عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

hordhac xalaqadka sonka ee sh kashaka

13/9/2007

Waxaan kaqabanay Shiikh Maxamed Shiikh Axmed(kashka) mu xaadarooyin ku saabsan bisha barakeysan ee ramadaan oo aan ugu talagalnay akhrista yaasheenu in ay nagala faa iideystaan balse intaanan soo gudbin muxaadarooyinka bal aan Shiikha idin barno.

Sh.Maxamed Sh. Axmed kashka

Waxaa uu ku dhashay gobalka shabeelada hoose magaalada marka sanadku mar kuu ahaa 1965

Shiikhu qur`aanka yaraantii ayuu ku soo xifdiyay isla gobalka shabeelada hoose kadibna waxaa uu u soo wareegay magaalada Muqdisho isagoo xalaqaadkii masaajiida aad wax uga bartay dabadeedna waxaa uu galay dugsigii la dhihi jiray Shiikh suufi waxaana uu dugsiga sare waxa uu sheekhu kabaxay 1988

Shiikha uma suura gelin isla markii in uu jaamacad helo laakiin waxaa uu nasiib u yeeshay in uu kamid noqdo arday dii ka faaiideysatay jaamacada muqdisho markii lafuray sanadkii burburkii kadib waxaana uu shiikhu kaqalin jabiyay jaamacada muqdish qeybta shareecada iyo qaanuunka sanadkii 2002dii

Sheekh maxamed Shiikh Axmed kashka waxa uu wax ka bartay xagga xalaqaadka masaajiida culimada ay ka mid yihiin .

Sheekh Maxamed macalin xasan

Sheekh C/laahi minhaaj

Sheekh Maxamed guud

Sheekh Abiikar sheekh xuseen goleey

Sheeklh Aadan sheekh C/laahi cali

Dr. ibraahim dasuuqi

Iyo culima kale oo farabadan

Sheekh Maxamed Sheekh Axmed kashka waxaa uu kamidyahay culimada Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda aad looga yaqaan waxaana uu wax ka akhriyaa masaajida ugu waaweyn magaalada Muqdisho sida masjidka lagu magacaabo masjidu taqwaa ee ku yaala buula xuubeey.

Sheekh kashka waxa uu maalin dhaweyd ku soo gabagabeeyey masjidka taqwaa kitaabka saxiixul bukhaari iyadoo loo sameeyey xaflad aad uweyn oo lagu maamuusayey soo gabagabaynta kitaabkaas.

Hadaba waxaad nala sugtaan waa muxaadarooyinkii Shiikha oo si xalaqaad ah aan idiin ku soo gudbin doono in sha`Allaah.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008