SOOMAALIYEEY WAAN TURUNTURROONAYE MAYNAAN JABIN
Dr.maxamed xasan nuur
18/8/2011
Wax badan oo aan wanaagsanayn ayaa marar badan laga sheegaa soomaalida, waxaana loo dhigaa in soomaalidu kufeen dhabarkana ka jabeen, oo ay laf dhabartu kala fakatay, in ay dib dambe cagahooda isugu taagaanna aan loo fadhiyin (mustaxiilla tahay).
Subxaanallaah! Ma muslimbaaba halkaa gaadha, wuu turunturroodaaye maba jabo mana soo kaban waayo, haa waa dhab in dhibaato mug leh ay ina haysato, laakiin goormay adduunyadu noqotay (macaan) ama (khadhaadh) kaliya? Goormay noqotay meel aan hawl laga qabsan Karin oo shucuubta qaarkood (soomaalida) ay la gudboon tahay in ay gacmaha taagaan oo ay ku dhawaaqaan hawl gabnimadooda?
Maalmo, bilo ama waqtiyo farsamadu way kaa xumaan kartaa (inkasta oo aan loo baahnayn) laakiin waxaan gar aheyn soomaalida badankooduna aysan qaadan Karin in si jumla ah looga dalbo in ay calanka is dhiibitaanka ah taagaan, gar-waaqsadaanna in nabarraha gaaray iyo tawsaha ku maqan ay doogteen.
Fuquhada ayaa waxaa ka mid ah mustalaxaadka (eray bixinnada) ay isticmaalaan (JIRRO AAN LA FILEYNIN IN LAGA BOGSADO) axkaam ayaana ka dhalata qaarkeed ay ka duwan tahay midda ku dureersata kuwa caafimaadka qaba ama bog-sadkooda la filayo, micnheedu soo ma noqonayo –haddii aan dhahno soomaalida dhibaatada gaadhay kama soo kaban karto- in ay ku dureersadaan xukunno ka badalan kuwa ku dureersada dalalka & dadyowga kale ee caafimaadka qaba ama soo kabashadooda la filayo?.
Si kasta oo soomaalidu u farsamo xumaadaan, dhaqamadooda qaarkoodna u fool xumaadaan, si kasta oo dhibaatadoodu u dheeraato dac-darro bandanna uga muuqato, si kasta oo soomaalidu isugu dambaabaan una kala irdhoobaan, si kasta oo maanta loogu wiirsado ugana soka dhacaan halkii laga filayay, si kasta oo ay u foorarsadaan marka laysugu tago fagaarayaasha, si kasta oo diifi uga muuqato dayacna u haysto, si kasta oo in kamid ahi u qarafaystaan qolqolladana u meeraan, si kasta oo dhaqankooda qaybo ka mid ah iyo islaamka ay rumaysan yihiin ay u kala fog yihiin, si kasta… si kasta… haddana gar ma'aha in soomaalida la niyad jabiyo oo la isku dayo in laga dhaadhiciyo in ay aaminaan in aysan ka bixi karin, xalla u heli karin dhibaatada haysata, taasina Alle magane waa ku garaad li'I soomaalida, kuwa arrintaas ku hadaaqayana waa ku naxariis darro & faham xumi .
Soomaalidu ma dhimane way nooshahay, ma jabine way turunturootay, Ilaahayga weyn ee waaxidka ahoow, Ilaahayga cirkiyo dhulka abuuray tiirar la'aanoow soomaalida ku ilhaami xallinta dhibaatadooda.
Walaalahayga soomaaliyeedow aan is daba qabanno inta ay goori goor tahay, qof walbana mas'uuliyadiisa ha qaato, oo aan is aqballo maxaa yeelay anigu adigaan wax kugu ahay, adiguna anigaad wax igu tahay, labadeenna oo wada jira ayaana wax isku ah, sidaan ahay igu aqbal, aniguna sidaad tahay aan kugu aqbalo, labadeenuba sidaan nahay aan isku aqballo deedna aan isa saxno haddii ay wax inaga khaldan yihiin waybana inaga khaldan yihiine, maxaa yeelay ciddii doonta walaalo wada muudh-muudhi ah waxay u baxdaa walaal la'aan.
Ha ogaato ciddii aan ogeyn, ha xusuusato ciddii hilmaansan “WAAN TURUNTURROONAYE MAANNAAN JABIN”.