عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

 

BARYA SHISHEEYE QARAN KUMA DHISMO

12/8/2007

Ayaamahan danbe dadka qaarkiis waxay caadaysteen in ay sameeyaan waxyaabo qofka sharaftiisa wax udhimi kara, taasina waxaan tusaale usoo qaadan karnaa (baryada) ama shaxaadka. Baryaduna waa wax laga yaxyaxo sidoo kale waxaan wanaagsanayn in qofka lagu tilmaamo mashaqayste ama ruux aad u yaqaana baryada, ama shaxaadka.

Markaan fiirino diinta Islaamkuna waxay inta badan amaantaa shaqada iyo wax qabsiga sida ku cad xadiiska Rasuulka N.N.K.H

لأن يحتطب أحدكم حزمة على ظهره خير له من أن يسأل أحدا فيعطيه أو يمنعه .متفق عليه

Qofkiin in uu sooqorya gurto و xirmo qorya ahna dusha ku keensado ayaa uga kheyrbadan in uu qof wax weydiisto ha siiyo ama ha`u diidee .

Waad arkaysaan labaduba amaan malaha in lagu siiyo iyo in laguu diido, meesha laga amaanay in aad qoryo soogurato ee weliba aad dusha ku soo xamaasho taasoo ladhihi karo waa heerka ugu hooseeya shaqo & waxqabsi, waxay kawanaagsantahay kana kheyrbadantahay waxbadan oo aad shaxaad ama baryo ku hesho.

Sidaasi darted, waxaan halkaa ka fahmaynaa in islaamku aad u amaanay in la noqdo wax soo saarayaal ee aan la noqon tuugsadayaal kaliya ama dad wax barya uun.

Waxaana maalmahaan danbe la arkaa dad howshooda ku soo koobay kuna qanacsan waxa looyaqaan shaxaadka haba kala duwanaato duruuftooduye, oo u shaxaad taga ciddii uu is yiraahdo waxbaad ka helaysaa, taasoo la dhihi karo qofkaasi sharaftiisii iyo in uu ku dadaalo shaqo iyo waxsoosaar ayuu dhaafsaday shaxaad iyo baryada dadka.

Hadaba, markaan fiirino maqaalkeenaan ah (barya shisheeye qaran kuma dhismo) waxaa laga fahmikaraa Qaran idili in uusan ku dhismi karin baryo mar haddii uu qof kaligii ah baryo khayr ku gaariwaayay!!

Taasina waxaa daliil kaaga filan Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (biyo sacabadaada ayaa looga dhergaa)

Haddaba umadda Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan waa in ay dib u jaleecaan erayadan uu tiriyay abwaan Soomaaliyeed ee uu leeyahay Soomaalidu miyaaney ogayn:

in dhulkoodu ganiyahay

oo dhirtiisu lacagtahay

dhoobantahay dhaxdiisana

tamar aandhamaaneyn

dhabahoodu nabad yahay

dhiiridoodu dhaxal tahay

dhiidhintoodii kaligeed

dhaartaye ka dhiman tahay

(waxaa kadhiman ookaliya in ay dadka Soomaalida ah kadhiidhiyaan dhibaatada wadankooda ka jirta ee waxba aysan uga baahnay shisheeye)

Hadaba dadka Soomaalida ah maxaa ka hortaagan in ay waxyaabahaas oo dhan ku jeediyaan indhahooda kana jeestaan shaxaad iyo shisheeye ay wax ka sugaan, kana fakaraan siday kheyraadkaasi ugala soo bixi lahayeen dhulkooda ugana kaaftoomi lahaayeen gacan shisheeye si ay u gaaraan danahooda.

Soomaaliduna waxaytiraahdaa (quudkiisa hanta qaraarkiisa gaara)

Hadaba si aan u noqonno ummad jirta ileen aduun waan ka harnaye aan u soojeesano waxqabsasho & waxwadaqabsi ku dhisan is ixtiraam istixgelin iskaalmeysi, si loogu guulaysto kusoo dabaalida dalkeena nabad barwaaqo iyo guul.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008