عربي
BOGGA HORE
WARBIXINO & DARAASAAD
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Magaalada zaylac

6/10/2008

Waa asalka ilbaxnimada iyo aqoonta Soomaaliyeed gaar ahaan iyo bariga afrika guud ahaan waana al baaba koofurbari ee umadaha muslimiinta ah waana dariiqii islaamku ka gudbay ee afrika laga gaarsiin jiray islaamka magaalada zaylac waxay leedahay sharaf iyo maamuus aan la iloobi Karin ayna ku dhax leedahay quluubta umada Soomaaliyeed iyo guud ahaan muslimiinta.

Magaalada zaylac waxay ahayd caasimadii boqortooyooyinkii todobada ahaa ee loo yaqaanay dowladihii nuuca islaamiga ahaa ee todobada ahaa waxaa ka soobaxay culima waawayn oo caan ah oo laga yaqaanay caalmaka islaamka oo dhan sida sheikh c/laahi al zaylaci iyo culima kale oo dawr aad u muhiima ku leh dhisida ilbaxnimada umadaha muslimiinta ah.

Magaalada zaylac dhagaxdhigeedii u horeeyay iyo xadaaradeeda waxaa kajira khilaaf laakiin waxaan la isku khilaafsanayn dhawr arimood oo kala ah:

•  in xadaarada iyo ilbaxnimada zaylac in ay lasoo bilaabmatay bilowgii islaamka marki ay soo gaareen asxaabtii usoo hijroodeen dhulkii xabshada qaybtoodii kowad iyo labaad ee qarnigii 1aade hijriga.

•  waxaa ku jaala magaalada zaylac masjidkii ugu horeeyay afrika masjidlaga dhiso waxaana loo yaqaanaa masjidkaa masjidkii labada qiblo, taasoo cadayn u ah in magaalada zaylac ahayd mid jirtay intaan qiblada laga soo badalain masjid al aqsaa makana aan loo soo badalin .

•  magaalada zaylac waxaa yimaadeen culimadii islaamka in badan oo kamid ah sida Qalqashandi, Maqriizi, Ibnu baduuda, iyo kuwa kale.

Magaalada zaylac iyo turaathkii aqoonta iyo thaqaafada ee culimadii zaylac maysan ka helin xaqoodi xaga habaynata iyo nidaaminta iyo daryeelka si looga dhowro in ay sahal ku baa ba`do xadaaradaasi qaaliga ah kama aysan helin dadkii culimadii zaylac ku dhaafeen turaathkaa.

Waxaana wax laga xumaado ah in turaaskii ay ka tageen culimadii zaylac ee isugu jiray kutuba far guri ah oo nadir helitaankoodu yahay iyo turaas kale oo farabadan uu baa ba` noqdo.

Turaas kaasina waxaa la sheegaa in isticmaarkii reer galbeedka uu intiisii badnayd una qiimaha badnayd dhacay wax ilaaliyana muusan helin in kastoo UNESCO ay dalabtay dhawrjeer in la ilaaliyo turaaska magaalada zaylac lakiin laguma guulaysan.

Ahmiyada magalada zaylac ka qaacida islamiya & ka xarun ganacsi caalamiya

Waxay soo if baxday ahmiyada zaylac ka qaacida islamiya iyo ka markaz ganacsi caalamiya ahaan kuna yaala xeebaha Soomaaliya ahna iridka jaziirada Soomaliya xaga bada cas, magalada zaylac iyo magaalada hararna waxaa is ku xidha safaro xidhiidh ah, sidaa darted waxa lagama maarmaan noqotay si loo hirgeliyo siyaasadaha kooxda midawga dowladaha waqooyi iyo bariga afrika in lagu soodaro zaylac iyo inta raacsan midawgaa islaamigaah.

Sidaa darted ayaa masar waxaa ay wada hadal la gashay (BAAB AL CAALI) waa hogaankii sare ee khilaafadii islaamka oo xaruun tiisu ahayd markaa Ana dul (turkiya) waa yoo dhulka Soomalidu markaa waxaa uu hos imaanayay waaligii cusmaaniga ahaa ee fadhigiisu ahaa magaalada Xudayda, marka si loogu dhiibo maamulka zaylac iyo dhulka raacsan xukun ahaan ayay masaaridu wada hadal la gashay Suldaankii Cusmaaniga ahaa waana uu ogolaaday suldaakii in masaarida loo dhiibo maamulkii zaylac iyo maamul ahaa wixii raacsanaa iyo in ay dhiibto masaaridu sanadkii qiimo lacag ah oo gaaraysa 15000 liiradii cusmaaniyada ah sidaa ayuuna ku soosaaray suldaankii cusmaaniyada qaraar bishii luulyo 1875.

3 jamadutani 1292 sanadkii hijriga ayuu isna soo saaray Khadawii ismaaciilkii masaarida amar uu ku amrayo Ridwan bashaa in uu aado Zaylac si uu uga la wareego waaliga yaman ninka uu soo dirayo maamulka Zaylac iyo magaalooyinka raacsan, sidookale waxaa isna la amray ninka maamula bariga suudan iyo xeebaha badda cas in uu aado isaguna Zaylac si uu u soo kormeero wadooyinka iyo magaalooyinka xaaladeooda iyo waxa ay u baahanyihiin iyo ogaanshaha xaqiiqada dhab ta ah ee ka jirta magaalooyinkaa iyo in uu ka soo diyaariyo taqriir dhamaystiran xaaladaha guud ee aagaas.

Ku biiritaanka Zaylac ee maamulka masaarida waxay ahayd marxala aad ahmiyad ugu leh dacwada Islaamka iyo fulinta mashruucii midawga dowladaha islaamka iyo adeega xaga ganacsiga iyo hagaajinta cilaaqaatka wadamada islaamka, waxaa kale oo ay fursad u ahayd ladagaalanka ka ganacsiga is adoonsiga taasoo marsada ama dekada Zylac looga dhoofinjiray xagaa iyo yurubta.

Marsada Zaylac waxay ahayd mixwarka siyaasiga ah iyo kan dhaqaalaha ee dowladaha ku bahoobay kooxda koofurbari ee afrika, Zaylac waxay ay ku gaartay arinkaa oo idilna waxay ahayd maw qiceeda istaraa tiijiga ahaa iyo in ay tahay mid kamid ah irdaha muhiimka ah ee ganacsiga u dhaxeeya Soomaaliya iyo carabaha iyo guud ahaan bariga oo idil.

Zylac waxaa laga dhoofinjiray jiray hargaha nuucyadooda jediyeeyay iyo kuwa kale ee khaamka ah, sidookale waxaa laga dhoofi jiray luubaanta iyo baasha goroyada iyo ganacsi farabadan ookale.

Dhanka siyaasadana Zaylac waxaa ay ahayd Xarunta imaaradii la oran jiray (Cadal) waxayna qayb ka ahayd dawladii islaamka ee xooganayd ee loo yaqaanay (Awfaat) ee kajirtay mandiqada taas oo kulminaysay Soomaaliya, Carab, Danaaqila, iyo qaarkale oo reer aasiya ahaayeenba.

Xadaarada Zaylac way huruumartay waxayna gaartay in ay noqoto mid kaga soocan Xadaaradaha mandiqada quruxda guryaheeda iyo gidaaradeeda dhagxaanta ka samaysan taasoo ay dagaan dadka dhaqaalaha leh, waxaana kamid ah waxyaabaha cadayn u ah xadaaradi Zaylac ee wili baaqi ah Masjidka loo yaqaano (masjidka labada qiblo) iyo qubuurihii qaarka mid ah culimadii iyo ducaadii lagu yaqiin magaaladda Zaylac.

Wabilaahi towfiiq


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010