عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

KAALINTA ISLAAMKA UU KAGA JIRO ILBAXNIMADA IYO HORUMARKA DUNIDA

Hor dhac ama arra

4/12/2007

Inkastoo ay diinta islaamku tahay tan ugu koritaan badan xaga soo gelida caqiidadeeda hadana heerka ay kaga jirto miisaanka diimaha dunida kajira iyo wiliba dhinacyada kaladuwan ee horuukaca nolosha insaanka waxaa la orankaraa wey hooseysaa waxaana u sabab ab.

•  umadda islaamka ah oo katagay jaowharkii islaamka oo islaamku iska noqday magac madmuunkiisii maqan yahay.

•  weerarada kaga imaanaya xagga dadka aadka uga soo horjeeda islaamka iyo ku faafitaankiisa dunida iyagoo wiliba weeraradooda daliil kaga dhigta dhaqamada khilaafsan jowharki islaaka ee muslimiinta qaarkood ku kacayaan.

Waxaan shaki kujirin in maanta heerka islaamka uu marayo aan dhihi karno waa mid hooseeya marka laga fiiriyo dhinacyo badan oo kala duwan iyadoo aan la inkireynin inay jiraan dhinacyo uu ku sareeyo waxaa jira in berigii hore islaamka ilbaxnimo iyo horumar loo soo raadsan jiray balse manta loo raadsado kuwii shalay iyagu u soo raadsan jiray oo lagala wareegay kaalintii horyaal nimo ee islaamku lahaa.

taasoo ay sababtay in dadka majaraha u haya hogaanka islaamka aysan qaadanin islaamka iyo ku dhaqankiisa iyo hirgelinta manhajka islaamka iyadoo ay jiraan oo aan loo qarineynin dalal fara ku tiris ah oo arintaas qaatay balse cadaadis ay ku hayaan kuwa cadawga ku ah islaamka aysana ka damqaneynin kuwa kale cadaadiskaasi.

waxaana kadhashay in dowladaha islaamka ah loo ogolaanin inay sameeyaan horumar xaga teknolojiyada, dhaqaalaha iyo waxyaabo kale oo cidii lagu helo inay sameysaneyso wax talaabo horumarineed ah la ugaarsanayo iyadoo waqtigan uu qof waliba ka dheregsanyahay arinkaa aan ka shekeynayno meesha uumarayo oo xitaa lagaaray in layiraahdo waxaan kuu ishaarna uun ku ekow waxaanaad nagala tashana maba ahan in loo fakaro.

Hadii aan dib ujeleecno tan iyo markii uu soo if baxay islaamka waxa uu soo maray mar xallado kala duwan oo la talaabo qaadayey xaaladihii markaas lagu sugnaa ee heerka nolosha soo if bixidii islaamka kahor dadku waxay ahaayeen kuwo jaahiliin ah oo aan waxba garaneynin iayadoo bani,aadanimaduna ay gaartay heerkii ugu hooseeyay ee qiyaasaadka nolosha.

Qormadeena soo socota waxaan xooga saareynaa is bedeladii ku yimid dhinacyadii nolosha iyo tacliinta iyo horuukaca insaanka si guud anagoo u qeybin doona dhawr qormo haduu Allaah idmo

Lasoco qoraalada soo socda oo ay ugu horayso qorma ka hadlaysa noloshii insaanka ee islaamka kahor iyo isbedalkii ku yimid markuu islaamku yimi ana.

lasoco qormada 1aad


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008