Dal dadkiisa ayaa dhisa
4/3/2007
Waxaana loo la jeedaa dhisma xaqiiqo ah ee maaha oo kaliya in
la taago dhismooyin dhaa dheer oo kaliya ee waa dhismaha dal iyo
dad xadaarad iyo ilbaxnimo leh, waxaana soo wada galaya:
1. dhismaha magaalooyinka iyo bilicdooda
2. dhismaha adeegyada bulshada iyo wax u qabadka iyo horuumarinta
wadaniga soomaaliyeed
3. dhismaha xagga waxbarashada iyo kordhinta aqoonta
4. dhismaha dhaqaalaha iyo horuumarinta ganacsiga iyo dhammaan
wixii dadka iyo dalka wax u taraya.
Dadka loo jeedaana waa kuwa ku fakara caqliga fayow Allena ku
manaystay cilmi wax anfaca uguna deeqay damiir nool.
Hadaba haddii aynu soo qaadano dhismaha magaalooyinka iyo horumarinta
bilicdooda iyo dhisidda xadaarad iyo ilbaxnimo waxaa laga yaabaa
in ay cid aan wadaniyadu ku waynayn ka samayso dhismooyin ama
ay hagaajisaa bilicda magalo ama ka fulisaa mashaariic wadanka,
laakin waa in aynu eegnaa cidaasi u jeedada ay u samaynayso arinkaa,
waxaa dhici karta in ay u samaynayso mashruuc ahaan ay ku doonayso
in ay uga faaiidaysato si kumeel gaar ah oo uu qofkaasi ku fakarayo
maalmo ama uu ku doonayo badal degdeg ah, sida in uu ku qaato
mashruucaas in ka badan intuu geliyay mashruucaas isaga ah ee
aanuu ka lahayn qiimo wadani ah .
Hadaba dhismaha la doonayaa ee xaqiiqiga ah waa
kan ugu horeyntiiba aan ku salaysnayn hadaf gaaban oo ah maanta
wax ku hel, waana in uu hadafkiisu yahay dalkaagu horumar ha gaaro
oo dadkaagu ha isku filnaadeen oo dunidu ha u soo dalxiis tagto,
dadka duniduna ha jecleysteen in ay wax la qabsadaan wadankaaga.
Hadaba aynu ogaano wadanigu waa ninka sidaa u fakara kana run
sheega oo ficil ku dara fakarka quruxsan, maxaa yeelay way dhacdaa
in lahelo cid fakarkeedu wanaagsanyahay laakiin aan fulintiisa
lagu hayn.
Markan u soo gudubno dhismaha adeegyada bulshada iyo hor u marinteedaba
waxaynu oran karnaa waxaa lagama maarmaan ah in la helo dad u
fakaraya dalkooda iyo dadkooda una diyaarsan in ay wax u qabtaan
daacadna u ah damiirkooduna u diidayo in ay wax is dib mariyaan,
waana kuwa danta guud hormariyaan tan gaarka ahna dib mariyaan,
dadaalkooduna yahay dalkiina iyo dadkiina wax tara dugsiyana u
dhisa dadaal xagga caafimaadka ah u day daya, dayactira wadooyinka
daacadnima dusha urita dadaalkana ha joojina.
Sidookale dhismaha xagga tacliinta waxaa umad walba
wax noqotaa ama horumar gaartaa markay helaan aqoon iyo wadaniyad
is wata, waayo waxaa la ogaaday aqoon wadaniyad la`aan ah in aysan
waxba tarin, maxaa yeelay sifooyinkii looga baahnaa ee dal iyo
dad wax loogu qaban lahaa way ka maqan yihiin qofka aan wadaniyadu
ku waynayn oo damiirkiisu uusan wanaag ku hagayn oo danta gaarka
ah iyo tan guud aysan u kala soocnayn.
Hadaba maxey tahay dhismaha xaga taclinta ladoonayo?
Waxaa la oran karaa tacliinta la doonayaa waa in ay tahay marka
horeba tacliin ku socota qorsha adag oo aad looga baaraan degay
loona qorsheeyay in ay noqoto tacliin loogu talagalay in wadan
lagu dhiso laguna horumariyo laguna saleyay baahida dalka iyo
dadkaba si loo helo tacliin dhameystiran isuna dheeli tiran.
Dhanka kale dhismaha dhaqaale iyo hurumarinta ganacsi
waxay ku imaan kartaa in la helo dad u diyaarsan suuragelinta
arimahaas haddii ay tahay aqoon iyo hadii ay tahay wadaniyad iyo
damiirba, dabadeedna waa in la helaa qorshe lageliyay fakir qota
dheer iyo maskax badan kuna salaysan mudooyin xadidan oo joogsiyo
ah si loo qiimeeyo muda walba wixii fulay iyo wixii fuli waayay,
islamarkana laga faaiideystaa tajaaribta la soo maray.
Sidoo kale, waa in la helaa ka faa`iidaysi khibradaha mashaariic
horay u guuleysatay dibad iyo gudaba.
Isku soo wada duuboo, waxaa xaqiiq ah erayga ah {dal dadkiisa
ayaa dhisa} waase in la helaa dad isku darsaday sifooyinka ah;
damiirfayow iyo wadaniyad adag iyo aqoon iyo qorshe qota dheer
kuna qotoma cilmi iyo caqli dheer.
Lasoco qeybta 2aad...