عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

HOWSHA MAANTA WAA HORUKACA BERITO

1/8/2007

Cid muran ka qabtaa ma jirto aduunkoo dhan in waxaad hore ugu dhibtooto keliya aad dheefsato waxaana layiri (saddex Eebe wuu awoodaa masa yeelo:

(ilaahoow guursanmaayee hay gablamin, ilaahoow xoogsanmaayee xoolo isii iyo ilaahoow camal falanmaayee hay cadaabin).

Maahmaah kalena waxay leedahay (xaglo laaban xoolo kuma yimaadaan) Mid kalena waxay ahayd (Fadhi iyo fuud yicibeed leysku waa).

Hadaba waxaasoo dhami waxay ina tusayaan in nimaan dhididin uusan helin dheef (Dad aan aad uhowshoon dalkooda hore uma maro) xikmad kale ayaa ahayd.

Dhulkeennu dhibaato waa ka gudbikaraa haddii aynu si aad ah ushaqayno haddii dad kale aan kaalmo ka sugnana inagu marna nolol fiican heli mayno.

Iskuka lsoonidu waxay inoo tahay hadaf iyo astaan, heesaa soomaaliyeed ayaa ku heesay .

Dalkeena hooyo anagaa u heegana

Anagow hanuunsan horumarkiisa

Howsha maanta waa horukicii berito

Hawshoon ogaano dadkoo is haysta

Oo hal ahaadaa lagu hodmaa

Dadkaa hayaamee hawada aaday

Hagarla,aan bay ku hirgaleen.

Marka laga hadlayo horumarka shacbi kasta uu kutalaabsaday waxaa astaan u ah dad yar oo u fikiray inay dalkooda iyo dadkooda gaarsiiyaan horumar dhinac kasta ah, waxaanna tusaalle usoo qaadan karnaa dalka Malaysiya oo ah dal ku talaabsaday horumar aad u wanaagsan.

Intaanan tusaalaha gelin waxaa haboon in aan is weydiino horumarka muxuu ku imaankaraa?

Dabcan waa su`aal aad u wanaagsan in lays waydiiyo. Wadan wuxuu ku hormaraa markii dadkiisu ay jecelyihiin oo ay ka shaqeeynayaan waxna gelinayaan, ee ayan dhaqaalihiisa afka uwada dhiganayn, madaxdu inay wax cunto oo lunsato iyaga iyo kuwa ku hareereysan waxay horseedaa in qof kasta hamiyo inuu madax noqdo si uu isna jeebka u buuxsado.

Haddaba waxaa inala gudboon inaan qaadano xikmadda uu marar badan isticmaalay ra`isalwasaarihii hore ee dalka maleysiya Dr- mahathir Maxamed oo ahayd xikmad uu kala soo dhexbaxay qur`aanka waxaana uu yiri (dadka muslimiinta ah way ducaystaan laakiin waxay halmaameen inaan xaalkooda illaahay bedelayn hadaaney iyagu isbadalin).

Hadaan usoo noqono tusaalooyinkii ay ku hormartay Malaysiya waxaan ka xusi karnaa sagaalkan qodob ee soo socda:-

•  In la dhiso ummad Malaysiyaan ah oo wadaagta dareen iyo aragti kuna dhisan nabad dhaxdeeda ah iskuna duuban wada nool, dalka horuumarkiisana kawada qaybqaata, daacadna u,ah.

•  In la abuuro bulsho malaysiyaan ah oo xor ah hormarsan, nafteedana kalsooni buuxda ku qabta kuna faanta waxay tahay iyo waxay guddo.

•  Inaynu abuurno bulsho dimuquraadi ah oo wada tashi wax ku goosata madax banaan oo ka duulaysa maslaxada Malaysia cidna (copy) ka ahayn tusaalena u noqota wadamo badan oo horumar doonaya .

•  Waa inaan helno bulsho Malaysi ah oo leh darajada ugu saraysa xagga qabsashada diinta iyo dhaqanka wanaagsan.

•  Waa inaan abuurno bulsho Malaysiyaan ah oo xoriyad kuwada noolaata iyo nabad iyadoo mid kastaa diintiisa iyo dhaqankiisa uu haysto hadana wada leh wadanka oo uwada tirsan .

•  Inaan abuurno bulsho cilmiga iyo sancada ku horaysa oo horay fiirinaysa oo ah bulsho technlogiyada isticmaasha suuqyada caalamkana wax ku darta kaalina ka qaadata hal-abuurna leh.

•  Dhisidda mujtamac isku xiran qoys ahaan iyo bulsho ahaan oo is daryeela oo maslaxadda guud ka hormariya midda gaarka ah oo ku dadaala nolol wanaagsan ee qofkastaa helo.

•  Tan sideedaad waa abuuridda mujtamac cadaalad leh oo si cadaalada dhaqaalaha u qaybsada si wada jirana ugu siman horumarinta dhaqaale kana wada qaybqaata .

•  Abuuridda bulsho malaysiyaan ah oo nololwanaagsan, dhaqaale tartan ku jira fir fircooni iyo ka qayb qaadasho aduunka la leh.

Bal aan yara milicsanno dalka Maleeysiya waxa uu xornimo qaatay 1957 waxayna ku talaabsadeen horumar la taaban karo. Soomaaliyana waxay xornimoqaadatay 1960 waxaynaga horeysay sadex sano laakiin waxaa ufekeray dadkii maamulayey oo u horseeday wanaag aad ufarabadan gaarsiiyayna sharf iyo isku kalsooni sababtoo ah xikmad ayaa oraneysa (dadaalka keligii baa ah jidka liibaanta ) xikmad kalena waxay leedahay ( isku day dabadii bey guuli timaadaa) gabyaa Soomaaliyeed ayaa yiri (darajada ilaaheey nin dadaalay baa hela e) .

Ugu danbeyntii qof kasta oo Soomaali ah waxaa la gudboon in uu ku dadaalo ama tiigsado danta guud si, loo gaaro horumar wanaagsan oo la taaban karo inshaaAllaah.

Rabiga awoodda sare leh waxaan weydiisanaynaa inuu nagu manaysto maskax u fekerta dalka dadka iyo diinta.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2012