عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Warsaxaafadeed ku aadan Duqaynta Maraykanka iyo
Xaaladda deg-degga ah

13/1/2007

Maalmahaan dalkeenna Soomaaliya waxaa ka socda isbedello waawayn. Waxaa suuragashay inuu caasimadda Muqdisho uu soo gaaro madaxweynaha Soomaaliya mudane Cabdullahi Yuusuf iyo Raisulwasaaraha prof. Cali Maxamed Geeddi oo kulamo isdaba joog ah la yeelanaya qeybaha bulshada. Xarakada Islaax oo ka amba qaadeysa mabaadi’deeda caamka ah iyo siyaasaadkeeda ku wajahan marxaladaan, waxey ku baaqeysaa qodobadaan soo socda:


1. Xarakada Islaax waxay si wayn u cambarayneysaa duqaynta cirka ee ciidamada Mareykanka ay ka fulinayaan Soomaaliya, taas oo ay ku nafwaayeen dad rayid ah, wax-yeelooyinna ka soo gaareen duunyo badan iyo deegaanba. Falalka noocaas ah waxey sii hurinayaan cadaawad, waxeyna ka soo horjeedaan xeerarka caalamiga ah.

2. Xarakada Islaax waxay ka welwelsantahay xaaladda degdegga ah ee dalka lagu soo rogay. Dhaqangelinta xaaladaas waxey keeni kartaa dhibaatooyin cusub iyo xadgudubyo xuquuqda asaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

3. Xarakada Islaax waxay u aragtaa in xalka Soomaaliya ay sal u tahay dib-u-heshiisiinta bulshada, wada tashiga, iscafinta iyo soo celinta hay`adaha dawladda oo hawshooda gudan kara. Sidaas darteed, xarakadu waxey bogaadinaysaa imaanshaha madaxweynaha iyo raisulwasaaraha ee magaaladda Muqdiso, wada tashiyada isdaba joogga ahna la qaadanaya madaxweynayaashii hore, bulshada qaybaheeda kala duwan iyo hogaamiye kooxeedyada. Xarakadu waxey u aragtaa dhaqdhaqaas inuu bilow u yahay tilaabooyinka la rabo in loo qaado dhanka saxda ah.

4. Xarakada Islaax waxay taageeraysaa isla markaasna bogaadinaysaa mawqifka mideysan ee ururrada bulshda rayidka ah iyo ganacsatada magaalada Muqdisho ay ka soo saareen xaaladda Soomaaliya 7da bisha Jinaayo 2007 iyo dadaallada ay ugu jiraan u ololaynta iyo ka qayb qaadashada hawlaha nabadayta, dib-u-heshiisiinta iyo u adeegidda bulshada.

5. Xarakada Islaax waxay ugu baaqaysaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho inay khilaafaadkooda xallistaan wadajirna u taageeraan hawlaha lagu hirgelinayo dawladnimada Soomaaliyeed.
6. Xarakada Islaax waxey ugu baaqaysaa dawladaha caalamka, gaar ahaan dawladaha Carabta inay si deg deg ah ugu yaboohaan ciidamo ka qayb qaata sugidda nabadda Soomaaliya iyo inay shacbiga iyo dawladda Soomaaliyeed ugu deeqaaan kaalmo dhaqaale iyo mid farsamo oo suurogelin karta soocelinta hay`adaha qaranka. Dedejinta keenista ciidamadaas waxey horseedaysaa in sida ugu dhaqsaha badan uga baxaan ciidamada Itooobiya dalka Somaaliya.

7. Xarakada Islaax waxay ugu baaqaysaa bulshada caalamka inay degdeg ula soo gaaraan gargaar bani’adamnimo dadka ku tabaaloobay dagaallada, abaaraha iyo fatahaadaha. Gaar ahaan waxey xarakadu si gaar ah ugu baaqeysaa in mudnaan gaar ah la siiyo dadka rayidka ah ee ka cararay dagaalladii dhawaan dhacay oo hadda ku xayiran xuduudda Soomaaliya iyo Kenya.


Allahu Akbar WalillahilXamd


Dr. Ibraahim Dasuuqi
Afhayeenka Xarakada Islaax


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008