عربي
BOGGA HORE
Manhajka Islaax
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Manhajka xarakada, oo ay muslimiinta ugu yeerayso, xubnaheedana ku barbaarinayso waxaa sal u ah ku dhaqanka Kitaabta Qur’aanka iyo Sunnada Nabigeenna (NNKH) oo loo fahmayo sidii ay u fahmeen salafkii saalixa ahaa, kaas oo ku dhisnaa ictidaal iyo dhexdhexaadnimo (wasadiyo), kana amba-qaadaya marxaladeyn. Manhajkaas oo ujeedadiisu tahay in lagu barbaariyo ruuxa muslimka ah in Islaamku yahay diin dhamaystiran oo hagaysa nolosha oo dhan, tan dunida iyo tan aakhirada; tan qofka, qoyska, bulshada iyo dawladda. Manhajku wuxuu ku salaysan yahay in la isku soo dhaweeyo qaabka ay Islaamka u fahamsan yihiin muslimiintu, gaar ahaan xubnaha xarakada, wuxuuna leeyahay heerar barbaarin oo midba kan kale ka sareeyo oo kor u qaadayo ku toosnanta Islaamka. Manhajka barbaarinta waxaa lagu dhisay inuu soo saaro ruux dhaqankiisu Alle ka cabsi yahay, bulshadana kula dhaqma walaaltinimo, iskaashi, dulqaad, isqadarin, nabad, cadaalad, amaano iwm. Manhajka xarakadu sidaas ayuu umiisaamayaa barbaarinta nafta, ruuxda iyo caqliga. Waxaa kaloo manhajku ku barbaarinayaa xubnaha inay u adeegaan bulshadooda, u gudbiyaan dacwada iyo inay horseed ugu noqdaan wax kasta oo khayr ah.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010