عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Sh Ahmed Rashid oo ka hadlay siddii lagu asaasay Xarakada Islaax

Q. 1 aad

15/4/2007

Waxaa u suuragashay mowqica islaax.org in uu waraysi kala yeesho Al-ustaad Sh. Axmed rashiid Xanafi Sh.Bashiir oo ka mid ah asaasayaashii Xarakada Islaax, sidii lagu asaasay Xarakadaas, wareysigiina waxuu u dhacay sidan :

Su`aal :Ustaadanaa waxaad nooga warantaa sidii lagu asaasay xarakada Islaax ee soomaaliya?

Jawaab: Ugu horayn waxaan salaamayaa dhammaan akhristayaasha waxaana Allah ka rajaynayaa in uu ku anfaco, ayna bartaan lana socdaan taariikhda xarakada Islaax.

Haddii aan ka jawaabo su`aasha aad iweydiisay, aduunka dhaqdhaqaaqyo badan oo Islaami ah ayaa ka kacay, waxaanna leeyahay dhaqdhaqaaq kuwii u horeeyay waxaa bilaabay anbiyadii Ilaahay oo Allaah uu soo diray una soo diray in ay gaarsiiyaan risaalada Ilaahey umadohooda laga soo bilaabo Nabi Nuux (NNKH) ilaa laga soo gaaro Nabi Muxamed(NNKH) anbiyadaa ayaana ahaa dhaqdhaqaaqyadii ugu horeeyay ee u dhaq dhaqaaqa diinta Allaah, una gartay kuna amaanay Illaahey…

Markii la riday khilaafadii ugu danbaysay ee Cusmaaniyiinta 1924 ayaa waxay umaddu u baahatay dacwo cusub oo la socota casriga taas oo ka shaqaysa in ay muslimiintu u xukuntamaan kitaabka Illaahey taas oo salka ku haysa dacwadii anbiyada Illaahey markaas baa waxaa bilowday waxa loo yaqaano:

(الحركات الإسلامية المعاصرة)

Xarakaatka Islaamka ee Casriga

Islaamkuna Soomaaliya qadiim ayuu ku yahay, riwaayaadka ugu raajaxsan waxay tilmaamayaan in islaamku Soomaaliya soo gaaray maalintii Nabigu (NNKH) uu asxaabtiisa usoo diray ardul xabasha maraajicda ugu macquulsan saas ayey sheegeysaa.

Soomaaliya markii dowladnimo ay qaadatay ayaa waxaa ku soo batay fasahaad badan oo la socday kuna salaysnaa ilbaxnimada reer galbeedka oo markaa la waayey dhalinyaro masaajidyada ku tukunayaan. 10kii sano ee ugu horeysay dowladnimada Soomaaliya, sidoo kale waxaa lagu labisan jiray goonooyin, dabagaabyo, xijaab wax layiraahdana lama aqoon.

Dhanka kale, waxaa Soomaaliya ku soo batay kontomeeyadii-lixdameeyadii thaqaafada carabiga iyadoo madaaris carabiya la furay, carabiga la baranayey taasna ay keentay in kutubo badan oo carabiya ay soo galaan wadanka, gaar ahaan kutubta xambaarsan fikirka al-ikhwaan al-muslimuun kaas oo ku salaysan kitaabka Alle iyo sunada nabiga (NNKH) weliba fakar dhexdhexaad ah oo aan ogolayn marna dadka in la gaaleeyo ama la tafsiiqiyo ama bidco la yiraahdo fakarkaas ayaa Soomaaliya ka bilowday.

Raggii ugu horeyeyna waxaa ka mid ahaa Sheekh Maxamed Axmed Nuur (garyare) iyo Sheekh C/qani oo ahaa wasiir ka tirsan dowladdii ka jirtay wadanka xilligaas iyadoo loona xiray Shiikhaas, waxaa kale oo kamid ahaa Sheekh Maxamed Macalin Xasan oo tafsiirkii uu ka akhrin jiray masjidka maqaamka C/qaadir kasoo diyaarinjiray kitaabka Dilaalul qur,aan iyadoo ay kula taliyeen sidaana Sheekh Maxamed Axmed (garyare) iyo Sheekh C/qani iyagoo doonayay in fakarkaas aad loo baahiyo .

lasoco qeybta 2aad


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008