عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Dhaqdhaqaaqa Islaamka Soomaaliyeed-Al-Islaax

Hambalyo iyo Xasuusin

Munaasabadda taariikhiga ah ee qabsoomidda fadhigii rasmiga ahaa ee 1aad ee golaha shacbigu ku yeesho dalka gudihiisa, ayaa Ururka Islaax wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed, gudoomiyaha baarlamaanka Mudane Shariif Xasan Sh. Aadan, Ra`iisalwasaaraha Mudane Cali Maxamed Geeddi iyo dhammaan xildhibaanada golaha shacabka federaaliga ah ee kumeelgaarka ah ee Soomaalyeed. Waxaan Ilaahay uga baryaynaa inay shirkan ka soo baxaan guulo dhaxalgal ah oo dhammaan shacabka Soomaaliyeed u aayo, boogihiisana dhaya, una horseeda nabad, caddaalad, dimuqraadiyad iyo horumar.

Sidoo kale, waxaan ammaan ballaaran u soo jeedinaynaa madaxda iyo shacabka reer Baydhabo, oo waqti gaaban ku suurtageliyay in magaalada Baydhabo ay noqoto goob martigelisa fadhigaas dhaxalgalka ah, iyada oo gobolka ay ka jiraan jiilaal kulul iyo abaaro.

Madaxda qaranka ee ku shiraysa magaalada Baydhabo waxaan xasuusinaynaa in shacabka Soomaaliyeed ka sugayo: dibuheshiisiin dhab ah oo dalka lagu baahiyo, soocelinta nidaamka iyo kaladambaynta, sugidda amniga dalka, soo celinta adeegyadii bulshada, dibudhiska dalka, iyo soo celinta sharaftii iyo karaamadii shacabkeenna Soomaaliyeed ku lahaa dinuda.

Allaahu Akbar Walillaahi Xamd

Dr. Ibraahim Dasuuqi
Afhayeenka Dhaqdhaqaaqa
Islaamka Soomaaliyeed Al-Islaax


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008