عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Waraysi Dr Sh. Axmed Al-Qudubi Qeybta (2) aad

18/12/2006: Fadiilatu sheekh, maxaa looga baahan yahay sheekha tafsiirka akhrinaya, marka uu casharka diyaarinayo?
Sh. Axmed: Ruuxa akhrinaya Tafsiirka waa in uu ogaadaa Tafsiirku waa risaaladii Ilaahay gudbinteeda su`aashanina aad bay u baaxad wayn tahay lagumana soo koobi karo kalimad waxayna ku cadahay culimadii hore warkoodii.
Waxaa la yiri C/lahi Ibnu Cabaas baa waxaa u yimid nin raba in uu wax akhriyo oo sheekh noqdo, markaas buu Ibnu Cabaas yiri ma iska saartay meel sadex aayadood markaas buu yiri waan maleynayaa markaas buu yiri:

أتأمرون الناس بالبر وتنسون أنفسكم...البقرة:44

ياءيها الذين آمنوا لم تقولون ما لا تفعلون...الصف:2

وما أريد أن أخالفكم إلى ما أنهاكم عنه... هود:88

markaas buu yiri maya. Markaas buu yiri Ibnu Cabaas horta naftaada kasoo adkoow. dhinaca kale qofka Soomaaliga ah hadii la oran lahaa Sadexdaa aayadood meel masaartay wuxuu oranlahaa waan qalinjebiyey ama waan daadshay!!
Kitaabadee ayaad ku talin lahayd in loo kaashado diyaarinta tafsiirka Quraanka kariimka?
Sh. Axmed: Waxaan ku talin lahaa in uu kitaabadan isha mariyo: dabcan qofka wax akhrinaya toban kitaab hal mar mawada koobi karo, laakiin waxaan ku talin lahaa in uu ka diyaariyo kutubadan soo socda: Safwatu Tafaasiir, Sheekh Saabuuni, Tafsiirka Jalaalaynka, Fiidilaalil Qur`aan ee Sayid Qudbi iyo Tafsiirka Qurdubi.
Sidoo kale maxaa looga baahan yahay Sheekha tafsiirka akhrinaya, marka uu akhriyayo ee xalaqada uu fadhiyo?
Sh. Axmed: Kalama foga maxaa yeelay waxa uu wax u baranayo waa inay tahay taqwallaah iyo Illaah wajigiisa iyo in uu naftiisa dhiso oo culuumta uu barto hoosna uu ka soo bilaabo kor ha kaga boodin oo uu luqadda Carabiga iyo Naxwaha soo akhristay sidoo kale Sarfiga iyo Balaaqada wax ka garanaya.
Kitaabka Alle keligii baa jaamacad ah maxaayeelay waa Tafsiir waa Xadiis waa Fiqhi waa Siiro wax kamaqani majiraan waa Tarbiyo waa Akhlaaq waa cilmu nafsi. Tafaasiirta qaarbaa ku magacaaba jaamicul Azhar maxaa yeelay meel aadan ku qasbaneyn in aad farta lagasho majirto ,qofka akhrinaya tafsiirka waa in uu culuumta oo dhan ilmaam u leeyahay.
Maxaad kula dardaarmi lahayd culimada tafsiirka akhriya?
Sh. Axmed: Waxaan u dar daarmayaa Allaah waxa uu yiri

ومن أحسن قولا ممن دعا إلى الله وعمل صالحا.....سورة فصلت أية (33)

wax ka fiicana malaha in cilmi la bixiyo waa shaqadii anbiyada Ilaahay nabiguna waxaa uu yiri (N.N.K.H)

بلغوا عنى ولو أية صدق رسول الله (ص)

Waxaa Soomaaliya loogu qaybiyey Shanta qaybood waa Ku dheganaanshaha diinta ay ku dhagan yihiin kudhaganaanshahaana waxaa sabab u ah culimada Soomaaliyeed ee xalaaqaadka cilmiga leh iyo Dugsiyada Qur`aanka marka si ay u sii socdaan waa in nin kastaa oo wax akhrin karaa uu umadiisa wax u akhriyo diintana fidiyo waa sadaqo jaariya`e.
Ugu dambayn maxaad kula dardaarmi lahayd qofka tafsiirka Quraanka kariimka dhegaysanya?.
Sh. Axmed: Qofka dhegaysanaya waxa uu qaadanayaa soo socod iyo sii socod Ajar sida ku cad xadiiskii Rasuulka (N.N.K.H) …..
من خرج في طلب العلم فهو في سبيل الله

waana in uu niyad saalix ah la yimaadaa waana in uu ku camal falaa waxa uu soo dhegaystay sida Allaah leeyahay

الذين يستمعون القول فيتبعون أحسنه .. سورة الزمر أية(18)

lamana ogola hadalada ay Soomaalidu adeegsadaan sida waqtigaan isku dhaafinayaa, waan iska soo dhegaysanayaa iyo wixii lamid ah, xalaaqaadkuna waa meesha uu yiri nabigu (N.NK.H)

إذا رأيتم برياض الجنة فارتعوها قالوا وما رياض لجنة قال حلاق الذكر

Waana meelaha wax lagu barto xuska Allena lagu hayo maxaa yeellay Salafusaalix waxay dhihi jireen baab Fiqhi ah oo aan bartaa ayaan kajeclahay kun rakco oo suna ah oo aan dukado marka qofka waxbaranaya Aayaad, Axaadiis, Fiqhi, waa qof jihad ku jira ilaahey agtiisana wax wayn baa uyaala Soomaalidana wax jahlinimo loogu cudur daarayo aad bey u yar tahay, waxaana sabab u ah xalaqaadka aan cidna loo diidaynin xoolana laga qaadayn iyadoo weliba hadda idaacado ay ku soo darsameen oo culimadii ay ka bixinayaan culuumtii oo dhan marka waa in dadka wax baranaya cibaado ayay ku jiraane yaysan caaddo u bedelin

Lasoco qeybta 3aad ee wareysiga


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008