Dagaal waa damac doqoneed
15/10/2007
Marka aan sharaxyar ka bixino dagaalku waa iska hor imaad dhexmara labo qof,kooxo, beelo, ama dowlado kaasoo ka dhasha kala duwanaansha aragtiyo iyo dano siyaasadeed dhaqaale bulsho iyo dhaqan.
Haddaba Soomalidu iyagoo mudda dheer dagaalo sokeeye kujiray oo kasoo qaatay duruus kufilan xagga dhibaatooyinka ka dhasha dagaalada maxaa kalifaya in ay marwalba isu gu goodiyaan dagaal iyo gacan kahadal?.
Waxaan oran karnaa sikooban markaan uga jawaabno waa damiirwadaniyadeed oo la waayay iyo damac shakhsi ah oo ku weynaaday maskaxda ruuxa Soomaliga ah ookaliya.
Soomaalidu waxay ku maah maahdaa (dagaal wiilbaa ku dhinta ee wiilkuma dhasho) waa sax hadii uu ogaan lahaa kan dagaalamaya dhibaatada ka danbeysa dagaalka maba dagaalameen.
Sidookale waxaa iyan wax aad loola yaaba noqotay Soomalidu markay dagaalgalayaan waxay iska iloobeen dhaqamadii iyo caadooyinkii lagu yaqaanay Soomaalida tusaale hadii aan soo qadano, Soomaalidii hore dagaalada waxbay ilaalin jireen oo la, oranjiray biri-mageydo ereyga biri mageydo siyaabo kalena waa loo yiraahdaa sida xushmadleyda, xumaha ka reeban,& lamataabtaan , ama lama dilaan.
Soomaalidu dagaalo way ka dhaxdhici jireen sababauhu waxay doonaan ha noqdeene ha yeeshee waxay marwalba dareensanaayeen in ay yihiin dad aan is hureynin oo aan kala maarmi Karin iyo in dagaal walba mudo kasta ha qaato heerkastana ha gaaree nabadi ka danbeyndoonto sidaas darteed waxay iska ilaalin jireen in dagaalada lagu talaxtago oo lagaarsiiyo heer lagu kala calool go,o oo aan berito laga heshiin Karin lagana soo ceshan Karin xiriirkii sokeeyanimo, qaraabo iyo darisnimo ee dadka u dhaxeeyey mark i la dagaalamo waxbaa la isku la hari jiray waxaana jiray waxyaabo laga sariigto ama laga xishoodo sida uu ku tilmaamay halyay gii Soomaaliyeed Sayid maxamed C/le xasan beydkan soo socda(maandhow asxaan lagamatago eed hadaad geliye).
Sidookale maah maah Soomaaliyeed baa ahayd (gobi geed magoyso haday goysana gunta kama jarto).
qormadaan aynu uga hadleyno dagaal waa damaca doqonta waa yoo ruuxii garan waaya in uu dagaa iska daayo waxaa kuu cad in uusan awoodi karayn in uu ilaaliyo dhaqamada iyo caadooyinka dagaalka dabcan Soomaalidii hore waxay taqaanay wax la yiraahdo xarago dirir oo waxaa marwalba leyska eegi jiray ama la,iska ilaalin jiray biri mageydada oo waxay ahayd in la taabto ceeb.
waxayna kala yihiin birimageydada sida soo socota culimada, duubabka, odayaasha, dumarka, caruurta, maganta, martida, safarka, maxaabiista, xididka, geesiga dagaalka lagu qabto guryaha gelistoodana ceeb bey ahayd .
dagaalka waxaa hogaamin jiray abaan duulela soo xushay oo leysku raacsan yahay bal aan abaandulahaan tala uu bixinayo aan aragno wuxuuna yiri sidatan.
sidii xeerka soomaalidu ahaan jiray yaan laga gudbin marnaba tolkeen yaan ceeb loo soo duwin xishood iyo gobanimo ku dirira nin cadawgeena ah ee aan biri mageydo ahayn yaan labixinin maatida, sida haweenka, caruurta, waayeelka, tabarta daran yaan ladilin culimada diinta ilaaheey dartii uraran yaan lataaban dadka col mooga ah oo aan dagaalka kujirin ka leexda dhaawaceena yaan lagatagin ee halagu dhaawac diriro.
dhaawaca cadawgeena yaan la,israacinin ee halaga tago hebel iyo hebel hadii nolol ama dhaawac lagu qabto yaan la dilin ee abaanduulaha halagu soo simo ninka colkeena kamid ahi ninka uu ku hagoogto ama nin inaga mid ah magaciisa sheegta ee magangala hala dhaafo oo yaan ladilin gurya ha gelina waxa hoosyaalana ha eegina laakiin biyo cabida mareebana.
qodobadan dar daaranka ah waxay ahaayeen talooyin uu bixiyey abaan duula Soomali ah, runtii inkastoo uusan wanaagsaneen dagaal hadana waxa uu bixiyey talooyin aad u wanaagsan dadka hada dagaalamayana hadii ay fahmi lahaayeen weyba iska dhaafi lahaayeen.
suugaanta Soomaaliyeed ee faraha badan ee la xiriirta dhiirigelinta nabada iyo ka digida khasaaraha colaada waxaa ka mid ah oraahyada iyo gabayada soo socda.
hadagaalin maad raydo reerkaaga waaye waqtigii lagaaraayana ruuxaaga waaye.
Waxaa kale oo Soomalidu tiara: Ciil beel ciil unbey dhashaan Rag gogashii waa godob la,aan
sow godobi surinkaad martaba sabab qarsoon maaha
sownabadi sahaydaada ood sidatid uunmaaha
nabadaa naas la nuuga leh hadii aan lakala roonaanin roob ma,da o
waxaa hubanti ah hadii dagaalka la joojiyo ama leyska dhaafo in la helayo nabad waarta inshaa alaah.
Wabilaahi towfiiq