|
Hawlaha guud ee Islaax ay qabanayso
marxaladan , ee ku aaddan la falgalka xaaladda Soomaaliya, waxaa
hagaya siyaasaadkan:
1) Wadahadal iyo dibuheshiin Soomaalida dhexdeeda
ah ayaa xal u ah dhibaatada Soomaaliya.
Soomaaliya dhibaato siyaasadeed ayaa
ka taagan, waxaana halakeeyay dagaallo sokeeye oo sababay burbur
guud. Waxaa la riday dowladdii dhexe ee kelitaliska ahayd Janaayo
1991. Gobollo badan oo dalka ah waxaa ka dhacay dagaallo culus,
waxaana xoogaystay tafaraaruq bulshada dhexdeeda ah. Dagaaladan
sokeeye, oo ah fitno dhexmartay dad walaalo ah oo Muslim ah, cidina
kuma guulaysan inay guulo siyaasadeed oo la taaban karo ku gaarto;
mana keenin dagaaladani xal guud ee dhibaatada Soomaaliya.
Haddaba, Islaax waxay rumaysan tahay in wadahadal iyo dibuheshiin
lagu gaari karo xallinta khilaafka siyaasadeed ee Soomaalida dhexyaal,
isla markaasna dib loogu soo celin karo dawlad Soomaaliyeed oo awood
u leh gudashada xilkeeda.
Dibuheshiisiintu (إصلاح ذات البين) waa
waajib diini ah oo inna wada saaran, dalka iyo dadkuna waxay u qabaan
baahi xoog leh.
Cid kasta oo is haysa wuxuu Ilaahay –SW- faray inay heshiiyaan
قال تعالى: ((فاتقّوا الله وأصلحوا ذات بينكم
، وأطيعوا الله ورسوله إن كنتم مؤمنين)) الأنفال : 1
((Alle ka cabsada, wanaajiyana xaalka dhexdiina ah, Alle iyo Rasuulkiisana
adeeca haddaad kuwo rumeeeyay tihiin)) Al- Anfaal: 1.
Dhinacyada is haya maahane, bulshada inteeda kale wuxuu Ilaahay
–SW- faray inay ka shaqeeyaan siday dibuheshiin u dhex dhigi lahaayeen:
قال تعالى: ((إنّما المؤمنون إخوة ، فأصلحوا بين أخويكم ، واتّقوا
الله لعلّكم ترحمون)) الحجرات :10
((Mu`miniintu waa walaalo, ee wanaajiya walaalihiin dhexdooda, Allena
ka cabsada, waxaad u dhowdihiin inuu idiin naxariisto e )) Al- Xujuraat
: 10
Sidaas darteed siyaasaadka Islaax ee marxaladan waxaa
ka mid ah taabbagelinta dibuheshiin buuxda oo Soomaaliya ka hanaqaadda.
Waayo dibuheshiisiintu waa meesha ugu danbaysa ee cid kasta oo dagaalantaa
ay hawsheeda ku soo gebagebaynayso.
Islaax waxay aragtaa in la baajiyo waqti iyo xoog badan, hawshana
laga bilaabo dibuheshiisiinta, halka markii la soo daalo dibuheshiisiinta
loo soo noqon lahaa. Xarakaduna waxay kaalinteeda ka qaadanaysaa
ka shaqaynta hawlaha dibuheshiisiinta.
2) Taabbagelinta dawlad Soomaaliyeed oo awood
leh.
Dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxay burburtay Janaayo
1991, waxaa bilawday iskudayo sidii dawladdaas dhexe dib loogu soo
dhisi lahaa, tiro shirar dibuheshiisiineed ayaa dalka gudihiisa
iyo dibadiisaba lagu qabtay.
Dawlad la`aan lama ilaalin karo danta guud ee dalka iyo dadka, waxaana
halis gelaya qaranimada iyo madaxbanaanida Jamhuuriyada Soomaaliya.
Haddaba, iyadoo laga duulayo ahmiyada dawladnimada iyo dhibaatadii
laga dhaxlay maqnaanshaheeda ayay xarakadu mudnaanta koowaad siinaysa
wax kasta oo suuragelinaya taabbagelinta dawlad Soomaaliyeed oo
awood leh, iyadoo lala kaashanayo dhammaan qaybaha bulshada iyo
dawladaha saaxiibka ama walaalaha la ah Soomaaliya.
3) Xoojinta midnimada bulshada iyo ka hortegidda
waxyaabaha kala qaybin kara
Midnimadu bulshada waxay lama huraan u tahay wadanoolaanshaha
iyo horumarka. Sidaas darteed waa in laga wada shaqeeyo ilaalinta
midnimada ummadda iyo kobcinteeda. Waa in la abuuraa lana dhiirrigeliyaa
waxyaabaha midnimada kobcinaya, sida: isjacaylka, iskaalmaynta,
iskaashiga bulshada dhexdeeda ah.
Dhanka kale waxaa jira waxyaabo kalaqaybinaya bulshada, burburinna
kara midnimadeeda, sida qabyaaladda, eexda iwm. Waxaa lagama maarmaan
ah in laga hortago lalana dagaallamo waxyaabahaas dhaawacaya midnimada
iyo wadajirka bulshada.
Haddaba Islaax waxay rumaysantahay, kana shaqaynaysaa ilaalinta
iyo kobcinta midnimada iyo wadajirka bulshada, iyadoo la dhiirigelinayo
waxyaabaha kor u qaadaya. Sidoo kale, waxay ka shaqeynaysaa in laga
hortago waxyaabaha dhaawixi kara midnimada, wadajirka iyo wadanoolaanshaha
bulshada.
4) Xoojinta bulshada Rayidka ah
Xarakadu waxay u aragtaa hay`adaha bulshada rayidku
in ay muhiim u yihiin horumarka bulshada iyo mashruucyadeeda kala
duwan ee nolosha sida:– caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo korontada
iwm.
Ururada bulshada rayidku waxay qayb ka yihiin xoojinta iskaashiga
iyo wax wadaqaybsiga bulshada dhexdeeda; iyo in bulshada ka qaybqaadato
hawlaha danta guud.
Waxaa kale oo ay bulshada rayidku asaas muhiim ah u tahay dhisidda
iyo dhowridda xorriyadaha, iyo kahortagga kalitalisnimo xagga maamulka
iyo siyaasadda ah.
Sidaas darteed Islaax waxay aragtaa, kana shaqaynaysaa xoojinta
bulshada rayidka ee Soomaaliya.
5) Ka fogaanshaha adeegsiga xoogga si loo
gaaro ujeeddooyin siyaasadeed
waxaa laga dhaxlay nidaamkii milateriga ahaa, dersi
lama ilaawaan ah kolkii uu u adeegsaday awood iyo maquunin ka dhan
ah shacabka Soomaaliyeed, Natiijadu waxay noqotay kacdoon shacbi
oo ballaaran oo riday nidaamkii burburiyayna dawladdii iyo haybadeedii,
waxaana la burburay ilbaxnimadii iyo soojireenkii shacabka soomaaliyeed
.
Dhinaca dagaaladii sokeeye ee bulshada dhexdeeda ahaa, waa la wada
garanayaa khasaarooyinka iyo natiijooyinka foosha xun ee ka dhashay,
iyo danbiyadii iyo dhibaatooyinkii argagaxa lahaa oo ay reebeen
dagaaladaas.
Haddaba annagoo ka faa’iidaysanayna waayo-aragnimadaas dalka soo
martay iyo kuwa caalamiga ahba; kana ambaqaadayna fahamka saxda
ah ee Islaamka, ayaannu waxaan u aragnaa dhinac kasta oo raba inuu
adeegsado xoog si uu u xaqiijiyo ujeeddooyinkiisa siyaasadeed in
uu sii dheeraynayo dhaawaca shacabka dhibaataysan, burbur maahane
faa`iido waartana ka soo hoynayn.
Waxaa inna soo maray muddo dheer oo aan dhadhaminay in nagu filan
oo ah: xoog isu adeegsi, kalitalisnimo iyo ku dhaqanka hababka ku
dhisan fogaynta, liididda & kugaboodfalka xuquuqda dadka kale
ilaa aan ka waynay qaranimadeenii, dibna u dhacnay. Waa waayo-argnimo
qaraar oo inna tusinaysa dhibaatada ay leedahay xoog isu-adeegsiga
Soomaalida dhexdeeda ah.
Waayo-aragnimadani waxay ina xasuusinaysaa sida xooggan ee Diinta
Islaamku innooga digtay dagaalada fitnada ah ee bulshada dhexdeeda.
Sidaas darteed, Islaax way diidan tahay, in xoog hubaysan Soomaalidu
isu adeegsato si loo gaaro ujeeddooyin siyaasadeed.
6) Adeegsiga habka nabadda iyo isqancinta
si loo gaaro isbedel waara
Isbeddelka loo baahanyahay ee
la tiigsanayo, waa isbeddel ka bilaabanaya dhisidda iyo barbaarinta
qofka, kadibna u gudbaya bulshada iyadoo loo marayo dadaallo xoogan
oo taxane ah si loo abuuro bulsho ku toosan manhajka Alle S.W. Isbeddelkani
waa inuu gaaraa dawladda hay’adaheeda iyo waaxyaheeda kala duwan.
Hawshani waxay u baahantahay in la isu geeyo dadaallo badan, la
isuna duwo qaybaha kala duwan ee ummadda iyo awoodahooda si loo
gaaro ujeeddooyinkaas gogolxaarka u noqonaya helidda nabadgelyo,
xasilooni iyo baraare, daawaynana dhaawacyadii dagaaladii sokeeye
iyo dhibaatooyinkii ay reebeen.
Xarakada Islaax kolkii ay soo if baxday 1978 waxay ku saleysay barnaamijyadeeda,
siyaasadaheeda iyo aragtiyadaheedaba hababka degan ee ku dhisan
isqancinta iyo wadahadalka, haba kala fogaadeen aragtiyada iyo afkaarta
la kala qabo e.
7) Inaan la garabsan dawlado shisheeye oo
faragelin Soomaaliya ku sameeya
Laga bilaabo dabayaaqadii toddobaatameeyadii
ee qarnigii tagay ayay samaysmeen jabhado Soomaaliyeed oo hubaysan
oo mucaarad ah, waxayna gacan weydiisteen dawlado shisheeye oo qaarkood
cadawga soomaaliyeed ahaayeen, si ay uga helaan kaalmo dhaqaale,
hub & mid siyaasadeedba . Ridistii dowladda dhexe ka dib, waxay
bilaabeen kooxaha Soomaaliyeed in koox kastaa garabsato awood shisheeye
si ay uga adkaato dhinacyada kale ee Soomaaliyeed ee ay is hayaan.
Waxaana tobaneeyo jeer isbadalay hadba dhinaca la safan cadawga,
waxaad arkaysaa koox la safan cadawga, muddo yar dabadeedna ka so
horjeeda. Mar labaad ama saddexaad, ama afaraadna ku noqonaysa meeshii
hore. Habkanina waa mid ku soo noqnoqda hadba kolkii shucuubtu daciifto
oo ay waydo awoodeeda dhabta ah.
Cadaw la garabsadaana waa danbi aan la dhaafi karin, waana khiyaano
& dayacaad la dayaco dalka, dhinacna libintu ku raaci mayso
garabsigaas.
Dhinacyadan Soomaaliyeed ee kaashanaya awoodda dalalka dibaddu marna
guul ku gaari maayaan, dalkooda iyo dadkoodana dhibaato hor leh
ayay u sii gaysanayaan, qaranimadii Soomaaliyana way sii wiiqmaysaa.
Haddaba, waa in dhammaan laga waantoobaa in la kaashado awoodda
dalalka shisheeye si looga adkaado dhinaca kale ee Soomaaliyeed,
taas oo faragelin ku ah arrimaha dalka, isla markaasna aan ka qaybqaadanayn
xallinta dhibaatadiisa.
|