|
Ujeeddooyinka ay higsanayso Xarakada Islaax, kana
shaqaynayso hirgelinteedu waa:
-
In la tarbiyeeyo qofka, qoyska
iyo bulshada, lana kobciyo habdhaqanka waafaqsan Islaamka, bulshadana
la gaarsiiyo nidaam dawladeed ka dhigta Islaamka marjaciyo lama
gudbaan ah.
-
In la horumariyo bulshada dhan
kasta, gaar ahaan in laga hortago jahliga, mudnaanta koowaadna
la siiyo waxbarashada iyo barbaarinta.
-
In la taageero hay`adaha bulshada
rayidka, sida ururada samafalka kuwa xirfadlayaasha iwm, si
loo gaaro iskaalmaysiga iyo iskaashiga qaybaha bulshada ee kala
duwan.
-
In lagu dadaalo sidii loo heli
lahaa jawi suuro geliya horumar dhaqaale iyo adeegsiga tiknoloojiyada
ayada oo la dhawrayo biiada iyo deegaanka.
-
Sare u qaadida wacyiga shacabka
iyo ku adkaynta dhowridda anshaxa Islaamka iyo kan wadaniga
ah, sida walaalnimada, xorriyada qofka, shuuraha, cadaaladda,
saraynta sharciga iwm.
-
In laga shaqeeyo joojinta dagaalada
sokeeye, lana horjoogsado wax kasta oo bulshada kala gaynaya,
ayada oo la xoojinayo wadanoolaanshaha bulshada, sinaanta iyo
walaaltinimada, lana tirtirayo dulmiga.
-
In la daryeelo qoyska iyo caruurta,
iyo tixgelinta haweenka iyo dhowrista xuquuqdooda.
-
In la taabbageliyo adeegyada
bulshada sida waxbarashada, caafimaadka iwm.
-
In la hirgeliyo xasiloonida
siyaasadeed, horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha ee Geeska Afrika
-
In la xoojiyo iskaashiga shacabwaynaha
dunida ka dhexeeya, gaar ahaan shucuubta Islaamka, Carabta iyo
Afrika.
-
In la ciribtiro dhammaan noocyada
kala duwan ee isticmaarka, dulmiga bulshada iyo ixtikaarka hantida;
iyo difaaca arrimaha ka dhexeeya umadaha sida nabadda guud ee
dunida, ilaalinta deegaanka iyo xurmaynta Bani`aadamka &
dhowrida xorriyadda.
|
|
|