عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

WARSAXAAFADEED

Ka dib markii dawladda federaalka kmg ah iyo midowga maxaakimta Islaamigu heshiis ku wada gaareen Khartuum, ayaa:

  1. Waxaan soo dhowaynaynaa heshiiska ay dawladda federaalka kmg iyo midowga maxkamadaha Islaamigu wada gaareen 22/6/2006. Heshiiskani waa tallaabo wax-ku-ool ah oo dhinaca nabadda loo qaaday.
  2. Waxaan ku boorinaynaa inay labada dhinacba si firfircoon uga hawlgalaan fulinta heshiiskan iyo dhaqangelinta qodobadiisa.
  3. Waxaan rajaynaynaa in wadahadalada labada dhinac u bilowda, iyo heshiiskan hordhaca ah ee ay gaareenba, inay keenaan heshiis buuxa oo ummadda Soomaaliyeed u aydo.

Allaahu Akbar Walillaahi Xamd

Sh. Cabdulaahi Cali Xayle
Afhayeen u hadlay Xarakada Islaax


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008