Wasadiyada Islaamka
19/3/2007
Sheekh Axmed Rashiid Sheekh Xanafi ayaa muxaadaro ka jeediyey masjidka Al-Catiiq ee magaalada Muqdisho. Muxaadaradan oo dhacday maalintii Jimcaha 16/03/2007 cinwaankeedu wuxuu ahaa
"الاعتدال والوسطية في الإسلام"
Muxaadaradan waxaa dhageysanayey boqolaal qof oo dhalinyaro , haween iyo dadwaaweynba isugu jiray. sidoo kale, waxaa goobta joogay wariyayaal ka socday qaybaha warbaahinta sida idaacadaha iwm, iyo qaar ka mid ah goobaha cajaladaha duuba ee Muqdisho.
Sheekhu waxa uu si faahfaahsan uga hadlay sida Diinta Islaamku ugu dhisantahay wasadiya iyo ictidaal; ugana soo horjeedo una diidantahay in xadkii shay kasta Diintu u yeeshay in laga gaabiyo amaba laga badiyo oo halkaas tadaruf ka soo baxo.
Sheekhu wuxuu tibaaxay in wasadiyadu tahay jidka mustaqiimka ah ee Ilaahay –scw- la waydiisto
"إهدنا الصراط المستقيم" الفاتحة : 6
Wasadiyadu waa sifada Ilaahay umaddan ku amaanay
"وكذلك حعلناكم أمة وسطا لتكونو شهداء على الناس" البقرة : 143
Muxaadaradani waxay ka mid tahay muxadarooyinka badan ee la qabto maalmaha nasashada sida Khamiista iyo Jimcaha. Muxaadarooyinka noocan ahi waxay gacan ka gaystaan barashada Diinta Islaamka, iyo sare u qaadidda wacyiga bulshada.
Sheekh Axmed Rashiid Xanafi wuxuu ka mid yahay culimada Soomaaliyeed ee caanka ku ah khudbooyinka Jimcaha iyo muxaadarooyinka, dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.