عربي
BOGGA HORE
WARAR & DOODO
XARAKADA & DACWADA

GOOBO KALE

Waraysi Sheekh Axmed Qudubi
Qaybta 1aad

11/12/2006: Sh. Axmed Sh. Xasan Qudubi waxaa uu ka mid yahay culimada Soomaaliyeed ee aadka loo yaqaan, ee ku caan baxay akhrinta Culuumta Islaamka, gaar ahaan Tafsiirka Quraanka Kariimka. Sheekhu wuxuu tafsiirka ka xambaaray Sheekh Maxamed Macalin Xasan –Ilaahay ha u naxariistee. Wuxuuna ka mid yahay culimada saamaynta duruustooda iyo muxaadarooyinkoodaba laga dareemo bulshada dhexdeeda.
Sheekh Axmed Qudubi masaajido farabadan oo ku kala yaala xaafadaha kala duwan ee magaaladan Muqdisho ayuu Tafsiirka Quraanka kariimka ah ka soo akhriyay. Xilligan wuxuu ka akhriyaa masjidka Al-Ansaar ee ku yaala degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana dhegeysta boqolaal qof oo isugu jira rag iyo haweenba. Tafsiirka oo mudo uu soo akhriyayay hada waa gabagabo, waxa uuna marayaa suuradda Al-Shuuraa.
Hadaba si aan wax uga ogaano taariikhnololeedka Sheekha iyo waayaragnimadiisa akhrinta Tafsiirka Quraanka kariimka ah waxaa noo suuragashay in aan Sheekha wareysi la yeelano; wuxuuna u dhacay sidatan:


Fadiilatu sheekh waxaadnooga warantaa barashadaadii tafsiirka quraanka. Yaa Sheekh kuugu ah tafsiirka?
Sh.Axmed: ugu horeyntii waxaan ka akhristay Sheekh Abuukar Macalin oo noogu akhrin jiray masaajidka la yiraahdo Afleershe ee degmada Boondheere ee magalada Muqdisho Iyadoo ay halkaas mareyso ayaa waxaa bilaabay tafsiir Sheekh Maxamed Macalin Xasan isagoo ku bilaabay masaajidka C/qaadir ee ku yaala Ceelgaab,Muqdisho tafsiirkaas oo ahaa mid casri ah kutubo badana ka soo diyaarin jiray kitaabo gaaraya 10-20 kitaab sida uu yiri Sheekhu Waxaan xusuustaa markii la igu yiri waxaa yimid nin halkii aayad dhowr micno gelinaya, waan iska dhega tiri jiray oo waxaan lahaa ma isagaa ka fiican culimadeenii hore,laakiin habeen baan ka wardoon is iri, waxaana tagey isaga oo fasiraya aayad ku jirta suurada Al-Ancaam,

(قد نعلم إنه ليحزنك الذي يقولون فإنهم لا يكذبونك ولكن الظالمين بآيات الله يجحدون)

Siduu habeenkaa ii cajabiyay waxaan wacad ku maray in aanan ka baaqan hal habeenna iyadoo uusan iga reebin cudur weyn kamana baaqan Tafsiirka Sheekha ilaa laga gaaro suurada Sabixisma Rabbikal aclaa. Sh.Maxamed Macalin –Ilaahay ha u naxariistee- waa Sheekhayga Tafsiirka macalinka iigu ahaa, qaabka casrigaa sadex Jeerbaan ka akhristay weliba markii uu tafsiirka kabaxo ayaan ku celin jiray intii Sheekha ka dhageysaneysay ayaana ugu celin jiray halkaas ayaana ka xanbaaray tafsiirka.
Goorma ayaad bilowday akhrinta tafsiirka?.
Sh Axmed: Horta wadanka waan ka haajiray, 1988 ayaan Soomaaliya ku soo laabtay, marka hadii laga reebo ardayda iskoolada yaman tafsiirkii muqararka ahaa, waxaan Tafsiir u fariistay oo aan sheekh ka noqday sanadkii 1989kii, masjid ku yaala degmada Madiina xaafada Aargada layiraahdo ayaanan ku bilaabay, aadna waa loo soo camiray. Laga soo bilaabo maalintaa ilaa maanta aan joogno in badan baan dhameeyey tafsiirka oo Ilaahey noo taamyeelay, waxaan xusuustaa afar jeer in dagaalo naga kala jareen oo aanan dhameystirin
Masaajidda aad tafsiirka ka soo akhriday, kuwee kamid ahaa?
Sh.Axmed: waxaan ka soo akhriyey masaajidada ay ka mid yihiin masjid ku yaala degmada Madiina, masjidka Bangaariyada xaafadda kaasabobolaare, masjidka Hilaal, masjidka Cabdirashiid Cali Sharma arke, masjidka Al-Ansaar; [oo afartuba ku yaalla degmada Hodan ee Muqdisho] iyo kuwo kale.
Xilliyadaa kala duwan ee aad tafsiirka akhriyaysay, xilligee ayaa dareen gaar ah kugu leh. Waayona?
Sh. Axmed: kol walba dareenkiisa waa inuu dhadhansadaa qofku macnaha Quraanka, tankale kuliyada luqada carabiga iyo aadaabteeda waxaan u galay waxay ahayd in Tafsiirka, Axaadiista iyo Fiqhiga dhamaantood in aan aad u fahmo, aanna u arkayay in aan looga maarmeyn. Tafsiirku dhadhan gooni ah ayuu leeyahay, waxaana dareemayey mar aan ku bilaabay masjidka Cabdirashiid 1994 oo aad loo soo camiray cajaladana laga duubay, aadna u saameeyay dadwaynaha; Kaas ayuuna ahaa kan ugu saameynta badnaa anna iigu dhadhanka badnaa.
Tafsiir ay dadwaynuhu dhegaysanayaan ka sokow, ma jiraa tafsiir aad cajalad ku duubtay, iyadoon cidina dhegaysanayn?
Sh. Axmed: Haa, wuu jiraa tafsiir la duubay oo ay ka mid ahaayeen kuwa aan ka sheekeynayay Soomaaliduna waa dad diin jecel, waxaana Tafaasiirta la iga duubay loo qaatay shanta qaaradood. Meelo badan ayaa jira oo laga soo codsaday in aan soo koobo fududeeyana si ay uga faa`iideystaan dadka oo dhan. Maxaa yeelay mustawaha Tafsiirkaa aad buu u sareeyey, waana aqbalnay codsigaas; oo waxaan akhrinay waxa loo yaqaano tafsiirul-mufradaad ama laqbeyn oo aan ku soo koobnay 60 lixdan cajaladood meesha kuwii hore ay ka ahaayeen 300-500 oo cajal, sidoo kale waxaa lagu duubay cajaladaha loo yaqaano fiidiyowga oo aduunka loo kala qaatay.
Maxay ku kala duwan yihiin markaad akhriyayso tafsiirka la dhegaysanayo, iyo markaad akhriyayso tafsiirka la duubayo keliya?
Sh. Axmed: farqi weyn baan dareemayey maxaa yeelay dadka ku soo fiirinaya waxay ku gelinayaan xamaas, iyo adigoo isleh dadka wax fahamsii [oo] ka dhaadhici; qofka loo akhrinayo laftiisana qoyaan iyo qushuuc buu helayaa, saameyna aad buu ugu yeelanayaa. kan aan lagula jirin laakiin tartiib baad isaga laqbeysan kartaa laakiin kuma dhama dareen!
Waa maxay farqiga u dhexeeya casharada ka baxa masaajidada iyo ardayga jaamacadda duruusta ku qaadanaya?
Sh. Axmed: Intaanan farqiga sheegin waxaan soo jeedinayaa inay haboontahay in laysku darsado si faaiido dhameystiran loo helo. Dhinaca kale farqi baa u dhaxeeya, xalaqaadka waxa ay ku wanaagsan yihiin waxaa la akhrinayaa kitaabka garbad ilaa garbad, laakiin jaamacadaha waa goosgoos

Lasoco qaybta 2aad ee waraysiga.


MAQAL & MUUQAAL
Islaax © 2006-2008