عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Allah halkaa markay maraysay yax yaa dhaha

Dr. Maxamed Xasan Nuur

17/12/2009

Nin soomaaliyeed oo reer baadiye ah ayay hal geel ah oo uu aad u jeclaa ka fakatay, isaga oo baadi goobaya hashii ayuu raadkeedii helay horay ayuuna u sii raacay, wax yar kadib ayuu jidkii uu hayay labo noqday, hashiina midkood ayay qaaday isna wuu sii raacay, waxoogaa kadib ayuu arkay raad libaax oo ku ladhan raadkii hasha markaas ayuu yidhi: “ Allah halkaa markay maraysay yax yaa dhaha ” si ay wada kale u qaado, illeen khatarta ayuu dareemayee, wax yar kadibna raqdeedii ayuu ka kor dhaadhacay.

Tusaalahaan waxaan ka wadaa inaan ku soo dhoweeyo marxalada murugada & naxdinta leh ee wadankeennu maanta maraayo, taas oo micnaheedu yahay in wadankeennu uu inta badan gacanteenna ku galay halis muuqata oo ay adag tahay in laga soo qabto haddii aan la caqliyaysanin, halistaas cid kasta ayay u muuqataa xitaa ha ahaadeen kuwa laga caqli badan yahay, marka laga reebo kuwa is dabaalinaya ee midabada badan.

Arinta soomaaliyeed heerar badan ayay soo martay, marar badan ayayna u baahnayd in yax la dhaho markii la dhihi waayayna dakhal ayay ku sii dhacaysay, taas oo dad badan oon waxba galabsanin salfanaysay, jilayaashuna ay wadaajo kaga dhaadhacayeen goobo badan oo ceebeedna ay joogsadeen, laakiin maxay kuugu taallaa hadana dambiilayayaasha soomaaliyeed si dag daga ayay u xuub siibanayeen oo ay hadana isugu diyaarinayeen in ay matalaan kaalin kale oo dambiilanimo oo waliba tii hore i qarso dhahaysa illeen ceebi waa laba af maroojisoo ruuxii isla goda ayay dhibaysaaye.

War soomaaliyeey ka joog, war ka jooga, war xageed u dhaga nabaysaan, war hadda ayay u baahan tahay in yax la dhaho, war niman yahow haddii aan marar badan khaldanay, khaladkeeniina eednay oon waliba faraha kaga gubannay, hadda mayayna haboonayn inaan is daba qaban,illeen caana daatayba dabadoodaa la qabtaaye, war hadda aan yax dhahno si aynan raqdeenna uga kor dhaadhicin mar kale, war wallee hadda ayay u baahan tahay caqli.

War nimanyahow aan is aqballo maxaa yeelay anigu adigaan wax kugu ahay, adiguna anigaad wax igu tahay, labadeenna oo wada jira ayaana wax isku ah, sidaan ahay igu aqbal, aniguna sidaad tahay aan kugu aqbalo, labadeenuba sidaan nahay aan isku aqballo deedna aan isa saxno haddii ay wax inaga khaldan yihiin waybana inaga khaldan yihiine, maxaa yeelay ciddii doonta walaalo wada muudh-muudhi ah waxay u baxdaa walaal la'aan.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010