عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE
qeybta 3 aad

waxa soonka buriya

24/9/2007

wuxu lee yahay wax buriya iyo wax keena mararka qaar kafaaro waxa jiro wax cibaado kasta buriya waana (ridada) islaamka oo la laabto,laakiin soonku wuxuu leeyahay wax gaar ah oo buriya sida:

•  cunid iyo cabid lookaso hadii ay halmaan tahay cunida iyo cabiduba ma burinaayaan soonka sida N.C.S.W. sheegay

•  galmod kas ah isna wuxuu waajibin ka faaro waxana ku waajibaya qofki kas usameeyo adoon xoraytiis hadii la waayo labo bil soonkood oo wiliba xiriir ah. hadii uusan awoodin 60miskiin quudintood sedaxda waqti ee wax lacuno.

•  waxa loo yaqaano seegada{gacan la isticmaalo}

•  iyo hadii kas laysu matajiyo.

Arrimáis oo dhan waa kuwa wax buriya lana arko waxaase jira kuwa wax buriya oo loo yaqaan buriya yaal macnawi ah sida:xanta beenta namiimida iyo mukhaalafaadka sharciga ah oo dhan.

walaal ilaali soonkaada si kadaran sida aad uga ilaalinaysid xoolahaaga tuuga.

N.C.S.W. waxaa uu yiri ruuxii aan ka tagin hadalka beenta ah iyo ku shaqeysigiisa alla dan kama laha in uu katago cuntadiisa iyo cabitaankiisa.

Hada laga bilaabo maalinta 1aad ku xissabtan oo fiiri ssacada la soo dhaafay soonkaaga manabad galay mise?

Dadka waxay iska ilaaliyaan inta badan waxyaabaha xisiga ah oo loo jeedo sida cuntada iyo cabida laakiin waxaa ka khatarsan kuwa macnawiga ah hadii khalad dhaco iska sax si soonka unoqdo mid la aqbalo.

Wax yaabaha aan burin lakin in laga dhawrsado haboontahay

Waxyaabaha aan burineynin laakiin ay fiicantahay in laga dhoorsado sida:

dhadhaminta cuntada,istoobida, qofka oo waaga uu u baryo isago janaabo qabo.isticmaalka uduga

Fiirinta waxa qurxan calalinta xanjada hadan la laqin dheecaankeeda maalinta oo leysku dhaafiyo hurdo xaaska oo la dhunkado ama shahwo loofiiriyo waxyaabahaa iyo kuwa kale waa in uu ka fogaado qofka sooman.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008