عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

HOGAAN SAXAN IYO HAGAR LA`AAN BULSHO

9/9/2007

Taariikhdu waxay nabartay in waxa bulshada inteeda badan doonayso yihiin wixii wanaagsan dana u ah bulshadaas iyada ah oo ay u baahanyihiin.

Bulsha kasta oo dunidan aan ku noolnaha dacaladeeda joogtaana waxaa lagama maarmaan u ah in ay heshaa hogaan dacad ah si sax ahna u dhismay dabadeedna u horseeda horuukac iyo wax wada qabsi waayoo bulsho aan hogaan wanaagsan lahayn magaadho guulo waaweyn sidoo kale hogaan aan heysan bulsho hagar la`aan ah isna magaaro guulo.

Hadaba si loogaaro huruukac iyo wanaag waxaa haboo in hogaanka hadba cidii Allah qadaro in ay bulshada u qabato in laga helo sifaadka soo socda:

•  ikhlaas iyo daacadnimo

•  talo wanaagsan iyo afkaartoosan

•  cadaalad iyo nin jeclaysi la`aan

•  khibrad iyo xilkasnimo

•  latashi iyo tala qaadasho

waxaan la soconaa hogaankii Nabi Mmuxamad N.N.K.H siduu ahaa iyo sidii asxaabtiisu ugu sinaayeen oo ninwalbaa aamin sanaa in uu isaga dadka ugu jecelyahay hadii ay wada fadhiyaana uu nin walba lahaa adiga ayuu warkaaga aad u dhagaysanayay.

Sidookale waxaan la wada saconaa khulafaa`u raashidiin iyo hogaankoodii toosnaa oo uu ugu horeeyay sayidnaa Abuubakar oo aan wada ogsoonahay markii loo doortay hogaaminta ummadii islaamka iyo khudbadii uu jeediyay oo uu ku muujinayay sifaadka hogaamintiisu yeelan doonto isagoo ummaddii islaamka kacodsaday in ay uga danbeeyaan wixii uu Allaah ku adeeco ee go`aano ah waxaana uu ka cafiyay ummadda wixii gef ah ee kadhaca eego`aano ah.

sidookale waxaan la soconaa cumar markuu qabtay hogaankii islaamka waxaa uu yiri isgoo muujinaya dareen ka uu dareensanyahay mas`uuliyadda uu xanbaarsanyahay waxaa uuyiri (ciraaq hadii daabadi ku kufto aniga ayaa la I weydiinayaa) halkaa waxaa inooga cad in sifooyinka hogaamineed ee ay lahayeen aan laheleyn maalmahaan laakiin waxaa uun la doonayaa in kudayasho lamuujiyo.

Sidookale waxaa lagama maarmaan ah oo hogaan umadeed cidii qabata laga doonayaa in ay lahaadaan ka warqab dhab ah ee ay ka war qabaan ummadda ay hogaanka u hayaan waana in ka war qabkaasi qorshe ku socdaa, waxaa laga yaabaa in hogaamiyaha wanaagsan uu cid isga ka wakiil ah u xilsaaro ka war qabka umada uu isagu madaxda u yahay isaguna ku e kaado in uu ruuxaas uun ka dhagaysto warbixin.

Ha yeeshee waxaa dhicikarta in uusan sidii ugu haboonayd ugudan howsha loo igmaday amaba uu hogaanka sare ugudbiyo waxyaabo xaqiiqda jirta ka duwan sidaasna uu hogaanku ku noolaado wax u eg riyo waayoo xaqiiqdii jirtay kama warqabo.

Waxaa lagu gartaa hogaanka raashidka ah sifooyinka soo socda:

•  in uu yahay hogaan ka digtoon in waxwalba oo khilaaf ah ama mushkilaad ah in aysan gaarin meel aan laga soo celin karayn.

•  waa kan ku ku jaangooya go`aanadiisa sharciyada iyo nidaamka.

•  waa in uu ku qanacsanaadaa in uu gafayo saxayana.

Iyo sifooyin kale oo farabadan.

Hadaba waxaa lagama maarmaan ah in la ogaado in madaxdu u baahantahay garab iyo taageero ku dhisan diin iyo wadaniyad, ikhlaas iyo hufnaan, daacadnimo iyo damiir saafiya.

Hogaankana wanaagsana waxaa lagu yaqaan intaa aanu soo sheegnay oo lagu daray dareen sareeya ee uu dareensan yahay masuuliyada uu hayo iyo garasho uu garanayo xajmiga ay leedahay masuuliyadaasi.

Waxaa la dhihikaraa hadii la helo intaa iyo inkabadan ee xagga wanaaga ah majireyso sabab keenta hakasho laga hakado horuukac iyo dhismo dal iyo dad aayatiin leh iyo in aan tiigsanaa wadamada horuumaray aana ku fikarnaa hogaan iyo bulshaba sidii aan ugaari lahayn heerarka ay gaareen wadamadaas horuumaray inagoo tusaalo kadhiganayna xikmadii carbeed ee ahayd.

الإنجازات العظيمة تبدأ بالبسيط

Oo ka dhigan: ( horuumar weyn ee umadi gaadho wuxuu kabilowday waxyar)

Sidoo kale suugaan yahay Soomaaliyeedbaa ku cabiray suugaan tiisa arinkaa waxaana uu yiri sedan:

Umadaa hortiiniyo hareerihiina socotaa

Heeganoo cadaawaha bada ku hafinaysoon

Hakanaynin eegoo hilinka noohagaajiya horuukac iyo heersare u horseda umadaan

Gabagabadii waxaan oran karnaa umad walba oo horuumar gaartaa waxa ay heshay hogaan suuban oo sifaadkii lagu yaqaanay hogaanka suuban laga helay, bulshaduna hagaagsan tahay hagarna aanay aqoon.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2007