عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

MAXAY QABTEEN DUMARKA SOOMALIYED?

30/12/2007

Haweenka soomaaliyeed waxay markasta ahaayeen kuwo u taagan danta iyo maslaxada umada Soomaaliyeed waxayna taariikh lama ilaawaan ah ku lahayeen halgankii xornimo doonkii Soomaaliya iyagoo muruq iyo maskaxba uga qeyb qaatay kifaaxii dhiigu ku daatay ee loo galay helitaanka xornimada dalkaynaan Soomaaliya.

Haweenka Soomaaliyeed waa bar baariyayaasha iyo sal dhiga bulshada waxayna dowr muuqda ka soo qaateen howlo badan oo wax tar lahaa oo ay kamid ahaayeen ololihii barashada far Soomaaliga, sido kale gurmadkii loo sameeyey dadkii ku wax yeeloobay abaartii lamagac baxday (abaartii daba dheer) waxay kaalin ku lahaayeen maamuladii dalku soomaray, waxayna ka qeyb galeen qaran u raadinta dalka.

Waqtiga dowlad la,aanta iyo dagaalada sokeeye waxay haweenku buuxiyeen kaalintii quudinta qoysaskooda waayoo shaqooyinkii raga way istaageen, waxayna horseed u noqdeen abuuritaanka ururo bulsho oo wax weyn ka qabtay nabada, xuquuqda aadanaha,saxaafada, horumarinta, haweenka, wax barashada , caafimaadka oo aanu wada og soonahay tiro isbitaalo ah oo ay dib u howlgaliyeen magaalada Muqdisho kadib mudo dheer oo ay gabeen adeegyadii ay u hayeen umada.

Haweenku markasta waxay ku leeyihiin kaalin aan la inkiri Karin oo wax ku ool ah xaaladan cusub ee dalku galay waxay wax weyn ka galeen arimo farabadan oo wax tar u leh bulsha weynta Soomaaliyeed.

Intii lagu guda jiray bur burka waxaa sameysmay ururo haween ah oo kala gedisan una istaageen horuumarinta iyo adeega bulshada waxayna u istaageen wax u qabashada bulshada hadii ay noqonlahayd siminaaro lagu barayo xirfado ay ku shaqeystaan, hadii ay noqonlahay isguulaad ay u furaan iyadoo aan ribix laga raadinayn, hadii ay noqonlahayd samaynta gobo lagu daryeelo caruurta, iyo waxyaaba kale, haweenka Soomaaliyeed waxaa ay leeyihiin ururo u taagan sidii ay haweenka Soomaaliyeed u samayn lahayeen horumar la taaban karo dhan walba xaga aqoonta iyo thaqaafada, xaga bulshada iyo siyaasada, xaga dacwada iyo tarbiyaynta jiilasha.

Adeega bulshada haweenku markasta waxay ku leeyihiin kaalin aan la inkiri karin oo wax ku ool ah, xaaladan cusub ee dalku haatan ku suganyahayna wax weyn ayay ka gelikaraan hadii loo istaago in looga faaiidaysto oo ay helaan towjiihaad saafiya rabaaniya, markaa ayayna ka soo muuqankaraan si hufan xalaalna ah dowrkoodaa muhimka ah.

sidaasi darted haweenku waxay mudanyihiin in lagu ixtiraamo kaalinta wax qabad iyo hormuud ee ay ku leeyihiin mujtamaca dhexdiisa iyadoo la ilaalinayo xaduuda Allaah oo aan laga tagayn quyuuda iyo sharciga Allaah ku adoonsaday.

Lasoco qeybta 3aad


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010