عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

MUQDISHO IYO CIIDA SANADKAN

23/12/2007

Ugu horayntii waxaan muran ka taagnayn in laga ciiday magaalada Muqdisho lakin waxaa ay tahay in la isweydiiyo sideebay ahayd ciida Muqdisho marki la barbardhigo ciidihii hore ee laga ciidijiray Muqdisho.

Waxay ahayd ciidii sanadkii hore ciidiii ugu horaysay ee ay nala ciideen ciidamada Ethiopia laakiin ciidaa waxaa ay ahaayeen ciidamo ku cuasub magaalada dadka reer Muqdishana ay fahmi la,ayeen sababta magaalada dhexdeeda loogu soo firdhiyay mar hadii ay ka awood roonaadeen ciidamadii maxkamadahii islaamiga ahaa, ileen ciidamo tiradaa leh waxay ahayd in xeryo magalada hareeraheeda ladejiyo kuwan oo wiliba ajnabi ah is ka daaye, ciidii hore layabyab uunbaa lagu jiray lakiin wey ka yar duwanayd ciidihii ka horeeyay.

Laakiin ciida sanadkan markaan u soo laabano waxaa bulshada Soomaliyeed ee Muqdisho deganayd tiradii ugu badnayd ku ciideen magaalada Muqdisho daafaheeeda iyo gobalada dalka meela kamid iyo xitaa wadamada daraska nala ah iyagoo qax ah qeybta soo hartayna waxaan dhihi karnaa salaadii weytukadeen, qofki awoodi karana gurugeeda intay hoosta ka xidhatay bey wixii Alla ku siiyay barakaysatay iyada iyo ehelkeeda may jirin sanadkaan islaciid isu soo ciid.

Waxaakale oo ciida sanadkaan ay dheereed ciidihii hore in habiin kina madaafiic aan laga hurdikarin maalintiina rasaas iyo madaafiic iyo qaraxyo kadhacaya meela kala duwan oo magaalada ka mid ah.

Waxaakale oo ciidaani uga duwanayd ciidihii hore, waxaa jira xaafado aan wax dad ahi ku noolayn oo guryihi haawinayaan ciidan is hor fadhiyana aysan jirin ee waxaa laga baqayaa in ay madaafiic uun isaga garaacaan waayo Ethiopianku waxaa ay caadaysteen jihadii xabad kaliya uga soo dhacdo in ay madaafiicda ugu culus uga jawaabaan oo ay ku garaacaan kuna baabi,iyaan wixiba ku aadan halkaa dabadeedna ay ku faafaan ruuxii ay ku arkaana ay dilaan waayoo kala garan mayaan midki wax soo riday iyo midkale waa wada Soomaali sumadna uma kala laha.

Sanadkan Muqdisha laguma arag muuqaaladii lagu arki jiray maalmaha ciidaha, sida dadka oo soo labista dharka ugu qoruxsan isugu yimaada baararka iyo meelaha la isugu yimaado ciyaalka oo loo soo labiso lageeyo meela lagu ciyaaro weefow iyo alaabadi ciyaaraha oo dhan loo sameeyo, waxaasi oodhan may dhicin sanadkan.

Allaah waxaan ka rajaynaynaa in uu xaalada Soomaaliya ku jirto kasaaro oo amni uu u gu bedelo cabsida iyo amni la`aanta ay ku ciideen.

Aamiin aamiin


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008