عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Warsaxaafadeed
17/8/2006

Xarakada Islaax oo qabanqaabisay xaflad diini ah oo lagu maamuusayo sanadguuradii 28aad ee asaaskeeda, laguna qabanayey maanta oo khamiis ah taariikhduna tahay 17 Agoosto 2006, Hotel Shamo, ayaa waxaa xafladaas lagu joojiyay go`aan ka soo baxay Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed.

Xafladan waxaa lagu martiqaaday masuuliyiinta Golaha Maxkamadaha Islaamka, culumaa`udiinka, odayaasha dhaqanka, ururada bulshada rayidka ah, iyo shakhsiyaadka caanka ah ee Gobolka Banaadir.

Haddaba, Xarakada Islaax ayadoo aad uga xun go`aanka mamnuucidda qabashada xafladdan, waxay u cudurdaaranaysaa dhammaan masuuliinta iyo dadwaynaha xafladda lagu casuumay.

Go`aankan lagu joojiyey qabashada munaasabadaan diiniga ah, oo aan waxba u dhimayn nabadgelyada iyo xasiloonida, wuxuu xadgudub ku yahay xorriyaadka guud oo shacabku muddo u soo halgamayay, baahi waynna ay u qabeen.

Golaha Maxaakimta Islaamku waxay guulo ka soo hooyeen xasilinta amniga, isla markaana ku baaqeen kudhaqanka Shareecada Islaamka, taasi oo aad loo soo dhoweeyey.

Ugu dambayn, waxaan xasuusinaynaa walaalaheen Maxkamadaha inuusan go`aanka mamnuucidda xafladaha iyo kulamada dadwaynuhu in uusan u adeegaynin danta dalka iyo Diinta, wuxuuna dhaawacayaa sumcadda Golaha Maxkamadaha, wuxuuna ka soo horjeedaa himilooyinkii ay dadwaynuhu ka sugayeen kacdoonka ay Maxkamaduhu horkacayeen.


Allaahu Akbar WalillaahiXamd


Sh. Cabdulaahi Cali Xayle
Afhayeen u hadlay Islaax


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008