Yaa heli kara samir iyo dulqaad?
إنما يوفى الصابرون أجرهم بغير حساب صدق الله العظيم..
22/5/2008
Erayga dulqaadka wuxuu ka koobanyahay laba qeybood qeybta hore waa dul oo lagu macneeyo qeybta sare ee wax lagu xanbaaro iyo qeybta labaad oo ah qaad oo lamacna ah saar.
Hadaba dulqaadku waa u adkeysiga iyo usamirka dhibaatooyinka iyo tacadiyada dadka kale kuu geystaan af iyo adinba.
dhibaatooyinka afka laguugu geysto waxay noqonkaraan xan iskudir cay iyo wax yaaba kale oo aan u qalmin qofka iyadoo ujeedada laga leeyahay dul qaadka ama samirka ay noqoneyso in aan la kordhin dulmiga lagana gudbo waxa yaabahaasi oo idil.
dhinaca kale dulqaadku waa samir u yeelashada in lala noolaado lala dhaqmo laga dhax shaqeeyo dad kala dhaqan, kala dano, diin iyo af ah wiliba ruuxii dareensan mas`uuliyada ka saran xagga diintiisa waajib dheeraad ah ayaa ka saaran
dulqaadku ama samirku waa kan gaadhsiiya qofku in uu ka gaabsado kana samro wax yaabaha uga imaanaya dad yowga uu la noolyahay ruux walba ee doonaya in uu u istaago muhimad qiima badan leh wuu ka duwanyahay dadka intiisa kale.
Hadaba Ruuxii ka dhigata samirka dabeecad samahana suluugiisa ama hab dhaqankiisa dhabta ah sadaqadana sifa lagu yaqaano Ruuxaasi waxaa uu mutaysanayaa nolol sharaf leh iyo naxariis Rabi.
Sifadan samirka ama dulqaadka waxaanu wada og soonaha in ay tahay amar xag Rabaka yimid wiliba tusale ayuu na siinayaa Allaah marka uu amrayo Nabi Muxamed (NNKH) si aanu ugu dayano waxaana uu leeyahay Allaah (SW) waxaa uuna leeyahay:
فاصبر كما صبر أولوا العزم من الرسل صد ق الله العظيم سورة الأحقاف آية 35
Usamir sidii ay u samreen ku wii sugnaanta iyo niyadda u saaxiib ka ahaa een rasuula da ahaa.
Halkaa waxaanu ka qaadanaynaa qiimaha samirku leeyahay wiliba ruuxa xambaarsan Risaalo uu u leeyahay, oo ruux aan lahayn sifada samirka ama dulqaadka uusan ehel u noqonkarayn in uu qaadaa risaaladaa.
Samirku waa hiba Allaah uu bixiyo aadna qaali u ah Nabiguna (NNKH) waxaa uu leeyahay:
ما أعطي أحد عطاء خيرا وأوسع من الصبر. متفق عليه
Lama siin ruux siismo kakhayr badan kana balaaran samir
Hadaba waxaanu doonaynaa in aan uga hadalno qormooyinka soo socda nuucyada samirku leeyahay, majaalaadka samirka iyo faa ii dooyinka uuleeyahayba haduu Eebe idmo
LASOCO Q2