عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Caddayn Mowqif

26/1/2008

Waxaa beryahan danbe ay baahinayeen qaar ka mid ah saxaafaddu in Xarakada Islaax hogaankeedii la bedelay. Aragtideeda ku aadan xalinta dhibaatada Soomaaliyeedna wax iska bedeleen.

Waxaan halkan ku cadaynaynaa inaysan jirin isbedel lagu sameeyey hogaanka iyo aragtida midnaba, waxaase jira dad magaca Xarakada ku been abuurtay oo doonaya inay khaldaan bulshoweynta Soomaaliyeed, kana faafiyaan xarakada wax aan jirin si ay sumcadeeda wax ugu dhimaan.

Sidaasi daraadeed Xarakadu waxay halkan ku cadaynaysaaa in dadka warkaasi faafiyey aysan xarakada ka mid ahayn afkeedana aysan ku hadli karin, sanado ka horna ururka laga saaray kadib markii ay khilaafeen nidaamka ururka iyo aragtidiisa, wax allaala iyo wixii dadkaasi ka soo baxa oo hadal ama ficil ahna aysan xarakadu masuul ka ahayn shaqona ku lahayn.

Dadkaasina waxaa ka mid ah:-

•  Sh. Cismaan Ibraahim Axmed

•  Sh. Nuur Baaruud Gurxan

•  C/kariim Xuseen Guuleed

•  Cabdi Maxamed Abtidoon

•  Sh. C/qaadir Maxamed Kutub

•  Dr. Maxamed Cali Ibraahim

•  Maxamed Axmed Sh Cali (Doodishe)

Xarakadu waxay ku socotaa dariiqeedii ahaa u adeegida shacbigeeda dhibaataysan haday ahaan lahayd xag waxbarasho, xag caafimaad, xag kaalmayn dadka dhibaataysan IWM, waxayna rumaysantahay in dhibaatada Soomaaliyeed lagu xalliyo wadahadal iyo dibuheshiisiin lana joojiyo colaad kasta oo Soomaalida dhexdeeda ah.

Xarakadu waxay masuul ka tahay oo qura wixii ka soo baxa Majaalisteeda la yaqaan, waxayna leedahay webside aragtideeda ka turjuma, qofkii doonana uu ka heli karo macluumadka saxda ah ee uruka, websidekaasi waa: www.islaax.org .

Ugu danbayn Xarakadu waxay ugu baaqaysaa shacbiga Soomaaliyeed ee samaha jecel inaysan ku kadsoomin waxyaabaha ay dadkaasi ururka ka faafinayaan.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008