|
WARSAXAAFADEED
Iyadoo laga duulayo heshiiskii Khartuum ee 22/6/2006
dhexmaray dawladda federaadka kmg ah iyo golaha maxkamadaha Islaamka
ee Soomaaliya;
Islamarkaana, maskaxda lagu hayo in xalka mushkiladda
Soomaaliyeed ku jiro wadahadal iyo dibuheshiin;
Ayaan waxaan ku baaqaynaa qodobadan:
-
In laga faa`iidaysto fursadda
gogosha fidsan ee taalla Khartuum; oo dawladda federaalka kmg
iyo golaha maxkamadaha Islaamka ee Soomaaliya ay si firfircoon
uga wada qaybgalaan shirkaas, sidii ay horeba ugu soo heshiiyeen.
Si gaar ah waxaan ugu baaqaynaa xukuumadda federaalku inaysan
shirkaan marnaba ka maqnaan.
-
In labada dhinac ee shrkaasi
u dhaxeeyo ay ka shaqeeyaan najixintiisa, iyo sidii ay u wada
gaari lahaayeen heshiis dhaxalgal ah, oo wax ku kordhiya xallinta
mushkiladda Soomaaliya.
-
Waxaan bogaadinaynaa dadaalka
Jaamacadda Carabta, waxaanan ku dhiirigelineynaa inay sii wadaan,
oo aysan ka daalin caqabad kasta oo ka hortimaada.
-
In Beesha caalamka, wadamada
deriska ah, ururada bulshada rayidka Soomaaliyeed iyo guud ahaanba
shacabka Soomaaliyeed ay dhiirrigeliyaan, gacanna ka gaystaan,
dhamaystirka dibuheshiisiinta Soomaaliya, gaar ahaanna qabsoomidda
shirka khartuum iyo ka mirodhalintiisa.
-
Waxaan mar kale adkaynaynaa
in xalka mushkiladda Soomaaliyeed ku jiro Soomaalida oo wada
hadasha, kana heshiisa khilaaf kasta oo dhexyaalla.
Allaahu Akbar Walillaahi Xamd
Sh. Cabdulaahi Cali Xayle
Afhayeen u hadlay Xarakada Islaax
|
|
|