Dadka rukhsada Allah bixiyo soonka helay ee afurikara malinta soon
26/9/2007
Soonku waa waajib lagamana tagi karo hadii aan lahelin sababaha soo socda:
Soonka waxaa asal ah in qof walba oo shuruudii soonka laga helay soomaa laakiin waxaa jiro asbaaba keena in uu qofku iska afuro isagoo rukhsad ka heysta Allaah waxaana ka mid ah:
jirada xanuunkeedu siyaadayo ama cafimaadka qofku dib udhacayo arintaan waxaa loo cuskanayaa qofku wax uu isku ogyahay ama dhaqtar muslim ah uu faray.
safarkasta oo gaaraayo 81Km. waa in uusan safarkiisa macsi aheyn haduu macsi noqdo sida:naag carootay sababtaa ma afuri karto.
qofka jiran iyo kan masaafurka ahba hadey soomaaan waa ka ansaxayaa laakiin waxaa haboon in aysan naftooda dhibin qaataana rukhsadda Allaah.
haweeneyda nuujinayso iyo tan uurka leh, haweeneyda uurka leh hadey nafteeda u cabsato ama canuga way afuraysaa sidookale tan ilmaha nuujineysaana waa lamid.
soo guditaank labadaa nuuc ee haweenka ah culmadu way isku khilaaftay qaarkood soo gudid kaliya ayey waa jibiyeen.
Qaarkoodna soo gudid iyo fidyo ayay waajibiyeen, waxeyna isku waafasan yihiin in ay soo gudid waajibtahay.
waayeel nimo.
Hadii qofka da`diisu waynaato kuna dhibaatoonayo soonka waxaa u banaan in uu iska afuro maalin walbana uu dhiibo hal qof raashiinkiisa sedaxda waqti ee wax la cuno maalintii.
waxaa ka mid ah dadka rukhsada Allaah helay qofka jiran jira aan dawo laheyn waana afuri fidya ayuna bixin.
gaajo iyo oon sababi kara qofku in uu dhinto ama miir beelo culumaduna way isku waafaqsanyihiin hadii uu fursad helo in uu soo gudo fidyona malahan.
duulaan iyo dagaal hadii qofku ogaado in cadaw uu la kulmayo waa afurayaa {fiisabiililaahi}kan qabiilka maya waana soo gudayaa markuu ka noqdo jihaadka.
caado iyo dhiig umuleed waxaa haweenka laga dalbaa markey ka timaado dowrada bisha ama ay dhasho in ay katakto soonka waana soo gudeysaa goorkey doonto ilaa soonka soo socdo.
Hadaba dadka rukhsada Allaah helay in ay iska afuraan hadii geeri kutimaado iyagoo aan Pili soonki gudin maxaa laga yeelayaa?
Arinta kowaad ee la sameynayo waain la baaraa in uu soomaray qofka geerida kahor waqti ay ku gudi kartay aysana gudin waa laga soomaa ama fidyaa laga diva, hadeysan fursad helina sida in jiradii ay ku dhimato ama safarki waxba laguma rabo.