عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Warsaxaafadeed

Cambaarayn Hadalada Boobka Kaniisadda Katooligga

Xarakada Islaax waxay ka xuntahay hadalada Boobka kaniisadda Katooligga, ee gafka ku ahaa Diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed (NNKH).
Hadaladani waxay ka turjumayaan aqoondari ama karaahiyo loo qabo Diinta Islaamka, waxayna Muslimiinta xusuusinayaan dhaawacyo badan oo Nabi Muxamed (NNKH) iyo Muslimiintaba horay loogu geystay
Islaax waxay cambaaraynaysaa hadaladaas gafka ah, oo aan ku haboonayn inay ka soo yeeraan qof masuul ah.
Waxay u aragtaa in hadalada uu Boobku kaga jawaabay carada muslimiinta aysan ahayn cudurdaar; balse ay tahay yaraysi dadka Muslimiinta ah iyo cagligoodaba.
Sidaas darteed, waxay Xarakada Islaax ku baaqaysaa in Boobku cudurdaar buuxa ka bixiyo hadaladaas gefka ku ah Diinta Islaamka iyo Nabi Muxamed (NNKH) ee ka soo yeeray.

Allaahu Akbar Walillaahil Xamd

Dr. Ibraahim Dasuuqi
Afhayeen u hadlay Islaax


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008