عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Qeybta 2aad

Soonka tiirarkiisa iyo adaabtiisa

17/9/2007

sh.kashka oo siiwata hadalki waxaa uu leeyahay tiirarka soonka waxaa u horeeya

1.waa in la niyeysto fajarka ka hor habeen walbo hadii soonka sunu yahay waxaa banaan in la niyeysto duhurka ka hor haduusan qofka wax soon buriya uusan sameyn.

Colimada qaar baa waxey leeyihiin suxuurta oo loo soo ka caa xitaa waxaa la dhikaraa wey oo fineysaa niyadii soonka.

2. in laga afheysto shahwada caloosha iyo tan farjiga laga bilaabo dhalashada fajarka ilaa qoraxda ka dheceyso hadii eysan dhaceynina ama waqtiga dheeraanaayo waxa la qaadanayaa magaalada ugu dhow ee ay ka dhacayso qoraxdu sida ey culmada castiga ah sheegeen iyadoo la raacayo sida ku cad aayadan.

وكلوا وشربوا حتى يتبين لكم الخيط الأبيض من الخيط الأسود من الفجر ثم أتموا الصيام إلى الليل آية187

Soonka shuruuda wujuubkiisu waa shuruuda cibaadaadka kale sida: islaam ,qaangaar,caqli awoodis wuxu siyaado la yahay shuruud kale waana tan loo yaqaano adaab ta.

Aadaabta soonka

Adaabta ka dhigeysa soonku in uu ahal u noqdo in la aqbalaa waa:

  1. afurka oo la dadajiyo marka la hubsado dhicida qoraxda
  2. saxuurta oo dib loo dhigo ilaa aan shaki lagu dhaceyn
  3. in cuntada cabitaanka labiska guriga intaba noqdaan xaalaal
  4. in lagu afuro wax mac sida timir,xalwo sonkor hadii lawaayo biyo
  5. in aan cuntada leyska badin marka la afuraayo sababtoo ah waxa ey sababeysaa hurdo iyo caajis.
  6. in salaada lagu tukadaa jamaaco taraawiixdana la laasimo
  7. in la badiyo aqrinta qur,aanka iyo daraasadiisa.
  8. in la badiyo sadaqada masaakiintana loo turo.
  9. in uu yiraahdo markii uu afuro ka dib oonkii waa tagay xididadii waa qooyen ajarkii waa sugnaada hadii alla doono

Faa iidoo yinka soonka

Soonku wuxuu leeyahay faaidooyin fara badan oo ay kamid yihiin faa iidooyin xaga ruuxda iyo kuwa xaga maldiga ama jasadka ah.

Soonka waa daaco Alle qofka muuminkaa ee ilaaliyo waxaa waxaa uu helayaa ajar aan xad la heyn maxaa yeelay waxaa iskaleh alle Allena waa deeqsi.

الصوم لي وأنا أجزي به

soonka waa dugsi ey ku tabo bartaan dadka muslimiinta ah xagga daacada Allaah,waa nafta oo jihaad lala galo hawada oo laga hortago waxaa lagu bartaa sabar iyo dulaqaad sababtoo ah wuxuu arkayaa qofka sooman raashiin waa uu carfinayaa hadane mataabanayo.

Waxaa lagu bartaa amaro iyo inaad Allaah amarkiisa ilaaliso maxaa yeelay cid ku ilaakineyso malahan oo aan ka aheyn Allaah.

Soonka waxaa laga helaa saafi gareen xaga maskaxda ah, fikirka ah, luqmaan al xakiim ayaa wiilkiisa ku yiri wiilkeygiyow hadii calooshu buuxsanto fikiradu wey seexanayaan xikmaduhuna wey af beeleeysaa xubnahana waxey ka fadhiistaan cibaadada.

Waxaa laga bartaa nidaam sababtoo ah raashiinka waxaa la qaataa waqti go,an wuxuu na dareensii na yaa midnimo lataaban karo maxaa yeelay umada muslimka ah oo dhan wey wada soomayaan weyna wada afurayaan marqura maxaa yeelay rabigooda waa mid qurah.

Soonku wuxuu qofka ka kobciyaa xaga naxriista markuu dareemo gaajo waxey kubixineysaa inuu dadka gaajeysan wax siiyo dhab ahaantii soonka wuxu cusbooneysiinayaa nolasha qofka.

Soonka dhexdiisa qofka waxaa saafi u noqonayo oo u raaxeysanayo dheef shiidkiisa waxaa ka fogaanayo cudura badan oo raashin ku uu sababo N.C.S.W.wuxu yiri.

صوموا تصحوا

sooma aad caafimaadeene.

xaarith ibnu kilda wuxu yiri (caloosha waa cudur gurugeed is ilaalintuna waa daawo madexeed).

Qofka sooman waxaa uu shabahaa malaaikta xaga ka reebtoonaashada cunada iyo shahwada maalinti.

insaanku wuu ka sareeyaa xoolaha wuxuuna awoodaa in uu nuurka caqli ku jibiyo shahwadiisa malaaikta derejadeedana wuu ka hooseeyaa sababtoo ah shahwaadka ayaa ka adkaada mararka qaar.

ibnu qiyam wuxuu yiri (ujeedada soonka waa nafta oo laga xabiso rabitaankeeda lagana gooyo wax yaabihii ey baratay awoodeeda shahwadana la simo si ey ugu diyaar garoowdaa in ey raadiso waxa liibaanteed iyo nimcadeedu ku jiraan)


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008