عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa oo kaalmo waxku ool ah soo gaarsiiyey shacabka Soomaaliyeed..

25/7/2007

الذين ينفقون أموالهم في سبيل الله ثم لا يتبعون ما أنفقوا منا ولا أذى لهم عند ربهم ولا خوف عليهم ولاهم يحزنون. سورة البقرة 262

Shacabka soomaaliyeed oo ah shacbi markasta isku tiirsan isna kaalmeeya isuna naxariista ayaa waxaa soo maray dhibaatooyin aad u farabadan oo ay ka mid yihiin dagaallo abaaro iyo daadad dhibaatooyin farabadana u gaystay.

Sidaasi darteed mar waliba waxaa dhaceysay in dad wanaagsan oo khayr doonayaal ah kana mid ah jaalliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool dalka dibadiisa ay ka qayb qaataan u gar gaarka dadka walaalahood ah ee dhibaatooyinkaasi soo gaareen.

Waxay Soomaalidu dhaqan uleedahay in ay is gargaaraan sida ku cad murtidan uu ku cabirayo abwaan soomaaliyeed (istaageerid bey labo gacmood tabar ku yeeshaane), taasi waxaad ku ogaanaysaa in ay Soomaalidu mar walba is taageerto isna taageeri jirtay.

Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee dibadda ku dhaqan ayaa waxa ay muujiyeen baryahaan danbe isxilqaamid iyo mucaawino ay ufidiyaan shacabka Soomaaliyeed ee walaalahood ah ee kutabaalaysan dalka gudihiisa, iyagoo inta karaankooda ah gacan wanaagsan ka gaystay sidii dadka dhibku soo gaaray wax loogu qaban lahaa, iyadoo xoogga la saarayay dadka dhaawaca ah dadka danyarta ah masaakiinta iyo agoonta.

إنما الصدقات للفقراء والمساكين. سورة التوبة 6

وقال (ص) أنا وكافل اليتيم كهاتين.. واشار بأصبعيه..

Waqtiyadii hore Soomaalidu mamoodeyn in ay iyagu wax is tari karaan ee waxaa ay kaalmo kasugi jireen umadaha kale, laakin maalmahaan way garawsadeen in ay iyagu wax is tarikaraan.

Haddaba waxaa is weydiin leh shacabka Soomaaliyeed ma waxaa wanaagsan inuu isku tashado oo uu sii wado is kaalmaysiga u bilawday mise inuu dad kale isku haleeyo oo gacan shisheeye kaliya wax ka sugo, dabcan waxaa wanaagsan inuu isagu isku tashto oo uu xoogga saaro sidii dadka iyo dalka Soomaaliyeed qof kasta xil isaga saari lahaa wax uqabashadooda.

Jaaliyadaha Soomaaliyeed waxaa la orankaraa waxay walaalahood soo gaarsiiyeen kaalmo waxku ool ah oo ay ku farxeen intii ay gaartay.

يقول المولى عز وجل(لن تنالوا البر حتى تنفقوا مما تحبون وما تنفقوا من شيء فإن الله به عليم)آية92 من سورة آل عمران

kuwa loo kaalmeeyayna waxaa laga rabaa inay walaalahooda Soomaaliyeed ay u duceeyaan kuna fakaraan in bal hadda wixii kadanbeeya ay iyaga wax qabsadaan waxaana haboon qofka inuu laasimo in uu shaqeysto haduu ka baxo duruufta uu ku jiro ee dhaawac ah ama qax & barakac i.w.m ee uusan u hanqal taagin inuu mar waliba wax ka sugo dadka walaalihiis ah iyo hay`addaha mucaawinada keena .

Waxa intabadan wax looqabtaana waa dadkii islaamku faray in loo kaalmeeyo sida agoonta,cuuryaamiinta,indhoolayaasha dadka fuqarada ah iyo dadka ay dhibaatooyinku soo gaareen sida dadka isbitaalada ku jira kuwa daadadku qaadeen kuwa kubara kacay dagaaladda beryahaan joogtada kanoqday wadankeena.

Xilligan adag ee hadda lagu jiro waa lama huraan in dadka Soomaaliyeed meel ay joogaanba ay iska xilsaaraan wax u qabashada dadka iyo dalka si loo gaaro ujeedada la tiigsanayo ee ah in lagaaro isku filnaasho dhamaystiran .

Waxaana ku boorinlahaa in jaalliyadaha soomaaliyeed ay gacan qabtaan walaalahooda hadda u baahan gacan qabadkooda ama kaalmeyntooda sababtoo ah waxaa la ogyahay in iskaalmaynta ay tahay wax wanaagsan oo la amaanay waxayna ku cadahay quraanka kariimka ah iyo axaadiista nabiga (n.n.k.h) qof walbana ha ogaado inuu helayo iyadoo kabadan kana anfaci og intuu bixiyay Alle subxaanuhu watacaalaana ajar ka siinayo.

(إن الله لا يضيع أجر المحسنين) آية120 من سورة التوبة

مثل الذين ينفقون أموالهم في سبيل الله كمثل حبة أنبتت سبع سنابل في كل سنبلة مائة حبة والله يضاعف لمن يشاء والله واسع عليم. آية261 من سورة البقرة

Ugu danbayntii Ilaahey waxaan kabaryaynaa inuu shacabka Soomaaliyeed fahamsiiyo xaqa ayna gartaan in shaqada iyo cadaaladda looga bixi karo dhibka ayna mar waliba is taakuleeyaan isna taageeraan waana tii layiri (gacmo wadda jirbey wax ku gooyaan).

Sidoo kale N.N.K.H waxaa uu yiri:

ما نقصت صدقة من مال وما زاد الله عبدا بعفو إلا عزا وما تواضع أحد إلا رفعه الله عز وجل.. رواه مسلم

Wabillaahi towfiiq


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008