Al qadaayaa al islaamiya
Hor dhac ama arrar
21/12/2008
Qadaayaadka islaamaku way fara badanyihiin awqaad kala duwana way leeyihiin oo qadiyadba maalinteeda ayay taagantahay oo ay noqotaa qadiyada casrigaas ama waqtigaas
Hadaba qadiyada aanu doonayno in aanu ka hadalnaa waa qadiyada ay ugu yeereen
(Xoraynta haweenka). قضية تحرير المرأة
Kalimada Xuriya waa kalimad aad u macaan naf kastaana jeceshahay, qiima aad u weyna ku fadhida, waxayna adkaynaysaa insaaniyada insaanka.
sidaa darted wax layaab ah maaha in cid walbaa raadiso, iyadoo ku bixinaysa waxkasataa qaaliya iyo raqiis.
Islaamkuna waxaaba uu u yimid ilaalinta xuriyaadka iyo difaaceedaba, haweenkana islaamku wuu xureeyay, waxaana uu ka xureeyay duligii iyo darawgii ay ku noolaan jireen islaamka hortii, cusuurtii jaahiliga.
islaamku waxaa uu gaarsiiyay haweenka sharaf iyo cizi iyo karaamo, iyadoo hooya ah ama wallaal ah ama xaas ah ama ubad ah.
Waxaanu ognahay islaamku qiimaha uu siiyay haweenka, waxaanu ognahay in uu takaaliifta iyo mashruucaadka Allaah jideeyay si isku mid ah ay lab iyo dhadigba ugu wajahanyihiin.
Islaamkuna sidiisaba waxaa uu u yimid in uu ka saaro dhamaan dadka adoon u noqosho wax aan Allaah ka ahayn.
Hadaba dhawaaqyada soo baxay ee ah xoraynta haweenka waxaa ay u socdaan wax aan ku haboonayn haweenka naftooda kuna aysan gaarayn qiimayn kawanaagsan tii islaamku siiyay. lakiin waxaa laga yaabaa in kalimadaa macaan ee ah ( xuriya) lagu dagmaa .
Hadaba qormada soosocota ayaan waxaan uga hadli doonaa dhawaaqyada sooyeeray ee xuraynta haweenka iyo waxa ay u jeedaanba, haduu Allaha awooda weyn lihi ogolaado
lasoco Q1aad