عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Tartan quraaneed ay qabtay degmada wadajir

10/10/2007

Waxaa tartan quraan loogu qabtay masjid cumar binu khadaab oo ku yaala km5 ilaa 20 arday.

Tartamayaashu waxaa ay ka kal socodeen ilaa 6 dugsi oo ku yaala degmada wadajir waxaana tartankaas soo qaban qaabiyay culimada deegaanka wadajir oo isu xilsaaray karaameynta qur`aanka iyo ahalkiisa bisha barakeysan ee ramadaan oo ah bishi qur`aanka.

Tartamayaashu waxaa ay ku kala tartamayeen afar darajo oo kala ah:

•  30 ka juz ee qur`aanka kariimka ah

•  20 juz

•  10 juz

•  5 juz

waxaana gudigii tartanka qaadayay u xadideen qeybta ku tartameysay 5ta juz in aysan da`doodu ka badnaan 10sano mesha qolada ku tartameysay 10ka jusna loo xadiday in aysan ka badnaan da`doodu 13sano sidaa ayaana tartanka lagu galay.

Ardaydii markay isu yimaadeen waxaa ay noqotay tirada ku tartameysay 30ka jus 3arday meesha tirada kutartameysay 20ka jusna ay noqoden iyaguna 3arday halka tirada u soo istaagtay 10ka jusna ay ahayeen 7arday waxaa iyana u soo istaagay tartanka 5ta jus ilaa 7arday sidaa waxaa ay tirada guud kunoqotay 20arday oo kakala yimaadeen 6 dugsi qur`aan oo raacsan degmada wadajir.

Hadaba natiijadii tartanku waxaa ay noqotay sida soo socta:

•  tartama yaasha ku tartamayay 30 jus waxaa kaalinta 1 aad ka galay ardayga lagu magacaabo: C/Baasid C/Xakiim oo ka socday madrasada Muscab binu cumeyr, kalinta 2 aadna waxaa galay C/Manaan Cali Aadan oo kasocday madrasada sumaya, kaalinta 3 aadna waxaa galay C/Naasir C/laahi Shiikh.

•  tartama yaasha ku tartamaayay20kajusna waxaa kaalinta 1 aad galay ardayadda lagu magacaabo Bishaaro C/laahi Shooble, oo kasocotay madrasada sumaya, halaka kaalinta 2aad uu kagalay C/Gain Khaliif Axmed oo ka socday madrasada salaaxudiin, kaalinta 3aadna waxaa galay C/Casiis Sh.Maxamed oo kasocday madrasada Khadiija.

•  halka qoladii ku tartamayeen 10ka jus uu kaalinta 1 aad galay C/Rasaaq Sh.Maxamed oo ka socday madrasada Khadiija, kaalinta 2aabaadna waxaa galay C/Laahi Maxamed Sh.C/Laahi oo kasocday Madrasada fatxi, halka kaalinta 3aad uugalay Maxamed Naasir C/laahi Qaasim oo kasocday Madrasada salaaxudiin

•  qoladii ku tartamayeen 5 jusna waxaa kaalinta 1 aad galay Ismaaciil axmed cabdi oo kasocday madarasada salaaxudiin, halaka kaalinta 2aad uu galay C/Laahi Xuseen Cusmaan oo ka socday madrasada salaaxudiin.

Intaas waa sadaxdi kaalin ee loogu tala galay in lasiiyo hadiyaadka laakin waxaa iyana la karaameeyay ardaydii kale oo iyagana hadiyaad yaryar lasiiyay.

Gabagabadii waxaan Allah uga baryeynaa intii ka qeyb qaadatay suura gelinta tartankaas madiyan iyo macnawiyanba in uu ka abaalmariyo kuna hareeyo raxmadiisa malinta harka Allaah mooyee harkale uusan jirin ardaydaasna waxaan Allaah uga baryeynaa in uu kadhigo kuwa u is taago khidmada diinka islaamka uuna kordhiyo aqoontooda.

Aamiin aamiin aamiin


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008