale waxaa kamid ah ahdaaftaa ladoonayo in lagu xaqiijiyo soonka in uu u shafeeco qfka soomay soonkiisu qiyaamaha sida ku cad xadiiska Nabiga N.N.K.H
الصيام والقرآن يشفعان للعبد يوم القيامة ويقول الصيام أي رب أني منعته الطعام والشهوات بالنهار فشفعني فيه. رواه الطبراني بإسناد صحيح.
Lasoco qeybta 2