عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Waraysi lala yeeshay Sh. Axmed Rashid Sh Xanafi

30/4/2007

Qaybtii 2aad

Markaan usoo laabto jawaabta su`aasha waxaan kuu sheegayaa in aan lagu soo koobi karin halkan hase ahaatee waxaan ka tilmaamayaa wax yaabo yar yar ugu horeyn Ilaaheeybaa quraankiisa kuyiri,

الله أعلم حيث يجعل رسالته ) سورة الأنعام آية 124 )

Illaaheybaa og meeshuu yeeli risaaladiisa.

Marka raggii asaasay Islaax way dhici kartay in ay jiraan rag kaga haboon laakiin Allaah awoodiisa ayay sidaa ku noqotay waxaana u arkaynaa inay tahay nicma Allaah noo gartay in sha`allaah.

Go`aanki ugu danbeeyey in la sameeyo urur islaami ah Waxaan qaadanay bishii july 1978dii si loo badbaadiyo dhallinyarada Soomaaliyeed loogana bad baadiyo hantiwadaaga cilmiga ku dhisan oo waagaas aad iyo aad dhib badan ugu hayay meela badan oo dunida ka mid ah, sidaas ayaa loo sameeyey xarakadan barakaysan.

Allaahna waxa uu qadaray in gurigayga lagu sameeyey dhagax dhigii ugu horeeyay ururkan barakaysan anigoo weliba markaas aroos ahaa, barakadaas iyo kheyrkaasina waxay ahaayeen kheyr iyo barako Ilaahey aniga ila doonay, hadafka ururkan loo sameyayna wuxuu ahaa in Islaamka loo khidmeeyo umadda Soomaaliyeedna la badbaadiyo.

Su`aal: Waxaad noo sheegtaa magacyadii asaasayaashii Islaax?

Jawaab: Magacyada asaasayaasha waxaan ugu hormarinayaa nooguna da`weynaa:

1-Sheekh Maxamed Axmed Nuur Cumar (Garyare)

2-Dr-Cali Sheekh Axmed Abuubakar

3- Dr- Maxamed Yuusuf C/raxmaan

4-Sheekh Axmed rashiid Sheekh Xanafi

5-Md-C/laahi Maxamed C/laahi

Raggas ayay ahaayeen asaasayaashii ururka Islaax halkaasna beyca kuwada galay iskuna dhaarsaday.

Talaabadii ku xigtana waxay ahayd in aan soo saarnay bayaankii ugu horeeyey ee magaca xarakada ku soo baxay bayaankaas oo 15,000 oo nuskho laga sameeyey, kaasoo loogu magac daray:

( هذا بيان للناس ) ))

Bayaankaas oo lala eegtay makaanka barakaysan ee Makalmukarama Xaramka Ilaahey,weliba maalintii carafa ayaa bayaankaas lagu qaybiyey iyadoo loo qaybiyey wufuuda islaamka ee ka kala timid aduunka oo dhan iyadoo loo sheegayo in Soomaaliya laga sameeyey xaraka islaamiya taas oo ahdaafteedu ku cadeed bayaankaas la qaybiyey .

Su`aal: Maxaa idinku dhaliyay in aad asaastaan xarakada Islaax ee Soomaaliya?

Jawaab: Waxyaabaha nagu dhaliyay wey badanyihiin halkaana laguma soo koobikaro, laakiin waxaa ugu waynaa nidaamka shuuciga ee Soomaaliya lala damacsanaa in mujtamaceeda lagu diin rogo oo islaamkooda laga fogeeyo, waayo hantiwadaaga cilmiga ku dhisan waxaa uu ku saleysan yahay:

( لا إله والحياة مادة )

Illaah ma jiro noloshuna waa maado

Taas ayaana nagu dhalisay iyadoo aan ognahay in isticmaarkii ku guuldareystay in uu shacbiga Soomaaliyeed ka fogeeyo diintooda laakiin maalintan waxaa bilowday in rag af Soomaliga ku hadlaya kuguna magac ah ay soo dhoofinayaan afkaartii shuuciyada taas ayaa ugu weyneyd waxyaabaha nagu dhaliyay, waxaa kale oo ka mid ahaa Soomaaliya maadaama ay muslim tahay in laga dhaliyo dowlad Islaamka dalka ku xukunta, waxaa kale oo ka mid ah in lagu badbaadiyo dhallinyarada Soomaaliyeed laguna faafiyo saqaafada Carabiga Soomaalida dhexdeeda maadaama Carabigu yahay luqaddaQuraanka kariimka, iyo waxyaabo kale oo farabadan ayaa nagu dhaliyey in aan asaasno Islaax.

Su`aal: Maxey ahayeen hawlihii ugu horeeyay ee aad qabateen markii la asaasay ururka Islaax?

Jawaab: Hawlaha aan qabanay way badanyihiin waxaase ugu horeeyay :

  • In labaro xarakada umadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta.
  • In dadka xarakada lagu soo daro iyadoo ay ugu horeyaan dhalinyarada jaamacadaha & macaahida sare dhiganayay.
  • In lagu sameeyo unugyo si firfircoon uga shaqeeya gobalada dalka oo dhan waana lagu guuleystay arrinkaas.

Su`aal: 29 sano kadib maxaa ugu waawayn waxyaabaha ay Islaax qabatay?

Jawaab: Waxyaabaha ay qabatay Islaax way badanyihiin waxaase ugu waa wayn:

  • Islaax waxey ku guuleysatay in waxbarasho baaxad leh ku faafiso Soomaliya oodhan.
  • Waxaa Allah ku badbaadiyay dad badan oo lumi lahaa ama duurka gali lahaa oo ay ku guuleysatay in ay gacmohooda qabato kuna hagto dariiqa wanaagsan kuna xirtay Allaah iyo diintiisa waxyaabahaa oo dhana waa fadliga Illaahey:

( هذا من فضل ربى ليبلونى أأشكر أم أكفر ) سورة النمل آية 40

Kani waa fadliga Eebehey in uu imtixaano in aan ku mahadinayo iyo in kale .

  • In islaax aysan ka qeyb gelin dhiiggii qubanaayay sanadihii la soo dhaafay mahadaasna Allaah baa iska leh, Islaaxna isagaa ka badbaadiyay.

Su`aal: Maxey kulatahay howlaha ama waajibaadka ugu muhiimsan ee xarakada horyaalla xilligan?

Jawaab: Waajibaadka horyaala xarakada xiligan aanu joogno aad bey u badan yihiin waxaase ugu muhiimsanbaan oran karnaa in soomaaliya nabad iyo kala danbeyn lagu sooceliyo dowlad la,aana cid noolaan karta malaha ee waa in dadka la walaaleeyo lana heshiisiiyo oo calanki Soomaaliyeed meel walba laga taago ayaa noogu muhiimsan baan leenahay. Sayid Cali ayaana waxaa uu yiri:

( لابد للناس من إمارة برّة كانت أو فاجرة )

Waalagama maarmaan in dadku maamul helo ha xumaado ama ha wanaagsanaadee.

Lasoco qeybta 3aad ...


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008