|
Xarakada Islaax, si ay u xaqiijiso
ujeeddooyinkeeda waxay raacaysaa tabahan ama waddooyinkan:
-
Barbaarin joogto ah oo
lagu kobciyo habdhaqanka Islaamka iyo dhawridda waxyaabaha lama
taabtaanka ah ee dalkeenna.gaarka u ah.
-
Fidinta iyo koruqaadista
dacwada Islaamka iyada oo la adeegsanayo goobaha kala duwan
sida masaajiddada, dugsiyada Qur’aanka, munaasabooyinka iyo
qalabka warbaahinta.
-
Ka qayb qaadashada hawlaha
siyaasadeed iyo saamaynta go`aannada dalka, si ku salaysan nabadgelyo
una adeegaysa danta guud ee dalka iyo dadka.
-
Adeegsiga wadahadalka
iyo wada xaajoodka si loo gaaro isfaham iyo xalinta khilaafaadka.
-
Kobcinta iskaashiga iyo
iskuduubnida bulshada, iyo in la ciribtiro dhaqamada dhaawici
kara arintan sida: faquuqidda, fogeynta iyo is-xaqiridda.
-
Adeegsiga qaababka culeysaarka
iyo u doodidda waxyaabaha loo arko danta dalka iyo diinta.
-
taageeridda iyo xoojinta
hay`adaha bulshada rayidka ah, tan oo sare u qaadaysa iskaashiga
bulshada dhexdeeda ah.
|
|
|