Waraysi Sheekh
Axmed Qudubi
Qaybta 1aad
11/12/2006: Sh.
Axmed Sh. Xasan Qudubi waxaa uu ka mid yahay culimada Soomaaliyeed
ee aadka loo yaqaan, ee ku caan baxay akhrinta Culuumta Islaamka,
gaar ahaan Tafsiirka Quraanka Kariimka. Sheekhu wuxuu tafsiirka
ka xambaaray Sheekh Maxamed Macalin Xasan –Ilaahay ha u naxariistee.
Wuxuuna ka mid yahay culimada saamaynta duruustooda iyo muxaadarooyinkoodaba
laga dareemo bulshada dhexdeeda.
Sheekh Axmed Qudubi masaajido farabadan oo ku kala yaala xaafadaha
kala duwan ee magaaladan Muqdisho ayuu Tafsiirka Quraanka kariimka
ah ka soo akhriyay. Xilligan wuxuu ka akhriyaa masjidka Al-Ansaar
ee ku yaala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana dhegeysta
boqolaal qof oo isugu jira rag iyo haweenba. Tafsiirka oo mudo
uu soo akhriyayay hada waa gabagabo, waxa uuna marayaa suuradda
Al-Shuuraa.
Hadaba si aan wax uga ogaano taariikhnololeedka Sheekha iyo waayaragnimadiisa
akhrinta Tafsiirka Quraanka kariimka ah waxaa noo suuragashay
in aan Sheekha wareysi la yeelano; wuxuuna u dhacay sidatan:

Fadiilatu sheekh waxaadnooga warantaa barashadaadii tafsiirka
quraanka. Yaa Sheekh kuugu ah tafsiirka?
Sh.Axmed: ugu horeyntii waxaan ka akhristay Sheekh Abuukar Macalin
oo noogu akhrin jiray masaajidka la yiraahdo Afleershe ee degmada
Boondheere ee magalada Muqdisho Iyadoo ay halkaas mareyso ayaa
waxaa bilaabay tafsiir Sheekh Maxamed Macalin Xasan isagoo ku
bilaabay masaajidka C/qaadir ee ku yaala Ceelgaab,Muqdisho tafsiirkaas
oo ahaa mid casri ah kutubo badana ka soo diyaarin jiray kitaabo
gaaraya 10-20 kitaab sida uu yiri Sheekhu Waxaan xusuustaa markii
la igu yiri waxaa yimid nin halkii aayad dhowr micno gelinaya,
waan iska dhega tiri jiray oo waxaan lahaa ma isagaa ka fiican
culimadeenii hore,laakiin habeen baan ka wardoon is iri, waxaana
tagey isaga oo fasiraya aayad ku jirta suurada Al-Ancaam,
(قد نعلم إنه ليحزنك
الذي يقولون فإنهم لا يكذبونك ولكن الظالمين بآيات الله يجحدون)
Siduu habeenkaa
ii cajabiyay waxaan wacad ku maray in aanan ka baaqan hal habeenna
iyadoo uusan iga reebin cudur weyn kamana baaqan Tafsiirka Sheekha
ilaa laga gaaro suurada Sabixisma Rabbikal aclaa. Sh.Maxamed Macalin
–Ilaahay ha u naxariistee- waa Sheekhayga Tafsiirka macalinka
iigu ahaa, qaabka casrigaa sadex Jeerbaan ka akhristay weliba
markii uu tafsiirka kabaxo ayaan ku celin jiray intii Sheekha
ka dhageysaneysay ayaana ugu celin jiray halkaas ayaana ka xanbaaray
tafsiirka.
Goorma ayaad bilowday akhrinta tafsiirka?.
Sh Axmed: Horta wadanka waan ka haajiray, 1988 ayaan Soomaaliya
ku soo laabtay, marka hadii laga reebo ardayda iskoolada yaman
tafsiirkii muqararka ahaa, waxaan Tafsiir u fariistay oo aan sheekh
ka noqday sanadkii 1989kii, masjid ku yaala degmada Madiina xaafada
Aargada layiraahdo ayaanan ku bilaabay, aadna waa loo soo camiray.
Laga soo bilaabo maalintaa ilaa maanta aan joogno in badan baan
dhameeyey tafsiirka oo Ilaahey noo taamyeelay, waxaan xusuustaa
afar jeer in dagaalo naga kala jareen oo aanan dhameystirin
Masaajidda aad tafsiirka ka soo akhriday, kuwee kamid ahaa?
Sh.Axmed: waxaan ka soo akhriyey masaajidada ay ka mid yihiin
masjid ku yaala degmada Madiina, masjidka Bangaariyada xaafadda
kaasabobolaare, masjidka Hilaal, masjidka Cabdirashiid Cali Sharma
arke, masjidka Al-Ansaar; [oo afartuba ku yaalla degmada Hodan
ee Muqdisho] iyo kuwo kale.
Xilliyadaa kala duwan ee aad tafsiirka akhriyaysay, xilligee ayaa
dareen gaar ah kugu leh. Waayona?
Sh. Axmed: kol walba dareenkiisa waa inuu dhadhansadaa qofku macnaha
Quraanka, tankale kuliyada luqada carabiga iyo aadaabteeda waxaan
u galay waxay ahayd in Tafsiirka, Axaadiista iyo Fiqhiga dhamaantood
in aan aad u fahmo, aanna u arkayay in aan looga maarmeyn. Tafsiirku
dhadhan gooni ah ayuu leeyahay, waxaana dareemayey mar aan ku
bilaabay masjidka Cabdirashiid 1994 oo aad loo soo camiray cajaladana
laga duubay, aadna u saameeyay dadwaynaha; Kaas ayuuna ahaa kan
ugu saameynta badnaa anna iigu dhadhanka badnaa.
Tafsiir ay dadwaynuhu dhegaysanayaan ka sokow, ma jiraa tafsiir
aad cajalad ku duubtay, iyadoon cidina dhegaysanayn?
Sh. Axmed: Haa, wuu jiraa tafsiir la duubay oo ay ka mid ahaayeen
kuwa aan ka sheekeynayay Soomaaliduna waa dad diin jecel, waxaana
Tafaasiirta la iga duubay loo qaatay shanta qaaradood. Meelo badan
ayaa jira oo laga soo codsaday in aan soo koobo fududeeyana si
ay uga faa`iideystaan dadka oo dhan. Maxaa yeelay mustawaha Tafsiirkaa
aad buu u sareeyey, waana aqbalnay codsigaas; oo waxaan akhrinay
waxa loo yaqaano tafsiirul-mufradaad ama laqbeyn oo aan ku soo
koobnay 60 lixdan cajaladood meesha kuwii hore ay ka ahaayeen
300-500 oo cajal, sidoo kale waxaa lagu duubay cajaladaha loo
yaqaano fiidiyowga oo aduunka loo kala qaatay.
Maxay ku kala duwan yihiin markaad akhriyayso tafsiirka la dhegaysanayo,
iyo markaad akhriyayso tafsiirka la duubayo keliya?
Sh. Axmed: farqi weyn baan dareemayey maxaa yeelay dadka ku soo
fiirinaya waxay ku gelinayaan xamaas, iyo adigoo isleh dadka wax
fahamsii [oo] ka dhaadhici; qofka loo akhrinayo laftiisana qoyaan
iyo qushuuc buu helayaa, saameyna aad buu ugu yeelanayaa. kan
aan lagula jirin laakiin tartiib baad isaga laqbeysan kartaa laakiin
kuma dhama dareen!
Waa maxay farqiga u dhexeeya casharada ka baxa masaajidada iyo
ardayga jaamacadda duruusta ku qaadanaya?
Sh. Axmed: Intaanan farqiga sheegin waxaan soo jeedinayaa inay
haboontahay in laysku darsado si faaiido dhameystiran loo helo.
Dhinaca kale farqi baa u dhaxeeya, xalaqaadka waxa ay ku wanaagsan
yihiin waxaa la akhrinayaa kitaabka garbad ilaa garbad, laakiin
jaamacadaha waa goosgoos
Lasoco qaybta 2aad ee waraysiga.