عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Qaybtii 3aad ee Waraysigii Sh. Ahmed Rashid

12/5/2007

S. Waxaad nooga warantaa xilligii la asaasayay xarakada side buu ahaa baraarugga Islaamka ee Soomaliya?

J. Baraarugga Islaamku xilligaas waxaa uu ahaa bilow oo waxaa wadanka xilligaa soo gaaray culima xambaarsan baraarug Islaami ah oo jaamacaadka wadamada Carabta ka soo baxeen, waxaana ka mid ahaa culimadaa Sh.Maxamed Macalin Xasan Allaah ha u naxariistee, Sh.Garyare, waxaa kale oo soo gaarayay marwalba kutub fikri ah oo laga keenayay caalamka haba ugu badnaadeen dadka xujayda ah kitaabada ay soo gali jireen, inkastoo dowladii jirtay diidi jirtay soo galinta kutubtaas hadana way imaan jirtay, saldhigga baraarugguna wuxuu ahaa maalintaa Masaajidda & Iskuulada.

Islaaxna kaligeed ma samayn baraarugga Islaamka ee waxaa jiray walaalaheyn Islaam ah oo iyaguna wadeen dhaqdhaqaaqa baraarugga oo ay ugu horeeyeen culamaa`u suufiya iyo shabaab iyagu is xil saareen oo aad uga shaqeeynayay dacwada.

S. Maxaad kula talineysaa dhallinyarada baraarugga Islaamka rag & dumar?

J. Waxaan kula talinayaa dhallinyarada baraarugga Islaamka rag iyo dumarba in ay cilmiga bartaan ayna ogaadaan in Islaamku ku salaysanyahay cilmiga sida uu Allaah leeyahay:

(ففهمناها سليمان وكلا آتينا حكما وعلما)- الأنبياء آية 79

Waxaan fahamsiinay suleymaan dhamaan waxaana siinay xukun & cilmi.

(هل يستوي الذين يعلمون والذين لا يعلمون) سورة الزمر آية 9

Waxaad dhahdaa Nabiyow ma egyihiin kuwa wax yaqaan & kuwa aan wax aqoonin .

(فأعلم أنه لاإله الاالله) سورة محمد آية 19

Ogow kuna sugnow nabiyow in aan Eebe mooyee Illaah kale jirin.

(والذين أوتوا لعلم درجات) سورة المجادلة آية 11

Illaahey wuu kor yeelayaa kuwa xaqa rumeeya kuwa cilmiga lehna darajooyin ayuu kor yeelayaa .

Aayaadkaas oo dhan waxay sheegayaan qiimaha cilmigu leeyahay iyo fadligiisa, waxaana kula talinayaa dhallinyarada baraarugga Islaamka in ay culimada cilmiga aadka u yaqaan ka faa`iidaystaan aysana kala soocin, waana culimada cilmiga leh in laga faa`iidaystaa cilmiga saxda ahna laga bartaa, si ay u fahmaan dhallinyarada baraaruga Islaamku meesha loo socdo iyo meesha laga socdo iyo wiliba waxa loo socdo.

Mida kale, waa in ay ka fogaadaan waxa loo yaqaan seef laboodnimada iyo umadda oo la qaybiyo oo la yiraahdo kan waa gaal kana waa murtad kana waa munaafaq iwm.

Waxaa kale oo aan kula dardaarmayaa shabaabka in ay qaataan wadada dhexdhexaad nimada ah iyadaana asalka Islaamka ah siduu Allaah noo sheegay:

(وكذلك جعلناكم أمة وسطا) البقرة آية 143

Saasaan idinka dhignay ummad caadil (kheyr ah).

Dhex dhexaad nimada iyo sahlanaanta Islaamka aayaad badan baa ka hadlay oo amaanay cadeeyayna wanaaga ay leeyihiin waxaana kamid ah:

(يريد الله بكم اليسر ولا يريد بكم العسر) البقرة آية 185

Waxaa uu idin la dooni Eebe fudeyd ee idinla doonimaayo culeys .

(يريد الله أن يخفف عنكم وخلق الإنسان ضعيفا) سورة النّساء آية 28

Wuxuu dooni Eebe in uu idinkafududeeyo waxaase dadka la abuuray isgoo tabar daran .

Dadkana in la gaalaysiiyo maaha, dadkuna Islaamka iyo dhaqankiisa hal meel kama wada joogaan Allaah baana cadeeyay taa oo yiri:

(فمنهم ظالم لنفسه ومنهم مقتصد ومنهم سابق بالخيرات) سورة فاطر آية 32

Waxaase dadka kamid ah mid dulmiyay naftiisa & mid dhex dhexeystay & mid ku hanuunay kheyrka.

Lasoco Qeybta 4 aad 


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2010