عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Waxbarasho kaliya ayaa waddanka lagu badbaadin karaa!

10/5/2011

Waxaan jecelahay in aan mahad u jeediyo cid allaale ciddii niyad sami uga qayb qaadanaysa badbaadinta qaranka soomaaliyeed iyadoo ku hubaysan qalin qoraal iyo qalbi quman, meelna iska dhigta qasab ku qaado iyo qori dagaal qoorta suro.

Iyadoo aan ka anba qaadayno xaaladda cusub oo dalkaynu marayo kana dhalatay hiyikac (buufis), barakac (qax), haajirid (qulqul), ku habsaday dadwaynaha soomaaliyeed kuwaasoo ay ugu nugulyihiin carruur iyo dhallinyaro ku jirta da'dii waxbarashada (6 – 25jir). Xaaladdaan cusubi waxay u muuqataa mid xanbaarsan rajo xumo iyo deganaasho la'aan u soo hoyatay soomaalida gaar ahaan iyo bulsho waynta gobolka geeska afrika guud ahaan.

Waxaan doonayaa in aan qormadaan ugu soo gudbiyo dhammaan inta qadda, qalinka, looxa, sabuuradda, buugga, qorshaha iyo qalqaaladaba ugu jirta in ay qarankaan ka badbaadiyaan burburka ka dhashay aqoon la'aanta, qaska iyo qalalaasaha, qubashada dhiigga qaaliga ah ee qofka somaaliga ah, ayaan dhammaantood ugu baaqayaa in ay u guntadaan in umadda soomaliyeed laga gudbiyo marxaladdaan adag, taasoo u baahan in la helo kalsami, karti iyo kalsooni ay ka siman yihiin dhammaan qaybaha kala duwan ee dadwaynaha soomaaliyeed oo aad u daneeya in dib loo soo dhiso qaranki soomaaliyeed ee qariidada qaaradaha uga qornaa qaybta bari ee ay qorraxdu uga soo baxdo qaaradda afrika, meeshana laga saaro in ay soomaalidu tahay dad aan maaro loo heli Karin, dibna aan u hanan Karin dowladnimada uu suugaan curiye soomaaliyeed ku sifeeyay sadarada aan ka soo qaadanayno tuducyadaan:

Markii dibadda shaac looga dhigay, dowladnimadayna

Daciifnimadiyaa naga hartaya, dalagi cayreede

Ruux waliba waa kaa dabcoo, degay muraadkiisi

Niman dowladnimo qaatay waa, kala danbeeyaane

Daf-daf laguma maamulo intaad, dulucda eegtaane

Ninkii dacar abuurtaa ma helo, dararti laameeye

Laba daan ku cunaha hilbuhu, wuu dibirayaahe

Dalkoodiyo dadkoodii kuwaa dayacay waa liide

Waxaa hubaal ah in lasoo gaaray waqtigii qofkasta oo soomaali ah uu dib u qiimayn ku samayn lahaa qandhada (jirrada) qabatay soomaalida halkeebey uga timid? Waxaa dad badani qabaan in ay ka soo gaartay aqoon la'aan, waayoo waxaa iska cad haddiiba dhaqso loo garan waayay halka uu burburku ka soo gaaray dalkaan in lagu daalayo xal u helidda dhibaatada soomaalida soo gaartay.

Haddaba waxaa loo baahan yahay in la jeexo qad toosan iyo qorshe jaan go'an oo bulshawaynta soomaaliyeed ku dhiirri gelinaya in ay waxbarasho ugu deeqdo dhallinyaro iyo dhallinba, maadaama waddada kaliya ee waddankaan lagu badbaadin karo ay ta hay waxbarashada iyo waxbaridda uu Macallin soomaaliyeed ka tiriyay tuducyadaan:

Dhaar waxaan ku maray inaan waxbaro, dhoof anoo jira e

Dhulkaba waxaan u joogaa cilmigu, inuu dhammeyaaye

Jeerow sidii dhool onkoday, hoorto dhibicdiisu

Dhallinyaro iyo waayeel ilaa, dhigasho loo jeesto

Jeeroo la dhaansado aqoon, dhaaxo laga raagay..

Dhigi mayo orodkaas ilaa, iilka lay dhigo e

Waxaa qoray:ustaad/ Aadan Cali Casayr


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2012