TALO DHALINYARO
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa ragu
saddex waa wadaagaa.
1) magta 2) magaca 3) iyo qoodha ama magalka.
saddexna waa isku dhaafay
1) wixii tegay ka haridii 2) wax jooga ka hadalkii iyo 3) wax soo socda saadaalintii.
dhalinyarooy hurdada ka toosa kabaxa maahsanaanta iyo is moogeysiinta waxa kugu wareegsan ee dalkaaga iyo dunidaba ka socda ee ay tahay inaad garato xaalad walbana sida ay tahay ugarato waxna uqabato aaway qeybtaadii iyo xillkii dhalinyaranimoee aad dalkaaga iyo dunidaba ku lahayd.
Dhalinyarooy:
mawaxaad dan moodeen
inaad dibad ucarartaan
dooni dayac ah raacdaan
daciif idinku rogobadda
mise in aad dadaashaan
damiir hufan ka duushan
danihiina garataan
dalkiinuu dadaashaan
daacad aad u noqotaan
damiinima iska deysaan
ood dhistaan dalkiinaan
mise in aad dal shisheeye tagtaan oo aad noqotaan cayr ku nool daaqada wax looga sootuuro xaalkaaga dadnimna ku soo aruuro qof wax cuna seexda sootoosa hadla oo aan wax tarlahayn.
dhalinyarooy bal fikir sidaasi dan makuu tahay ?.
adigoo dalkaagana dhibaato nolol xumo iyo nabad la`aan ugu carartay.
hadaba ogow aabahaa hooyadaa walaalaha iyo saaxiibadaada way joogaan waxayna cunaan calafkooda dhimashadana qofna waqtigiisa dhaafimaayo meel uu joogoba, waana gartaa inaad u hanqaltaagto kolkaad dalkaaga ka weydo waxbadan oo yaala wadamo kale, balse ma ogtahay wadanka quruxda badan ee aad tagayso in aanad lahayn, ee aad qaxooti ku tahay?.
dhalinyarooy ma`ogtahay berri midka aad u soo noqoneysaa in uu yahay midka aad ka carartay ee foosha xun maku fekertay marna oo ma isweydiisay wadankaa dhisan ee dhaldhalaalaya ee quruxda badan yaa dhisay?.
Maku qiirootay in aad adna kaaga sidaa ka dhigto maku hamiday (makutalagashay) mise calooshiis la ciyaare baatahay? kuuma haboona inaad sidaa noqoto
Hadaba dhalinyarooy howlbaa idiin taala labo ayaadna mid noqoneysaan in aad wanaagsanaataan oo caqli iyo cilmi idiin kordhaan oo aad markaas horumar gaadhaan iyo in aad caqliga weysaan cilmina aadan kororsan, waqtigiinana aad gelisaan siiroor iyo socdaal aandhamaan, labadaa midka aad noqoneysaan gacantiina ayey ku jirtaa.
dhalinyarooy bal eega cilmiga iyo aqoontu meesha ay mareyso dayaxaa la aaday xidigaha ka sii durugsanbaa nolol laga doon doonayaa, si halkaa degaan looga sameeyo ayaa lagu haminayaa.
gabagabadii dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa lagudboon inay sameeyaan howlkarnimo lagu muujinayo sidii dalka Soomaaliyeed ay dhalinyaradu ugu istaagi lahayd howsha uga aadana uga qaban lahayd ayna halku dhig ka dhigtaan (hadal yar iyo howl badan)
wabilaahi towfiiq.