عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

INSAANKU WAXA UU AHAA ISLAAMKA KAHOR

16/12/2007

Waxaanu wada ogsoonahay marka aanu ka hadlayno insaanku waxa uu ahaa islaamka ka hor oo aan eegno noloshii jirtay xiliyadii islaamka ka hor waxaa inoo soo baxaya qanaaca aanu ku qancayno in insaanku ku jiray nolol iyo dhaqano aad uga heer hooseeya nolosha iyo dhaqanada laga filaayay al insaan al caaqil maxaayeelay insaanku waxa uu xayawaanaadka intoodakale uga soocnaaday waa caqliga uun.

Hadaba intaanaan ugelin noloshii jirtay bal aanu eegno caqliga Allaah insaanka uu siiyay ee uu u siiyay in uu sax iyo qalad ku kala saro xumaha iyo samaha ku kala garto wax laga xishoodo iyo wax kale ku kala fahmo, maka faaiidaysatay insaanku?.

Waxaanu orankarnaa kama uusan faaiidaysan sababtuna waxay ahayd caqligu waxaa uu u baahanyahay marwalba miizaan uu ku kala saaro waxwalba ee hor yimaadaa ileen waxwalba oo jira waxaa lagama maarmaan ah in ay halbeeg yeeshaan si loo ilaaliyo halbeegaa.

Halbeegaasina waxaa uu ka imaan karaa ookaliya Allaha abuuray insaanka iyo koonka dhamaantii, caqligu haduusan helin halbeegaa madhicikarayso in uu wax kala saaro hadii caliga kaliya waxtar noqon karana maba loo baahdeen in Rasuul Allaah soodiro Risaalana loo soo dhiibo, halkaa ayaana ka garanaynaa in aan caqli kaligii laga faaiidaysankarin surta galna aysan ahayn caqli aan ku shaqeynayn hanuunka Alle in uu wax kala saaro.

Sababtana waad garan kartaan waayoo xumaha iyo samaha xishoodka iyo xishood la`idaba waxa ay imaan karaan marki la helo qawaacid iyo shuruuc katimid xagga Allaha abuuray insanka qayaxaysana waxyaabahaa, qur`aanka aayadii ugu horeysay ee ku soo degta Nabiga N.N.K.H. waxaa ay tilmaamaysaa in caqligu uu san kaligii waxba ahayn haduusan Allaha abuuray garan Allahaasna uusan kaqaadan hanuunka.

Hadaba markaan u soo laabano insaanka iyo islaamka ka hor waxaan arkaynaa in uu ahaa insaanku mugdi ku noole guud ahaan noloshiisa, xag diineen iyo caqiido xag bulsho iyo dadnimo xag siyaasadeed iyo maamul.

Tusaale ahaan markaan eegno xaga diinta iyo caqiidada waxaanu ognahay in ay qoran jireen qoryo iyo dhagaxyo aan dhib iyo dheef toona la hayn, ay leeyihiin waa Illah oo ay ka danbeyn jireen

Xag bulsho markaan ka eegno waxa insaanku ku sugnaa islaamka ka hor waxaanu ogsoonahay wax isku xidha majirin bulshada oo ay wada dhawraan ee waxaa jiray in kii xoogbadani ama hantibadani waxa uu doono sameeyo, hoos markii loo dhaadhacana waxaadba arkeysaa in xitaa caruurtooda ay iyagoo nool duugi jireen oo heerkaa ay ka gaadheen xagga is tixgelinta bulshada.

Siyaasada iyo maamul waxaanu ognahay in aanay wax maamul ah oo la isku ogyahay laguna kala danbeeyo aysan lahaan jirin laakiin waxaa jiray hal nin oo isagu u taagan in uu isagu leeyahay dadka umaduna adoomo u wada tahay waad garan karaysaan Boqorkii Kisraa la oranjiray iyo Boqorkii Hiraqla oo kala xukumi jiray furus (birshiya) iyo roomaan oo ahaa dowladihii ugu xooga weynaa dunida intii uusan islaamku imaan.

Hadaba markaan eegno muslimiinta meelkasta oo ay joogaan waxaa ay leeyihiin taariikh ka horeysay islaamka marki labarbardhigo taariikhdooda islaamka kadibna waxaa noo soo baxaysa argti ama qiimeyn kaduwan taariikhdooda islaamka ka hor.

Waxaa la orankaraa Nabi Muxamed N.N.K.H hortii dadku waxaa ay ku jireen:

- Diin ahaan: Mugdi xagga iimaanka Dhagxaanbey ilaah ka dhigan jireen ( laata, cuza,manaata) iyo kuwa kale

- Maamul iyo bulsho: Khilaaf iyo isdil isdhac joogta ah oo waakan Allaah uu xasuusinayo abaalka uu ku leeyahay mar hadii uu ugu badalay waxaas oo dhan isjeceyl, iswalaalhsi, badbaado halaag ay qarka u saarnaayeen uu ka badbaadiyay, Allaah waakan oranaya reer (madiina) ( Xasuusta in aad cadaw isu ahaydeen nimcada Allaah horteed nimcada Allaahna aad ku walaalowdeen, waa islaamka`e,)

Gaba gabada qormadaan waxaan ka qaadanaynaa in uusan insaanku qiima lahayn islaamka ka hor ee Nbi Muxamada N.N.K.H badbaado iyo nolol qiima leh u keenay dunida dadkuna ay yeesheen dadnimo markay raaceen Risaalada loo soo dhiibay taasoo ujeedadeeduba ahayd naxariis Allaah uu la doonayay insaanka oo dhan.

Lasoco Qaybta 2


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010