عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

kalinta islamku kagajiro horukaca iyo ilbaxnimada dunida

Qaybta 5

tawjiihaadka islaamka & sifaynata afkaarta umadaha

28/4/2008

Qormadaan waxaa aan ku soo qaadanaynaa tawjiihaadka Allaah eeku aadan sifaynta afkaarta xagga caqiidada iyo iimaanka iyo tusaalooyinka Qur`aaniga ah ee tusinaya ku xirnaanshaha iyo ka amarqaadashada Allaah qiimaha ay u leedahay insaanka.

Hadaba waxaa ay cidkasta oo Allaah ku manadaystay in ay Allaah Rabinimo u qirto Islaamkana diintoosan Nabi Muxamadna Nabinimo iyo Risaaladii u dambaysay in Allaah u soo dhiibay, qofkaasi waxaa ay garanaysaa in Allaah uusan ciyaar ciyaar u abuurin insaanka waayoo waxaa cadeeyay taa Qawlaka Eebe:

أفحسبتم أنما خلقناكم عبثا وأنكم إلينا لا ترجعون، 115سورة المؤمنون

Mawaxaad u malayseen in aan idiin abuuray ciyaar oo aan idinka xag-ganaga la idiin soo celinayn.

Mar hadii aan ciyaar ciyaar loo abuurin waxaa lagama maarmaan ah in loo noqdo in la xaqiijiyo hadafki loo abuuray insaanka si loo raali geliyo Allaha Abuuray Noolaha oo idil si loo mutaysto abaal marin si taa loo helo Allaah waxaa uu aayaad ku cadeeyay si fakir ahaan loo toosiyo afkaarta insaanka waxaana uu u cadeeyay hadafka laga lahaa abuurista Jinka iyo insaanka iyo waxa laga doonayo xuduuda ay leeyihiin Allaahna waxaa uu leeyahay:

وما خلقت الجن والإنس إلا ليعبدون ما أريد منهم من رزق وما أريد أن يطعمون إن الله هو الرزاق ذو القوة المتين، سورة الذاريات من آية 56-58

Jin iyo Insi waxaan cibaadadayda ahayn uma abuurin, kamana doonayo Risqi iyo in ay iquudiyaan, ileen Eebe umbaa ah arzuqe xoogbadane.

Ayaadkan waxaa ay tusaalooyin cadcad u yihiin ahmiyada ay leedahay in laga sifeeyo insaanka marka u horayso afkaarta xagga caqiidada iyo iimaanka iyo garad siinta kuxirnaanshaha Allaah, maxaa yeelay insaanka noloshiisa waxaa ay ku dhisantahay iimaanka iyo rumaynta Allaah iyo rusushiisa iyo risaalooyinka ay xambaarsanyihiin.

Marka aanu joogno iimaan iyo caqiido iyo guudahaan waxyaabaha ku xidhan quluubta nolosha qiimaha ku dhisani waa tan ku nool iimaan iyo ku xidhnaanshaha Allaha abuuray ee maaha tan kunool cun iyo cab uun waayoo taasi waxaa ay ka hor imaanaysaa ujeedooyinkii loo abuuray waxaana wax lawada garan kara ah shaygii ujeedadii laga lahaa gudankari waaya waa isagoo aan jirin ookale.

Lasoco qormada 6aad


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2012