عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Bayaan

ku saabsan koox ku hadashay magaca Islaax

17/1/2008

Waxaa qaar ka mida qalabka warbaahinta lagu faafiyay hadalo ah in la bedelay madaxdii, golayaashii iyo nidaamkii Islaax lana sameeyay hogaan cusub; iyagoo tixraacaya qoraal ay soo saarenn xubno aan Islaax ka tirsannayn 10/1/2008 .

Waxaa wax lala yaabo ah in kooxdani ku andacoodaan wax aysan awood u lahayn, waaqicana ka fog.

Hadaba xarakada Islaax waxay cadaynaysaa

•  in hadaladaas ay yihiin been aan sal iyo raad toona lahayn;

•  kooxdan sheegatay magaca ururku maaha xubno ka tirsan ururka, muddo ka hor ayaa qaarkood ururka laga saaray markii ay khilaafeen mabaadida iyo nidaamka ururka, qaar kalena iskood uga tageen.

•  Waa koox ku biiray Maxaakimtii Islaamiga ahaa, qaarkoodna ka mid yihiin hogaanka sare ee Maxaakimta.

Hadaba, waxaan ogaysiinaynaa xubnaha ururka, taageerayaashiisa iyo guud anaaba shacbiga Soomaaliyeed in xarakada Islaax aysan wax shaqo ah ku lahayn hadalada iyo ficilada ka soo fulaya kooxdaasi sida beenabuurka ah ugu hadlaya magaca ururka.

Waxaa kale oo aan sii adkaynaynaa in xarakada Islaax ay mar walba u taagan tahay fidinta Diinta Islaamka, kudhaqanka manhajka ictidaalka, u-adeegidda bulshada Soomaaliyeed, horseedida arimaha dibuheshiisiinta, iyo ugu baaqidda wadada nabadda , wadahadalka iyo walaalnimada.

Ugu dambayn waxaan kooxdan ugu naseexaynaynaa inay ka waantoobaan hadalada beenabuurka ah oo u horseedi kara aduunyo iyo aakhiro beel, kana shaqeeyaan wax anfaca naftooda iyo umadooda.

Allaahu akbar waLillaahilXamd

Sh Cabdulahi Cali Xayle

Afhqyeen u hadlay Xarakada Islaax

MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008