عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

WAREYSI DR LIIBAAN Q. 2AAD

22/72007

S. SIDEEBAA LOO KOBCINKARAA WACYIGA DHALLINYARADA SOOMAALIYEED EE MAANTA JOOGTA?

Dr.Liibaan: ugu hotayntii caalamku maalmahan ahmiyad wayn buu siiyaa dhallinyarada, waxaana jira ururo waaweyn oo caalami ah laguna bixiyo milyaaraad si dhallinyarada loo toowjiihiyo loona hanto maskaxdooda, maxaa yeelay mashaakilaadka caalamka ka dhacaya hadii ay noqon lahayd cunfi la adeegsado ama dagaalo sokeeye waxaa loo adeegsadaa dhallinyarada oo loo isticmaalaa dhuxushii lagu hurin lahaa,

Marka dhallinyarada hadii la jiheeyo lana abaabulo awoodooda iyo firfircoonidooda loona adeegsado dhinaca wanaagsan wax wayn baa kazoo bixi lahaa, caalamka manta joogana waxaad arkaysaa in aad loo abaabulo, shirar badanna loo qabto jihaynta awoodda dhallinyarada, shirarkaasina waxaa kazoo baxa go`aanno ku aadan siddii looga faa`iidaysan lahaa dhallinyarada loona kobcin lahaa caqligooda .

Hadaba dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa muhiim ah in la soo saaro awoodahooda lana ogaado qof walba meesha uu ku fiicanyahay, maxaa yeelay qofbaa ku fiican fanka, midbaa ku fiican gabayada iyo suugaanta, midbaa ku fiican isboortiga, midbaa wax curinta kufiican, qaarbaa hogaaminta ku fiican, waana waxaas oo dhan in la baaraa, caalamkuna maanta waxa uu gaaray in marxaladda caruurnimo la ogaado qofka waxa uu ku fiicanyahay, waxaana labilaabaa ogaanshaha marxaladda qaangaarka in labaaro mawaahibta lana tababaro qof walba, waxaana loo sameeyaa kooxo waxaana lagu ogaadaa marka uu dugsiga ku jiro waxaana la raacsiiyaa meesha uu ku fiican yahay si uu guul la taaban karo uga soo hooyo, waxaana lagu kala ogaadaa mawaahibtooda, siminaaro iyo aqoon kororsi loo sameeyo sidoo kale in loo sameeyo xarumo ay dhalintu ku tababartaan.

Soomaaliya hadda xarumo way kabilowdeen waxaana ugu muhiimsan oo xaruumahaasi ay ka furanyihiin gobolada qaar, sida xarunta dhallinyarada Kanava waxaana xaruumahaas looga faa`iidaystaa in dhallinyarada Soomaliyeed mawaahibtooda lagu baaro laguna soo saaro waxtarkooda .

Sidoo kale, waxaa jira xarunta horumarinta dhallinyarada iyo ardada Soomaaliyeed ee (hadhso) oo ah dallado dhalinyaro waxaana madax ka ah anigan kulahadlaya, sidoo kale waxaa jira ururo xagga haweenka ah sida xamdi umurumaan iyo kuwo kale oo farabadan oo dhinacyo kala duwan ka shaqeeya. Xaruumahaas oo dhan waxay ka shaqeeyaan sidii loo soo saari lahaa mawaahibta dhallinyarada rag iyo dumarba, sidoo kale xaruumuhu waxay u istaageen in ay usameeyaan dhallinyarada Soomaliyeed goobo ay wax kubartaan iyo goobo ciyaareed waxayna u faa`iideeyaan xaruumahaasi dhallinyarada waxyaabo aqoontooda kordhiya waxay siiyaan siminaaro ku saabsan barashada kumbiyuutarka barashada gargaarka deg deg aha barashada xirfado kale oo ay ku shaqeystaan .

Marxaladda ogaanshaha waxaa xiga marxaladda jihaynta awoodda dhallinyarada iyo kafaa`iideysigeeda , maxaa yeelay hadaan looga faa`iidaysan dhinaca wanaagsan waxaa looga faa`iideysanayaa dhinacyo kale oo xun, marka si looga badbaadiyo in dhinaca xun loo adeegsado waa in ay helaan barnaamijyo jiheeya waxaana kamid ah in loo sameeyo muxaadarooyin iyo tartamo aqooneed iyo tartamo ciyaareed waana in laga faa`iidaystaa dareenka dhallinyarada ee ah in uu jecelyahay ruuxa dhallinyarada ahi in uu cid kale wax laqabsado meesha marka uu qaangaarka yahay dareemayo in isaga keliya uu wax yahay waxna qabsan karo waxaana layiraahdaa marxaladda dhallinyarada

مرحلة الغيرية

Waana in lagu bar baariyaa dhallinyaradda mabaadi`da soo socota.

التعارف/ التكافل/ التفاهم

Koox kooxna laysugu xiraa iskuuladuna waa in ay u sameeyaan barnaamijyo kala nooc nooc ah.oo wacyigooda lagu dhisayo

S. SIDEEBAA LOO DARDARGELINKARAA URURADA DHALLINYARADA KA JIRA WADANKA SI KAALINTOODA AY UGA QAATAAN DHISMAHA WADANKA IYO HORUMARKA BULSHADA ?

J . Soomaaliya ururo dhalinyaro oo farabadan ayaa kajira aad bayna usoo xoogaysteen markay dareemeen in caalamku dhiiri gelinayo gaar ahaan ayaamahan danbe Soomaaliya waxaa jirtay xilligii UNSOM in ay mooda noqotay samaynta ururadda dhallinyarada laakiin mudo kadib tiro kamid ah way baaba`een, marka si loo dar dar geliyo dhallinyarada waxay ila tahay

•  in lakordhiyo fahamka iyo aqoonta dadka ka shaqeeya howlaha dhallinyarada

•  in ay qaataan tababaro

•  in lagala dagaalamo ururada in ay ku samaysmaan hab qabiil ileen waxa loogu bixinayo dadaaladda waa in uu ka baxo ruuxa dhallinyaradda ah fakarka gaaban ee qabyaalada ah

•  in aan lagu tarbiyeynin maadiyaad, maxaa yeelay dhallinyarada waxba u tari maayo maal & jaah midna.

•  waxaa kale oo ka mid ah in aan la caburin cidkasta oo ku fakarta in ay urur samaysaa oo aan la oran hal urur baa la ogolyahay.

Ururadaasi dhamaan dalka wey ka jiraan, Soomaaliland Puntland iyo Koonfurta oo ah meesha ugu ururada badan, waana inay iskaalmeystaan istixgeliyaan ayna ku dadaalaan in dhallinyarada laga fogeeyo qabyaaladda iyo afkaarta guracan oo dhan.

S. UGU DANBEYN MAXAAD U DARDAARMEYSAA DHALLINYARADA IYO ARDAYDA SOOMAALIYEED GUUD AHAAN?

J : Dhallinyarada iyo ardada Soomaaliyeed waxaan u dardaarmayaa

•  Inay naftooda ku kalsoonaadaan maxaayeelay qof aan naftiisa ku kalsoonayn wax uu qaban karo ma jirto.

•  In ay yeeshaan yididiilo fog oo ka hormarsan waxyaabaha maanta ka jira soomaaliya sida qabyaalad, nafjecleysi, maslaxadda gaarka ah IWM.

Waxaana la hubaa haddii ay sidaa yeelaan in umaddu iyaga usoo noqoneyso xitaa siyaasiyiinta ay ubaahanyihiin oo ay kari karayaan in ay hagaan, maxaa yeelay ma jiro urur ama xisbi ka maarmi kara dhallinyaro.

Waxaa kale oo aan kula dardaarmayaa in ay wax bartaan waana in urur kasta ahmiyad siiyaa dadka ku jira in ay u jeheeyaan waxbarashada kana kaalmeeyaan wax kasta oo lagu hormarinkaro aqoontaas. Dhallinyaro aan aqoon lahayn wax ma badali karto wadankana wax uma qaban karto. waana inay dhallinyaradu yihiin quwada jirta cid kamaarmi kartana aysan jirin cid horuumar gaarikartana dhalinyaro la`aan aanay jirin.

Waad mahadsantihiin

Wabillaahi towfiiq


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010