Waxbarashadu waa waddada maamul wanaagga!
18/5/2011
Adduunka aan ku noolnahay waxaa ka jira sharci iyo qawaaniin ilaalintooda laga dhowrayo Maamulaha (Khaliifka) Alle arladaan u keenay in uu maamulo waa Banii Aadankee.
Maamul waxaa la dhihi karaa waa eray facwayn oo jiray inta dadku jiray, waana xili la dhihi karo wuxuu dadku xanbaarsan yahay inta u dhaxeysa marka uu cunugga yari kala barto labadiisa cagood midba kobta ku habboon in la geliyo ila uu ka qabanayo xil madaxwayne ummadeed iyo wixi la hal maala. Ummad kasta horumarkeedu wuxuu ku xiran yahay sida hufan ee uu u howlgalo maamulkeedu.
Haddaba Maamulaha ummaddu doonayso waa kuma?. Waxaa la dhihi karaa waa midka dib u aqriya waxi lasoo maray, dersana waxa jooga, odorosana waxa iman kara kalana soo dhex baxa waddadi uu u mari lahaa maamul wanaagga si uu uga saaro ummadiisa dib u dhaca, uguna jaheeyo waddada horumarka,ugana fikiro habiin iyo maalin sidii uu dadkiisa wax ugu qaban lahaa.
Iyadoo la maqlayo in dunida horumartay maanta uu ka soo yeerayo dhawaaq xanbaarsan dhiillo iyo dhaliil ku wajahan maamulada ka jira meelo badan oo dunidaan ka mid ah, isla markaana uu xaalku hadda marayo halkii ugu qatarsanaa ayaa la moodaa in ay maamulayaal badani iska indho iyo dhega tirayaan wax u qabashada dadka ay maamulaan. Xaaladdu waxay u dhowdahay in ay faraha ka baxdo oo la waayo magaca maanta caalamku u yaqaan " maamul wanaag " , kaasoo ku dhisan aqoon, aaminaad ah na tus na taabsii oo ah waxa kaliya oo ay maqli karaan dhegaha dadwaynaha, ee ma aha in qalabka warbaahinta laga yiraahdo waan ka xun nahay waxa dhacay iyo dhibaatada shacabka haysata, soomaalidu waxay horay u tiri " meel hoo doonaysa hadal ma deeqo ".
Midda la yaabka leh waa in maamul kasta uu sheego in uu bulshada dhexdeeda sharaf iyo karaamo ku leeyahay, mana muuqato bulsho la xisaabtamayso maamulakeeda iyadoo ku dhahayso maxaad dadka iyo dalka u qabatay? Isbitaal, Iskuul, suuq, ceel, iyo waddo ma u dhistay?
Haddaba qof kasta oo maanka ku haya in uu maamule wanaagsan ummadda u noqdo waxaa la gudboon in uu garto waddada kaliya ee lagu gaari karo maamul wanaagga in ay tahay waxbarashada, waana in uu qaado waddada waxbarashada, waana in uu dadkiisa waxbaro si ay garab iyo gaashan berri ugu noqdaan ee yuusan u caroonin dad uusan maalgashi waxbarasho ku beelin, bal u fiirso sida uu suugaan curiye soomaaliyeed dadka ugu caqli celinayo si ayna uga daalin in ay dadkooda waxbaraan wuxuuna yiri:
Ha caroon caqligu yuu, sidii caamo kaa noqone
Mar uunbaa cilmigaan reer tolkeen, caashaqii geliye
Mar uunbaa carruurtaan yaryari, ciidan kuu noqone
Waxaa Qoray: Ustaad/Aadan Cali Casayr