عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Haweenka iyo dowrkooda Siyaasada

  7/1/2007

Inkastoo ay haweenka Soomaliyeed ku horeeyeen qaybo badan oo ka mid ah nolosha bulshada, hadana waxaa la orankaraa dhinaca siyaasada waxaa aad uu tartan ugala dhaxeeyaa raga oo aan iyaga u ogaleyn haweenka inay qeyb ka siiyaan ama lawadaagaan siyaasada

waxaana lagu tilmaami karaa in haweenka Soomaaliyeed aysan ka soo muuqanjirin shaashada siyaasada beryihii hore, laakiin haweenka Soomaaliyeed oo iyagu mar walba u taagan inay soo dhacsadaan xaqooda ama u doo daan kaalinta ay ku leeyihiin siyaasada ayaa sanadihii ugu danbeeyey usoo dhaqaaqay

Hadaba haweenka Soomaaliyeed waxay ku guuleysteen inay yeeshaan cod oo ay ku soo biiraan baarlamaanadii iyo xukuumadihii isku xigay ee dowladihii isaga daba maray maamulka wadanka ee ay kala hogaaminayeen Dr. C/qaasim iyo Co. C/laahi yuusuf iyagoo wiliba dood qaba oo aaminsan in laga sed bursaday.

Dhinac kale haweenka Soomaaliyeed dadka qaarkiis waxay ku dhaliilaan inaysan xilligan lajoogo ku habooneyn inay siyaasada galaan iyagoo taasi ku ciladeynaya inaysan u bisleyn siyaasadda lakiin taa waxxaaba la oran karaa si guud ayaanba Soomaalidu ugu bislayn siyaasada rag iyo dumarba.

Dhanka kale haweenka Soomaaliyeed ee raba inay siyaasada wax ka noqdaan waa inay bartaan kuna dhaqmaan diintooda Islaamka sabab too ah waxay fahmayaan macaanida uu leeyahay Islaamku iyo in uu tuso dhagarta iyo dhibaatada ay dumarka la damacsanyihiin diin laawa yaashu.

Sidookale Islaamku waxaa uu tilmaamayaa qofka dumarka ah ee raba inuu wax noqdo waxa uu xaq u leeyahay iyo wixi ku xaq dara ah waxaana la hubaa qofkii Islaamka ka dhigta gundhig wax kasta oo uu rabo inuu ku guuleysanayo, taasina barashada diinta islaamka ayay ku xirantahay iyo ku dhaqan keeda waxayna u horseedeysaa horumar dhinac walba ah.

waxaan ilaahey ka baryeynaa inuu dumarka Soomaaliyeed ka dhigo kuwo xaqa wax ku raadiya ee aan wax ku raadinin waxa ay kala yimaadeen galbeed iyo bari midna ama ay jecelyihiin nafa hoodu.

Lasoco qaybta 4aad


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010