Waraysi Sheekh Maxamed yuusuf Xassan
Q1 aad
2/10/10
Waxaa u suura gashay Mowqica Islaax.org , in uu waraysi la yeesho Sheekh Maxamed Yuusuf Xasan , oo ka mid ah culimada wax akhrisa .

Sheekhu waxa uu ku dhashay degmada Cadale ee Gobalka Shabeelaha Dhexe 1959 kii .
Dhinaca wax barashada : waxa uu Qur'aanka kariimka dhamaystay 1968dii , waxana uu bilaabay in uu u soo xeraysto Magaalada Muqdisho isla sanadkaas .
Mar aan waxka waydiinay ; Culimadii uu wax ka soo bartay dhinaca Xalaqaadaka waxa uu ku jawaabay sida tan :
Tafsiirka Qur'aanka kariimka waxa iigu Sheekh ahaa culima ay ka mid yihiin :
Sheekh Maxamed Macalin Xassan
Sheekh Maxamed Xareed
Sheekh Maxamuud Cawaale
Dhinaca Fiqhiga waxa iigu Sheekh ahaa:
Sheekh Cali Maxamed Rooble , oo ku magac dheeraa Sheekh Cali Madoobe oo gacanta igu hayay markii aan Muqdisho imid ilaa uu ka geeriyoodo
Sheekh Cabdulahi Cusmaan Cumar , oo aan ka dhegaystay laba rubac
Sheekh Xanafi Sheekh Bashiir , oo aan ka dhegaysatay rubaca Cibaadada
Dhinaca Siirada Nabiga waxaa iigu Sheekh ahaa : Dr. Ibraahim Dasuuqi
Dhinaca Naxwada :
Sheekh Cali Maxamed Rooble
Sheekh Nuurudiin Rooble xuurshow
Sheekh Cumar Iimaan Abuubakar
Sheekh Muumin Maxamed
Dhinaca Caqiidada waxaa iigu Sheekh ahaa :
Sheekh Maxamed Macalin Xasan
Sheekh Cabdulaahi Wehliye
Sheekh Maxamuud Ow Cabdule Cariiif
Dhamaantood ilaahay raali ha ka noqdo , intii dhimatayna ha u naxariisto , intii noolna cumri dheer iyo cibaado suuban Allaha siiyo …. Aamiin .
1977 dii waxaan galay Dugsigii la dhihi jiray Sheekh Suufi , waxaana ka qalin jebiyay 1984.
1986 dii waxaan galay Kuliyadii Shareecada iyo Luqada Carabiga , oo ka tirsaneed Jaamacadii Umada soomaaliyeed , waxaana ka baxay 1989 kii.
2006 dii ayaan waxbarshada masterka sajilay , taas oo ay hir gelinayeen Jaamacada muqdihso iyo Jaamacada Umul- Durmaan , kaas oo ah dhinaca Shareecada iyo qaanuunka – gaar ahaan usuul-Al fiqhiga - waxaa ii dhamaatay daraasada .
S. FADIILATU SHIIKH WAXAAD NOOGA WARANTAA NIDAAMKII WAXBARASHO EE XILIGAAS JIRAY , IYO KAN HADA MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN ?
J. Ugu horayn waxaan umahadcelinayaa bahda mowqica Islaax.org, markaan usoolaabto jawaabta su,aashaas , Dhanka xalaqaadka hadii aannu eegno xiligaas aad ayaa loo baran jiray, xernimadana waa la qiimany jiray , ixtiraamka Culimadu markaas ayuu badnaa ayaa la dhihi karaa , meelaha qaar xad dhaaf ayuu ba ahaa , laqbaynta waxa ay ku dhisneed sidda badan nidaamka Taqliidiga ah , sidaas darteed way dhib badneed in si fudud loo fahmo . Inta badan Culimadaas waxa ay ahaayeen Duruq Al- suufiya , ninka talmiidkaa ee raba in uu wax barto waxa ay eheed in uu is baro Sheekha , kadib markii uu wax bartana loo diro meeshii la rabo , si uu u faafiyo wixii uu ka bartay Sheekhiisa , waxaa dhici kartay in uu talmiidku yeesho laba Sheekh , oo kala ah xaga Cilmiga iyo xagga Dariiqada . Markii ay bilaabatay Saxwada ayaa aad loo fahmay laqbaha iyo macnaha kitaabka wuxuuna noqday mid ku dhisan nidaamka tadbiiqiga ah ee aan taqliidiga eheen , laakin dhinaca kale , waxaa wax is ka bedeleen ixtiraamkii iyo kala dambayntii oo waa sii yaraanaysay .
Dhanka Tacliinta Nidaamiga ah : waxaa la dhihi karaa way kala duwan tahay, waayoo Tacliintu xilligaas waxa ay ku dhisneed nidaanka Shuuciyada ama Cilmaaniyada , wacyiga islaamiguna waa yaraay , Cilmiga shareecada iyo kan tarbiyada Islaamka waxaa loo baran jiray imtixaanka uun ku baas . jadwalkana waxay u ga qorneed xisooyinka dambe .
Tan maanta jirta hadii aynu eegno , waxaa la dhihi karaa waxaa ku xooggan wacyiga Islaamiga , fahamkii diintuna waa faafay , mana la dhigo oo kaliya xisoonyika dambe ,ee waa mid ku milan xisoonyinka intooda kale , An Shaxii Islaamiguna waa kordhay , sida Asturkii , Xishoodkii , waana la kala soocay Ragii iyo Dumarkii goobaha wax barashada
Manhajka tacliinta hadda jirta waa mid kala duwan , oo waxaa la dhihi karaa ma midaysna , qaar waa manhaj Imaaraad ah , qaar waa sucuudi , iyu kuwa kale oo dibadda laga soo dhoofsaday .
Intaas iyo waxyaaba kale ayey ku kala duwanaayeen ayaa la dhihi karaa .